Wednesday 21 October 2009

“KUWII SOO SAARAY SHABACBKA EE LAHAA MUDAAHARAADA KAMAY DABATAGIN” MUJ IBRAHIM DHAGAWYEN

“KUWII SOO SAARAY SHABACBKA EE LAHAA MUDAAHARAADA KAMAY DABATAGIN” MUJ IBRAHIM DHAGAWYEN

Urur siyaasdeed UDIS maanta ka hadlay xaalada dalku uu marayo iyo waliba xaalada komishankan cusub iyo arimo khuseeya kuwii hore, kuwaas oo ku tilmaamay in komishankii hore maxakamad la hor taago oo lagu soo ogo dambiyaday galeen ee ay ka galeen qaranka .

Ururku siyaasadeedku waxa uu sidaasi ka sheegay mar ay maanta shir jaraaid ku qabteen xafiiskooda magaalda Hargaysa ku yaala ,ugu horeeen waxaa halkaas ka hadlay gudoomiyaha ururka UDIS Ciise Curaate taas oo uu sheegay in komishanku uu u yahay dhex xubnaha ku loolamaaya siyasada dalka loona bahan yaahy in ay u cadaalad falaan waxaanu u hadalkiis ku bilaabay

“Ujeedu ayey umadu ka leedahay nin kasta siduu doono ha u fasirtee todobadan xubnood ee cusub ee komishanka waa siidhi walayaan dad wada cayaaraya oo dantii qaranka iyo hurumarkisiiba ku xidhan yahay , kuwii harigii hore la doorta halkay ina dhigeen waad ogaydeen waynu isku siganay dhimasho iyo dhaawacbaa yimid meesha , lacagta baxday , waqtiga baxay , sumcad umadeedka lumay intaaba way inoo keeneen.Markaa markan xubnahan cusub qof qof u eegno waxaanu u aragnaa in ay hawshan ka bixi karaan “

Sidoo kale waxa ay madaxda ururka ka hadleen Komishankan cusub kuwaas oo ay golaha wakiilada ugu baaqeen in ay si deg deg ah u ansixiyaan si ay hawshooda u qabsadaan dalkana ay doorasho uga qabsoonto .

Waxa isna halkaasi ka hadalay Mujahid Ibrahim Cabdilaahi Xussen Dhagaweyna waxaanuu soo jeediyey in xubnihii komishankii hore maxakamad la soo taago laguna dacweeyo hanti badan oo ay lunsadeen kuwaas oo ay ku tilmaamay in ay dalka dhibaato u horseedeen keeni gaadhay in qaranku burburo, sidoo kale waxa uu u hambalyeeyey comishankan cusub ee xilka loo doorta waxaanuu yidhi

“Komishankan cusub ee xilka loo doorta waanu ku hambalyeynaynaa ,intaa u dhaafin maayo oo waxay iyagu la yimaadaan ayuunbay umadu wax ugu qabanaysaa haday wanaag la yimaadaana waxay noqon doonaan cidii wanaaga iyo cadaalada keenay dimuquraadiyadana ku dhawaday hadii ay ku fashilmaana waxay noqon doonaan wadjigii kuwii hore la tageen ayuunbay la tagayaan nin cusub oo nin cusubi nin cusubi wixii uu la soo baxo ayey umadu ku qiimaynaysaa lakiinse waxaan ilaahay uga baryayaa in uu garan siiyo xilka hor yaala .

Komishankii hore waxaba ka qaadi maayo ee waa dambiilayaan oo hantidii ay lunsaden iyo waqtigii ay lumiyeen ayaan ku baaqayaa in maxakamad la hor keeno oo dambigaa ay galeen lagu hor keeno oo horena waan u idhi iminka waan leeyahay , markaa hanti iyo waqtiqaranka ee ay ku cayaareen iyo falkii ku dhamaatay dilka iyo dhaawaca shacabka masaakiinta ah cidii dishayna maxakamad ha la hor keeno ayaanu leenahay ,kuwii soo saaray shacabka ee lahaa mudaaharaada kama hadlayaan oo kama ay daba tagin dadkii la laayay maxakamad lama keenin waxaanu leenahay waa in wax alla wixii xumaaday wixii la dilay iyo wixii la dhaawacay waa in meel lagu ogaadaa xitaa maxamakaduna ha tidhaa waa bilaa dambiye , waxaanu doonaynaa in aanay waxaas oo kale dib u dhicin hadii ay dhacdona ay umadu goaan ka qaadato oo lala xisaabtamo waayo wax alla wixi dhacay lagama daba tagin waan im kiiskii laqaadaa ilayn umad dhan ayaa dambi laga galaye”

Sidoo kale xubnihii halkaasi ka hadlay waxa ka mid ahaa ahaa Maxamed Xaaji Maxamuud Cumar-Xaashi, Siciid Xaaji Axmed Qulunbe , Maxamed Axmed Cabdilaahi ,Maxamed Axmed Jawaahari .Kuwaansi oo intuba daliil disha uga tuuray xukuumada dalka haysa kuna timaamay mid ka gaabisay waajibkeedii dhawaana gobolada dalka aanu wacyi galin ku samaysa.

Warqabadka Togaherer

Hargaysa

No comments:

Post a Comment