Sunday 25 October 2009

MADAXWEYNE RIYAALE OO MAGACAABAY WASIIR KU XIGEENKA CAYAARAHA IYO SPORTIGA

MADAXWEYNE RIYAALE OO MAGACAABAY WASIIR KU XIGEENKA CAYAARAHA IYO SPORTIGA

Warsaxaafadeed Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland
Tar:
25/10/2009

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Daahir Rayaale Kaahin waxa
maanta uu u magacaabay Wasiir ku xigeen cusub Wasaaradda Dhalinyarada iyo
ciyaaraha JSL.
Madaxweynuhu isaga oo tix-gelinaya ahmiyada weyn ee Wasaarada Dhalinyarada
iyo Ciyaaruhu u leedahay dhismaha qaranka iyo dalkaba, isla markaana
isagoo madaxweynuhu aqoonsan baahida weyn ee loo qabo, buuxinta jagada
wasiir ku xigeenka wasaaaradaas, waxa uu u magacaabay mudane Cabdi Yuusuf
Aadan in uu ahaado wasiir ku xigeenka wasaaradaas, laga bilaabo maanta
25/10/09.

Waxana uu madaxweynuhu ku amray Mudane Cabdi Yuusuf Aadan oo uu ku qancay
kartidiisa aqooneed, in uu xilka loo igmaday ee wasaaradaas uu si karti
leh uga soo bixi doono, isla markaana uu sida ugu dhakhsaha badan ula
wareego xilkaa cusub ee loo magacaabay.

Allaa Mahad Leh

Siciid Cadaani Mooge
Afhayeenak madaxtooyadda JSL

No comments:

Post a Comment