Wednesday 28 October 2009

MADAXWENE RIYAALE OO KU DHAWAQAY IN BARITOOLE LA QABAN DOONO MUNAASABAD BAROORDIIQ AH MAALINTII QARAXYADA.

MADAXWENE RIYAALE OO KU DHAWAQAY IN BARITOOLE LA QABAN DOONO MUNAASABAD BAROORDIIQ AH MAALINTII QARAXYADA.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Daahir Riyaale Kaahin ayaa sheegay in maalinta baritoole ah ay wadeen abaabul munaasabad loogu baroor diiqayo dadkii ku geeriyooday 29 October ee sanadkii qaraxyadii ay gaysteen Ururka Alshaab kuwaas oo ay la beegsadeen sadex goobood oo ay ka mid ahayd madaxtooyadu iyo laba qarax oo kale oo kala aha aUNDP Hargaysa iyo Xafiiska Wakiika Ethiopia u fadhiya Hargaysa goobaas oo ay dadbadanu naf waayeen halka qaar kalena uu dhaawacyo ka soo gaadheen.

Madaxweynaha ayaa hadalkaasi ka sheegay dhaarintii xubnaha Komishanka ee lagu dhaarinaaye aqalka madaxtooyada Somaliland taas oo uu sheegay in munaasabadan oo barood diiq ay ay u qabanayaan dadkii ku geeriyooday qarayadaasi laguna qaban doono madaxtooyada Somaliland waxa kale uu madaxweynu sheegay in ay ku casuumayaan madaxda xisbiyada qaranka .

Sidoo kale waxaa isna arintaas ka hadlay Gudoomiyaha xibiga mucaridka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Faarax taas oo uu sheegay in ay si wada jir ah uga hor tagi doona waxa uu ku tilmaamay kooxo xagjir ah ee weerarda ku haya Somaliland , waxanuu sheegay in baritoole oo ay ku beegantahay 29 oct oo ah maalinti ila ina qarxiyey in dadka la tuso in aynu ka xunahay dadkii ku geeriyooday qaraxyadii taas oo ay ahayd mid xaq daro ah ,

“Kuwa hada oo soo hanjabayana waxaanu u leenahay muranka dhexdayadu maaha in aanu isku jeedo , bale waxaanu u shegaynaa in aanu meel ka soo wada jeedno diyaar u nahay meel qudha oo dalkayaga ah haday xabadi ka dhacdo anagoo maqiiqan oo midaysan inaanu isu soo baxayno, hala foojignaado cadawgeenu waa active laakiin waynu ka adkaanaynaa haddii aynu sidaa imika aynu ku shaqaynayno aynu ku shaqaynu oo aynu wada tashano. Madaxweynahana waanu ku amaanaynaa doorkii horaan sheegayoo aan ku idhi ducee, markaa doorkan wuu duceeyay, ducadii way muuqataa, waxaan jecelnahay inaynu sidaa u wada shaqayn doono oo Doorashada hareeraha la iska taagi doonaa , inshaalaah wataacalaa”

Sidoo kale isna waxaa arinta munaasabada soo dhaweeyey gudoomiyaha xisbiga mucaaaradka ah eee kulmiye Axmed Maxamed Siilaanyo sheegayna in uu ku taageersan ayahy in maalitnaa loo asteeeyo maalin qaran waxa kale oo uu sheegay in ay ka soo qayb gali doonaan xafladaas dhacaysa maalinta baritoole ah dhamaanteena aynu samayn doono baroodiiqdaas.

Warqabadka Togaherer

Hargaysa

No comments:

Post a Comment