Tuesday 20 October 2009

Golaha Wakiilada Somaliland Haday Ansixiyaan Labada Xubnood Ee Xilka Ka Hayay Udub. Eng Xamari Iyo Maxamed Geele. Iyagaa Gacantooda Doorasho Xora Ku B

Golaha Wakiilada Somaliland Haday Ansixiyaan Labada Xubnood Ee Xilka Ka Hayay Udub. Eng Xamari Iyo Maxamed Geele. Iyagaa Gacantooda Doorasho Xora Ku Bireeyay.

Golaha Wakiilada Somaliland Haday Ansixiyaan Labada Xubnood Ee Xilka Ka Hayay Udub. Eng Xamari Iyo Maxamed Geele. Iyagaa Gacantooda Doorasho Xora Ku Bireeyay.aden caydiid cabdi

Sidaad lawada socotaan waxaa baryahan waddanka ka taagnaa ismaandhaaf siyaasadeed oo sababay dhimasho iyo dhaawac badan. kasoo loo tiranayo inay ka danbeeyeen kominshankii hore ee sida yar ee fudud u laalay diwaangalintii ummadu kasbatay, tasoo dadbadan u anaynayaan ku qancin lagu qabcinaayo dhinaca madaxtooyada oo aan ku qancin wixii ka soo baxay diwanglinta. Haddaba sida lawda ogyahay waxaa khilaafkaa dheer lagu dhameeyey lix qodob oo ay soo bandhigtay beesha caalamka oo ay wada saxeexeen xisbiyada qaranku.

Qodobadaa waxaa ka mid ahaa in labdalo komishanka waxaa labadalay dhamaan kominshankii. hadda waxaa lala wada soconaa in madaxwayne Riyaale noqoday xeerdajin iyo fulin labadaba oo uu qaar celiyey ay so doorteen guurtida iyo labada xisbi mucaarad oo u ku eedeeyey waxay ka mid yihiin xisbiyada mucaaradka. haddaba waxaa muuqata in Riyale golaha wakiilada u gudbiyy xubno xagjira oo ka tirtan xisbiga udub iyo dawlada somaliland ku waas oo aan xisbiyada iyo umada toona dhex u noqonkarin.

sidaad lasocotaan ninka lagu magacaabo Maxamed Axmed Xirsi (GEELE) oo ka mida saddexda xubnood ee uu madaxweynuhu soo magacaabay kaasi oo hore uga tirsanaan jiray xisbiga kulmiye, markii danbena ku biiray xisbiga Udub.sida cad Tv-ga qaran oo markasta uu ka caayo xisbiyada mucaaradka oo la odhan karo xilkan wuxuu ku helay cayda mucaarad hadaba ninka ay cadahay inuu udub xil kahayo manoqon karaa dhex dhexaad jawaabtu waa maya. waxaa kaloo jira ninka isna lagu magacaabo ENG. Ciise Yuusuf X. Maxamed oo ah lataliyaha xaga dhismaha madaxwaynaha oo ka mida siyaasiyiin xisbiga udub oo isna loo soo cimamaday kominshan qoraalkan oo ku socda golaha mudanayaal waxad lasocotaan in komishankii hore dhibtii u gaystay aad ogtihiin wixii dadku kala kulmeen hadaba waxaaan idinkula dar daarmayaa inaad naa qishtaan xubnahan laydiin keenay oo aad cidii aan buuxin shuruuda dib isaga celisaan si loo helo dad aqoon iyo daacad iyo cadaalad ah, loo helo idinku waxaad tihiin ku wii masuulka ka ah ummada idin dooratay waxaan lasoconaa inay olole ugu jiraan kuwo aan dalka iyo dadka toona wax damqasho ah ka ahayn oo jecel in lays qabsado uun waxaad lasocotaan in doorashada soo socota tiraba dhawrjeer ay dib u dhacday taasoo aniga aan sabab uga dhigayo kominshankii hore oo xilkii loo igmaday gudan kari wayey oo ahaa qaar aan xilkaa intaa leeg qadikarin hadaba waxaan hadalakay ku soo gunaandaya inaad hubisan waxaad ansixinaysaan oo aad ka baadhaan aqoonta iyo dhex dhexaadnimada lagu tohmaayo hadii kale waxad ogataan in laga doonidoono meeldheer doorashda dadku filaayo

Adan caydiid abdi

sheffeild uk

email myusuf1@hotmail.com

No comments:

Post a Comment