Thursday 22 October 2009

TAGEERAYAASHA XISBIGA KULMIYE EE XAFADA 26 JUNE OO MAANTA XAFLAD BALAADHAN KU MUUJIYEY TAGEERADA AY U AHAAN URURKAASI.

TAGEERAYAASHA XISBIGA KULMIYE EE XAFADA 26 JUNE OO MAANTA XAFLAD BALAADHAN KU MUUJIYEY TAGEERADA AY U AHAAN URURKAASI.

Xaflada ay soo qaban qaabiyeen taageerayaasha xisbiga kulmiye ee xaafada 26 june ayaa maanta ka dhacay barxada xafiiska kulmiye ee Xaafada Idaacada ee degmada 26 june,waxaana xafladaasi ka soo qayb galay dadweyne aad u tiro badan oo isug jira garabyada dhalinyarada , haweenka ee xisbigasi.

Xafladan oo ay ku muujinayeeen dadwaynahaaasi taageerada ay u hayaan xisbiga kulmiye ayaa sidoo kale waxaa ka soo qayb galay madax ka tirsan xisbigasi oo ay ka mid ahaayeen Gudoomiye kuxigeenka koowaad eee xisbiga kulmiye Muj Muuse Biixi Cabdi ,Madaxa Kaanbaynka Gobolada Bari Maxamed Cabdi Gaboosi , Madaxa kaambaynka gobolda galbeed Baashe Cabdi Gaboobe , Abiibi Diiriye Nuur, Axmed Maxamed Madar , Axmed Xaaji Cabdilaahi Cumar Xamarji iyo qaar kale oo ka mid ah madaxda garabyada dhalnyarada iyo haweebka xisbaasi kulmiye.

Xafladan oo ay ka hadleeen madax badani waxa aka mida haa madaxdii halkaasi ka hadashay Dr Gaboobse kaas oo soo bandhigay waxa ay qaban doonaan hadii ay darashada dalka ku guulaystaan sheegayna in diyar garaw adag la galo sid dalka uga dhaco isbadal hor leh.

Sidoo kale waxaa madashaashi ka hadalay Md. Axmed Muxumed Madar oo ka mid ahaa madaxdii halkaasi marayasay waxaanuu sheegay in xaalada dalka ka sokow, xukuumada ku eedeeyay inay dhalinyaro ah ay sifo sharci darro ah ugu qeybinayso lacago si ay u majaro habaabiso bulshada oo uu xusay inay xiligan ka qanceen maamulka xukuumada Rayaale.

Sido kale madaxdii kala duwanayd waxa ay isku raaceen in dayacaad badan ay ka jirto hawshii qaranka sida tacliinta caafimaadka iyo shaqo abuurista wixii la halmaala taas ookaliftay in dhalitii wadanku ay tahriib ku dhamaadaan markii ay ka walaaceen xaalada duruufeed ee dalku maanta marayo.

Xafladan oo si heersare ah u soo agaasinayd ayaa waxaa khudbad ka jeediyey qaar ka mid aha madaxda garabyada haweenka iyo dhalinyarada ee xafadaasi 26 june waxaanu tilmaameen ololaha uu xisbiga Udub uu ka dhex wada xafadan taas oo ay sheegeen in uu khatar ku yahay nabad gelyada caasimada sidoo kale waxa ay sheegeen in lacag lagula dhex wareegayo dhalinyarada xafadaha taas oo keeni karta iska hor imaad ay isku dhacaan dhalinayradu.

Xubnaha halkaasi ka hadlay ee dhalinayrada ahi waxay ku balan qaadeen in ay taageeri doonaan xibsiga kulmiye hiil iyo hooba sidoo kalena waxa ay sheegeen in marka ololaha doorashadu bilaabmo ay jeebadooda ka dhiibi doonaan kirada xafiisyada iyo kharaashaad hawlaha ololaha ee xafadaasi.

Ugu damabayntii madaxdii ka soo qayb gashay waxa mahad naq aad u balaadhan u soo jeediyeen dadwaynaha ku dhaqan 26 june ee sida xushmada iyo daacadnimada leh isu soo abaabulay cadayeyna mabadaooda.

Warqabadka Togaherer

Hargaysa

No comments:

Post a Comment