Thursday 22 October 2009

KA FAAIDAYSO SHAN INTA AANAY SHANI KUU IMAN!! MAQAAL

KA FAAIDAYSO SHAN INTA AANAY SHANI KUU IMAN!! MAQAAL

SALAAM LAAHI CALEYKUM

Alxamdulilaah ilaahey ayey u sugnaatey mahad oo idil u sugnaatey kaas oo samooyinka taagey bila tiir Arladana fidshey ;
intaas ka dib ; ilaahe subxanaa watacaalaa addunyada waxaa uu u abuurey in biniaadanku ku soo sahey qaataan una soo sahey qaataan daarta danbe iyo in ay isaga caabudaan ;
hadaba qof kasta oo islaam ah waxaa waajib ku ah in uu ka faaideysto ayaamaha is bada sicda iyo cimrigisa maalinba maalinta ka danbeysa sii yaraanaya ;
nabi MAXAMED naraxiis iyo nabad galyo korkiisa ha ahaatee waxaa laga soo wariyey in u yidhi :

” ka faideyso shan intaaney shan kuu iman
1. Dhalinyaronimadaada intaanad gaboobin
2. Caafimaad qabkaaga intaanad bukoon
3. Wakhtiga aad firaaqada tahey intaanad mashquulin
4. Intaad xoolo leedahey intaand faqiir noqon
5. Intaad nooshehey ka hor geeridaada

Hadaba nabi maxed (N.N.K.H.) waxaa uu ku soo koobey xadiiskaa cilmi badan oo ku haboon in aad naftaada barbar dhigto kana faaideysato , kaas oo qofkii ilaahey waafajiyo dhaxal siin doonta liiban aakhiro iyo mid aduunba , gaadhsiin doontana in uu ilahey raali ka noqdo ,

1. QIIMAHA DHALINYARONIMADA:

Qofka biniaadanka ah wuxuu maraa malxalado iyo heerar kala duwan laga soo bilaabo habeenka uu uurka hooyadii galo , wakhtigaas iyo heerarkaas waxaa ku qiimo iyo qaayo badan xilliga dhaolinyaro nimada ,
kaas oo xalada qofku u awwoda badan yahey karana ama awoodo hawl walba isla markaana uu jidhkiisu uu u tamarta badan yahye ,waxaa uu awoodaa hawl aanu awoodin markla uu gaboobo ; sidoo kaole marka uu dhalinyaro nimada yahey qofku hadii uu ku qaato macsi iyo wax aanu ilaahey ka raali aheyn waxaa aaad iyo aad u adag in ka soo noqdo mid uu illaahey la hanuuniyo mooyee;
samanka dhaliyaro nimadu waa xilliga uu ilaahey maalinta qiyaamah uu addomihiisa weydiin doono iyo waliba waxey ku soo qaateen , hadba akhristow dhalinyaro nimadu waxaa xilliga ugu haboon shaey qadasho ; mudan i laga faaideyso
sidii uu gabayagi carbeed ku calaaclaeyahey

” ALA HOOGEYGEE DHALINYARO NIMADU MEY MAALIN UUN SOO NOQOTO
AAN UGA WARAMO WUXUU GABOWGU I BADEY ”

2.CAAFIMAADKA :
Sidoo kale caafimaadku waa aasaska tiirka nolosha ku taagan tahey , caafimaad laaani waa nolol laaan
qofka marka uu caafimaadkiisa waayo waxaa dacifa jidhkiisa kaas oo awood u laheyn gudashada iyo sameynta camalada waajibka ah iyo kuwa ilaahey ugu dhawanayo ;

inta badan qofku waxaa uu gartaa qiimaha caafimaadka marka uu waayo ee ay jirro ku timaado
hadaba akhriste intaanad caafimaad qabto ka faaideyso oo illahey subxaana watacaala weydiiso in uu kuu siyaadiyo nimcooyinkiisa uu caafimaadku ka mid yahey .

