Thursday 29 October 2009

XUS BAROORDIIQ AH OO LOO SAMEEYEY SHUHADADII QARXAYADII HARGEYSA 29 OCTOOBER OO LAGU QABTAY MADAXTOOYADA

XUS BAROORDIIQ AH OO LOO SAMEEYEY SHUHADADII QARXAYADII HARGEYSA 29 OCTOOBER OO LAGU QABTAY MADAXTOOYADA

Munaasibad Baroor Diiq ah laguna xusayay sanad-guuradii 1aad ee ka soo wareegtay Qaraxyadii lala beegsaday Hargeysa 29 October 2008, ayaa maanta lagu qabtay Aqalka Madaxtooyada Somaliland.
xuska baroordiiqda wayn2
Munaasibaddan oo ay ka qayb galeen Madaxweyne Rayaale, ku-xigeenkiisa, Guddoomiyaha UCID, Masuuliyiin ka socotay Xisbiyada, Wasiiro, Xildhibaanno, Hay’adaha Qaramada Midoobay qaarkood iyo marti-sharaf kale, ayaanay ka qayb gelin guud ahaanba Xisbiga KULMIYE iyo Shirguddoonada labada Aqal Baarlamaan ee Guurtida iyo Wakiilada.
xuska baroordiiqda wayn3
Inkasta oo shalay Madaxweyne Rayaale Warbaahinta horteeda ka sheegay in Axsaabta Mucaaradka ah loo geeyo Tigidhada marti-qaadka Xuskan, isla markaana mar aanu isku daynay in aanu ogaano sababta keentay in Xisbiga KULMIYE iyo labada Shirguddoon aanay uga soo qayb gelin Xuskan, haddana noomay suurtogelin.
xuska baroordiiqda wayn1
Munaasibaddan maanta dadkii ka hadlay waxa ka mid ahaa, Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale. “Dhacdadani waxay ahayd mid lala beegsaday Qaranimadeena oo waliba laynala beegsaday waqti xasaasi ah oo Doorasho lagu jiro. Waxaana lagu talo-galay in Somaliland lagu wiiqo, balse Ilaahay ma aqbalin in Somaliland burburto.” Ayuu yidhi Madaxweynuhu. Waxaanu ku dheeraaday Falal Argagixiso oo ilaa sanadkii 2002 lala beegsaday Somaliland, kuwaas oo isugu jiray Dil, dhac iyo isku-day Qaraxyo.

Waxaanu mahadnaq u jeediyay dawlado kala duwan. “Waxa jiray dad inaga ah oo jooga Soomaaliya oo tallaabada Qaraxyadii ku tilmaamay kuwo xaq ah. Waxaan mahad-naq u jeedinayaa dadkii maalintii Falka Argagixiso inagu dhacay taageeradii u horreeyay inoo sameeyay oo ah Jamhuuriyadda Jabuuti, gaar ahaan Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle. Dhaawaceenii halkan (Hargeysa) ayaynu ka qaadnay oo Dhaqtarrada Jabuuti bilaash baa loogu soo daweeyay.

Sidoo kale, waxaan u mahadnaqayaa cid kasta oo ila soo hadashay, hadday Itoobiya tahay iyo hadday Safaarado kale tahayba waa u mahad-naqayaa. Hase ahaatee, waxa muuqatay in ballan-qaadyo badan oo Beesha Caalamku inoo qaadeen oo ay ahayd inay la-dagaallanka Argagixisada laynaga taageero inay noqotay sheeko waqti kooban socotay oo aanay jawaabo badan ka soo bixin.

Waxase aan xusuusinayaa in nabadda Somaliland ay guud ahaan Caalamkana wax u tahay, geyigan Geeska Afrika ee ay degan tahayna ay wax u tahay. Waxaan aaminsanahay in nabaddu Somaliland oo kaliya aanay dan ugu jirin ee ay dan ugu jirto Itoobiya iyo Jabuuti-ba. Kuwaas oo iyaga iyo Beesha Caalamkaba ay waajib ku tahay inay Somaliland gacan siiyaan.” Ayuu yidhi Madaxweynuhu.

Madaxweynuhu wuxuu baaq u jeediyay shacabka. Mar uu arrintaa ka hadlayayna wuxuu yidhi, “Umaddeena waxa kale oo aan leeyahay, Ubadkeenii baa la kaxaysatay oo wax kale loo sheegay. Hadda waxaanu haynaa Kutub Ubadkeena loo akhriyo oo Xadiisyo badhna laga tago, badhna la soo qaato. Kuwaas oo la leeyahay, Jihaad baad ku jirtaa oo xitaa haddii aad Hooyadaa iyo Aabbahaa disho waa kuu xalaal. Sidaa darteed, looma baahna in laga aamusee, waxa loo baahan yahay in laga hadlo.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Waxaanu intaa ku daray oo uu yiri, “Maanta waxa Pakistan ka socda waad ogtihiin, waxa Caalamka Islaamka ka taaganna waad la socotaan. Dadka inaga ah ee lagu soo qabto Falalka noocaas ah, Madaxweyne ayaan ahay oo waa laygu yimaaddaa oo waxa la yidhaahdaa hebel ha la soo daayo. Waxaan idhaahdaa, waar ninkani reerba maahee waa nin ina wada laynaya ee aynu iska hayno. Waxyaabahaas oo dhan baa maanta taagan, ee waa inaynu ogaano, Caruurteenu way fidnaysan yihiin ee waa inaynu isweydiinaa, sidee looga hortegi karaa waxa socdaa waa Afkaar.”

Sidoo kale, waxa halkaa ka hadlay Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo xuskan ka sokow, ka hadlay Xaaladda Soomaaliya ka taagan. “Dadkii falalkan geystay in Ilaahay Sharkooda inaga nabad-geliyo ayaan Ilaahay ka baryayaa, dadkii ku dhintayna u naxariisto, inagana samir iyo Iimaan inaga siiyo..Dadka Soomaaliya Durbaannada ka garaacaya, waxaanu leenahay Somaliland uma baahna dhibaato.

Waxaananu nahay Umad aan dadka gar-darraysan, haddii la gardarraysatana aan laga macaashin. Waxa naga go’an nin aan dalkayaga daafacno. Soomaali meel kasta oo ay joogtana waxay u baahan tahay nabad. Maanta qofkii Soomaali ah ee gudihiisa hagaajiya ee nabad keensada in la ammaano oo lagu garab-galo ayuu mudan yahay. Waxaanu leenahay, gacan waad naga helaysaan, balse looma baahna Durbaannada colaadda ee aad garaacaysaan.” Ayuu yidhi Guddoomiyuhu.

Wasiirka Madaxtooyada oo halkaa ka hadlay ayaa isna akhriyay Magacyada dadkii ku dhintay Weeraraad oo tiradoodu dhammayd 25 qof.

Dadkii kale ee halkaa ka hadlay waxa ka mid ahaa, Xoghayaha guud ee Xisbiga UDUB Jaamac Yaasiin Faarax, Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Maroodi-jeex Maxamed Cabdi Daa’uud, Madaxa Xafiiska Hay’adda UNDP ee Somaliland iyo marti-sharaf kale.

No comments:

Post a Comment