Wednesday 21 October 2009

BARCELONE IYO LIVERPOOL OO DHULKA LA JIIDAY IYO NATIIJOOYINKA CIYAARAHII XALAY

BARCELONE IYO LIVERPOOL OO DHULKA LA JIIDAY IYO NATIIJOOYINKA CIYAARAHII XALAY

Naadiga Liverpool ayaa markale afka ciida loo daray kadib markii ay guul ka keeni weyday Naadiga Lyon Kulankii Koobka Uefa Champions League ay wada ciyaareen Naadiga Lyon Oo 2-1 ugu awood roonaatay Naadigii Liverpool oo Gurigeeda lagu ciyaaraye.

Guuldaradaan Naadiga Liverpool soo gaadhay waxay ka dhigan tahay in 4tii kualn ugu danbeesay ay gaadhiweeday guul muhiim ah ayada oo Kulankii ugu danbeeye Premiershipka Naaadiga Sunderland afka ciida udartay kadib markii Ciyaaryahaan Bent uu daba mariye Golahayaha Naadiga Liverpool Riena Goakaasi oo taariikdda Kubada cagta galay.

Captainka Naadiga Liverpool Ee Staven Gerrard oo dhaawacyo ugu maqnaa Todobaadkii hore ayaa xalay marakale dhaawac garoonka looga saaray lama xaqiijin dhaawacasi inta uu la ekyahay iyada oo shaki wayn lagaliye inuu seegidoono Kulanka adag Ee Todobaadka danbe la ciyaari doonaan Naadiga Darawalka ka ah Premiershipka Ee Manchester United.

Xidigaha Maxime Gonalons iyo Cesar Delgado ayaa quusiye Naadiga Liverpool kadib markii ay kala qaysadeen Labada Goal ay naadiga Lyon la timaaday,Labadaaani Xidig ayaa xalay badal kusoo galay Ciyaarta kadib markii ay nasiib uyeesheen inay saftaan Koobka Uefa Champions Legue markii ugu horeesay halka Yossi Benayoun uu ahaa dhaliyaha goalka qura ay la timaaday Naadiga reds.

Xidiga Reer Romania kasoo jeeda Ee Adriano Mutu loo magacaabay (Man of the Match) Ciyaaryahaankii ugu wanaagsanaa Kulankii ay fooda isku dareen Naadiayada Debrecen and Fiorentina kualkaasi oo 7 gaol laga dhaliye Garoonka ay ciyaarta ka dhaceysay kadib markii Naadiga Fiorantina ku adkaatay 4-3 islamarkaani sidaasi kusoo tiigsatay Kaalinta Labaad ee Gorupkaani.

Naadiga Lyon ayaa 9 dhibcood ku hogaaminayso groupkaan halka Naadiga ka soo jeeda Wadanka Italy Ee Fiorantina ay leeday 6 Dhibcood, Naadiga Liverpool oo lagu yaqaano inay xamaasad iyo kaalin fiican ka gasho marka fagaaraha wayn la iskugu yimaado Koobka Uefa Championska Ee iminka tabartaaro wayn ku bilawday bilaawgii Koobak Uefa Champions League iyada haatan uruursatay uruursatay 3-dhibcood Oo qudha.

Dhanka kale Naadiga Caanka ah Ee Barcelona ayaa xalay carabka loo saaray dhadhanka guuldarada kadib Markii Naadigii la islahaa Naadiga Barca waxay daraasin goalal ka dhalin doontaa naadiga Rubin Kazan laaakin ma noqon sidaasi,Naadiga Rubin Kazan ayaa 2-1 daadka qaadisiisay Naadiga Barca oo xalay u safnaa aXidigaheeda lafdhabarta ah islamarkaan 3 dhibcood la hoyatay Naadiga Rubin Kazan,

Aleksandr Ryazantsev ayaa gool kaga naxsaday Taageerayaasha Naadiga Barcelona halka Xidigii hore Ee kasoo hayaamay Naadiga Inter Ee Zltan Ibrahimovic uu dhaliye Goal barejo ah ciyaarta Oo xiiso gaar yeelatay ayaa waxa markale meel Xun kaga soo baxay Naadiga Barcelona xidiga Aleksandr Ryazantsev kadib markii uu dhaliye Goalkii ay Naadiga Barcelona ku quusatay isaga oo ciyaarta ka dhigay 2-1,islamrkaana si lama filaan ah 3dhibcood faraha ugu saaray Naadigiisa Rubin Kazan,

Naadiga Arsenal ayaa la hoyatay 1 dhibicn oo qudha kadib markii xidga Mendes Da Silva uu dhamaadkii ciyaarta marka ay mareeysay 90 daqiiqo ka so bareejeeye goal uu dhaliye Xidiga Febrgassidaasaan ay ksuo idlaatay 1-1.

Naadiga Inter ayaa xalay la ciyaartay Naadiga ka dhisan Wadanka Ukrain uu xaly u ciyaaraye Xidigii hore ee Naadiga Ac Milan and Chelsea Ee Shevshanko,Ciyaartaan o ahyd mid aad uxiiso badan ayaa waxa la iskaga jawaabaye goal bareejo ah iyada oo ksuoo idlaatay 2-2, Goalsha Naadiga Inter waxay kaga mahad celinaysaa Xidgaha Stankovic iyo Samuel halka Naadiga Dynamo kieve oo gaolka u saxiixay xidiga Mykhalyk Daqiiqadii 5-an Bilaawgii Ciyaarta halka Goalka kale uu ahaa Own Goal uu iska dhaliye daafac Naadiga Inter ee Lucio.

Natiijooyinkii oo Faaah-faahsan iyo Ciyaartoydii Golasha ka dhaliye Kulankii xalay.

Debrecen 3 – 4 Fiorentina Report
Czvitkovics 2 Rudolf 28 Coulibaly 88 Gilardino 10 Mutu 19,6 Santana 37 Att: 40000

Liverpool 1 – 2 Lyon Report
Benayoun 41 Gonalons 72 Delgado 90 Att: 41562

Barcelona 1 – 2 Rubin Kazan Report
Ibrahimovic 48 Ryazantsev 2 Karadeniz 73 Waxaa nasiib uyeeshay inay daawadaan 52000,Oo Qof

Inter Milan 2 – 2 Dynamo Kiev Report
Stankovic 35 Samuel 47 Mykhalyk 5 Lucio 40(og) waxaa garoonka soo canbiray dad gaaraya 45000

Rangers 1 – 4 Unirea Urziceni Report
Gomes 2(og) Bilasco 33 Lafferty 50(og) McCulloch 59(og) Brandan 65 waxaa soo usoo daawasho tagtay :37500

VfB Stuttgart 1 – 3 Sevilla Report
Elson 73 Squillaci 23,72 Navas 55 Waxaa garoonak soo fariistay: 40000

AZ 1 – 1 Arsenal Report
Mendes Da Silva 90 Fabregas 36 Waxaa kasoo qaybgashay 16000

Olympiacos 2 – 1 Standard Liege Report
Mitroglou 43 Stoltidis 90 De Camargo 37 Waxaa soo xadiray: 33000

No comments:

Post a Comment