Wednesday 28 October 2009

WAR DEG DEG AH :-ISKA HOR IMAAD AYAA DHEXMARAY CIIDAMADA QARANKA SOMALILAND IYO KUWA PUNTLAND DEEGAANKA CEEL-BUH EE GOBOLKA SANAAG.

WAR DEG DEG AH :-ISKA HOR IMAAD AYAA DHEXMARAY CIIDAMADA QARANKA SOMALILAND IYO KUWA PUNTLAND DEEGAANKA CEEL-BUH EE GOBOLKA SANAAG.

Wararka laga helayo dad degaanka ah oo ku sugan degmada Ceelbuh ee Bariga gobolka Sanaag ayaa sheegaya in galabta uu qadar kooban dagaal ku dhexmarey duleedka degmadaasi ciidamada qaranka Somaliland iyo maleeshiyo ka soo jeeda Dawlad goboleedka Puntland.

Wararka laga helayo degaanka ayaa sheegaya in dagaalkan uu bilawday ka dib markii ay maanta ay yimaadeen wafdi uu hogaaminaayo wasiirudawlaha wasaarada waxbarashada Somaliland Maxamuud Garad Maxamed oo booqasho ku tagaayey degaano ka tirsan Bariga Sanaag oo uu iskuulo ka furaayey halaka qaar kalena dhagax dhigaayey markaasi oo iska hor imaadku qarxay.

Hal askari ayaa ka dhaawacmay ciidanka qaran Somaliland kadiba dagaalkaasi socday waxa yar ayaa wasiirudalaha iyo waftigii uu hogaaminaayey oo doonaayey in ay u sii gudbaab degmada Badhan soo gaabiyey oo ku soo laabtay deegaanka Hadaaftimo oo 70km u jirta Magaalada Ceerigaabo .

Lama garanaayo khasarada dhabta ah ee soo ka dhashay dagaalkasi lakiin ugu dambaystii waxaa gacan ku haynta degankaasi la wareegay ciidamada qaranka Somaliland .

Goordambe ayaa askarigii ciidamada qaranka ee goobtaasi ku dhaawacmay la keenay magaalda Ceegigaabo si loogu daweeyo .

Warqabadka Togaherer

Ceerigaabo

No comments:

Post a Comment