3. WAKHTIGA:
Wakhtigu waa shey qaali ah oo sababtoo ah qof ka bini aadnakii ficil kasta oo uu usameeyo ha noqdo camal wanaagsan iyo mid shar ah bee waxaa uu sameeya wakhti , wakhtigaas oo ah qeyb ka mid ah cimrigiisa.
hadaba waxaa jira in qofku wakhtiga uu firaaqda yahey uu sameeyn karo camalo badan marka loo eego xilliga uu mashquulka yahey ,tusalae ahan hadii uu qofku maalintii mashquul yahey habeenkii firaaqo yahey waxaa haboon i n uu habeenkii la yimaado cibaado badan ,
sidoo kale waxa jira in camalada wan wanagsan badankooda la sameeyo waqkhti u gaar ah sida oogida salaadaha oo maalintii shan jeer la oogo iyo gudashada xajka oo wakhti goan la xajo;
waxaas oo camal suuban ah wakhti ayey sameeyaan waliba wakhti u gaar ah
ka faaideysiga wakhtiga iyo ilaalintiisuba waxey dhaxelsiin doontaa in uu qofku ku baraarug sanaado saman walba iyo camalka kug waajibka ah,
ogow maalin wlaba oo ku dhaafta in ay tahey wakhtigaagii iyo cimrigaagii oo soconaya helina doontid wixii
aad ku soo camirtey

4.FAAIDADA HANTIDA AMA XOOLAHA ;
Xoolahu ama hantidu uu ilaahey qof siiyo waa nimco weyn waa hadii uu qofku uga faaideysto sidii uu ilaahey raali ka yahye , qofku wuxuu xoolihiisa ugu gar gaari karaaa uguna helin karaa diinta islaamka , ku reebi karaa xumaanta , ku fari karaa wanaaga ,ugu sadaqeysan karaa masaakiinta, sidoo kale ku smaey karaa masaajido iyo iskulo lagu barto diinta islaamka
waxaas oo ajar iyo nimco ah ayaa u sugnaatey qofka ilaahey xoolo waafajiyo kherykiisa.
akhristow ogow in maalinta qiiyaame ee uu qof kastaaba ilaahey hor taagan yahye in aanu qofku ka hor dhaqaaqi doonin ilaahey ilaayo la weydiiyo suaalo ay ka mid yihiin xoolihiisa halka uu ka keeney iyo waliba halkan uu ku bixiyey .
waxaa hoog u sugnaadey qofka xoolo iyo maal alle siiyey ee ku bixiyey meel shar ah iyo wax aanu illaahey ralai ka aheyn ,kaas oo ilaahey la kul mi doona isagoo duleysan muteysan doonana in uu abaalkiisu noqdo naar siduu ilaahey ku tilmaamey aayado badan
ilaahey inagama dhigee

5.NOLOSHA IYO QIIMAHEEDA:
Qof inta uu nool yahye waa inta uu la iman karo camal kasta oo suuban se hadii uu dhinto wuu goaan camaldiisu sidoo kale waxaa uu sugaaba waa xisaabin iyo abaal marin’
hadaba, akhriste inta aad nooshahey ka faaideyso oo ogow in aad doraad jirin, shaley uurka hooyadaa ku jirtey , maanta aad addunyada joogtid ,berri geeri iyo xabaal hoosteed tahye , maalintaku xigtana aad xisaabin iyo abaal marin u taagan tahye ;

Guntii iyo gabo gabadii
akhristow xisaabi naftaada ka hor intaan lagu xisaabin oo ka faadieyso dhalinyaro nimadaada ,caafimaadkaaga, wakhtigaaga, xoolahaaga , iyo waliba inta aad nooshahey waayo addunyado waa maalmo todobaadyo , bilooyin iyo sanado is daba socda,
illahye weydiiso in uu ku waafajiyo sida khery ka badan sidoo kale in uu ku waafajiyo xilli kasta iyo saman kasta kherykiisa , cimrigaaga iyo xoolahaagana kuu barakeeyo

WABILAAHI TAWFIIQ

Fouad Abdisalam Hassan Haji
Khartoum
Sudan
National04@hotmail.com

No comments:

Post a Comment