Sunday 25 October 2009

CAAQIL KA MID AH CUQAASHA REER HARGAYSA AYAA IFTIIMIYEY ARIMO BADAN OO KU WAAJAHAN HADAL KA SOO YEEDHAY SULDAAN GALAAL.

CAAQIL KA MID AH CUQAASHA REER HARGAYSA AYAA IFTIIMIYEY ARIMO BADAN OO KU WAAJAHAN HADAL KA SOO YEEDHAY SULDAAN GALAAL.

Caaqil Cabdraxmaan Xasan Xaaji oo kamida Cuqaasha Gobolka Hargeysa ayaa Jawaab ka bixiyay Hadal dhawaan uu Suldaan Maxamed Galaal kaga hadlay Siyaasadda Xisbiyadda Qaranka gaar ahaan Xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE oo uu sheegay in KULMIYE u dhaqmay sidii Shuuciyaddii Naasiga.

Caaqil Cabdiraxmaan Xasan Xaaji oo Waraysi dhinacyo badan taabanaya Khadka isgaadhsiinta Telefonka ku siiyay Shabakadda wararka ee Sallaxleynews isaga oo ku sugan Magaalada Ludvika Dalka Sweden. ayaa waxa uu u dhacay sidan:

Soo Dhawaw Caaqil C/raxmaan Xasan Xaaji

Adeer waad mahadsan tahay, waxan Hawlwadeenada Shabakadda Sallaxlay News ku bogaadinayaa kaalinta ay kaga jirto Warbaahinta Dalka gaar ahaan iyo ta Caam ee Mandaqadda.

Su’aal: Caaqil inta aynaan gudo gelin Wareysigan, waxad si kooban nooga warantaa Saldanada Suldaan Maxamed Cabdillahi Galaal goorta la caleemo saaray iyo habkii ay ku timid?

Jawaab: Suldaan Maxamed Cabdilaahi Xuseen ,, Galaal,, waxa la caleemo saaray dabayaaqadii 12/96 magaalada la yidhaahdo Qotan una jirta 75 KMS Magaalada Hargeysa. Waxa caleemo saarka Suldaanku ku yimid Go’aan Mideysan oo Beeshu u dhamayd, ka dib kolkii Shir muddo dheer socday ay ku soo xuleen laguna ansixiyey. Xilligaas oo lagu jiray Colaad baahday oo dalka ka socotay.

S: Caaqil waxa Suldaan Galaal lagu qiimeeya in uu ahaa Hormoodkii Nabadeynta ee Dalka Nabad lagu soo dabaalay horaantii 97 kii, waxana Bishan 20/10 Wareysigii uu siiyey Ramaas News ka dhawaajiyey in aan laga heshiin Dagaalkii Sokeeye, Maxaad kala socotay dhacdooyinkaas, Maadaama aad ka mid tahay Hoggaan Dhaqmeedka Beesha?

J: Adeer muddo yar ka dib Caleemo saarkii oo bil gudaheed ahayd, waxa bilawday Waanwaantii Nabadeynta iyo Wada Hadalada, waxa Beeshu Go’aan ku qaadatay in dib loo soo dabaalo Nabadgelyada, waxayna ahayd Waajibkii ugu horeeyey ee Suldaanka loo igmaday, Tijaabana looga dhigay. Waxan ka mid ahaa Ergadii Guddida ahayd ee Xilligaa ka shaqaynaysay oo ka koobneyd 100 Ergey. Bi Qudratillaah muddo kooban ay Heshiis ballaadhan oo Beeshu u dhamayd lagu soo afjaray Colaadii. Ciidankiina lagu qarameeyey, Gudoonkii Beeshana uu Iclaamiyey Suldaanka Guud ee Beeshu Suldaan Maxamed Suldaan A/Qaadir.

S: Caaqil Suldaanku waxu ka dhawaajiyey in dalka dagaal sokeeyo ka dhacaayo haddii Kulmiye ku guuleysto Doorashada isaga oo gaar ugu aaneynaaya Rag ka mid Xisbiga Kulmiye, Arrinkaas sidee ayaad u aragtaa?

J: Adeer inta aanan su’aasha u gudbin, waxan Qawmiyadda Reer Sh. isxaaq ka raalli gelinayaa Eregay Karbala ee Suldaan Galaal ugu abtiriyey, Karbala waa Hoyga ama Magaalada ay ka dhigtaan Shiicadu ( Aa Raafida) Dhul Maqadas ah, Shiicada oo ka fog Ummadda Islaamka ah ee Sunniga ah, Waxay Qawmkaasi yihiinna Fal Cayaadu Billaah. Haddii aan u soo noqdo su’aasha; Suldaan Galaal sidan hore u sheegay iyo sida badi Shacabka Somaliland uga war qabeen, waxa uu ahaa Hormoodka Heshiiskan waxana la wadaagay Waxgaradkii, Aqoonyahankii, Culamaa u Diinkii, Ganacsatada iyo Hoggaan Dhaqmeedkii Beesha. Hadaladan ka soo yeedhay Suldaanka iyada oo maanta laga joogo 12 Sanno ka hor xilligaas kuna andacoonaaya in aan Heshiis dhex marin Beesha iyo Garabyaddi Siyaasiyiintii ama Raggii Dagaalkan waday, Waxan halkan ku caddeynayaa haddii ay jirto in uu isaga Kow iyo Keli ku ahaa Shirqoolkaas. Beeshu iyada oo ku ammaanayd Heeshiiskaas aan waxba ka soo noqon ayaa wax ka go’neyd in ay la xisaabtanto Cid wal oo Dagaalkaas ka danbeeyey. Suldaan Galaal isaga ayaa ku tuntay Wax kasta oo Gar ah oo Beeshu ay Xaq ugu lahayd in ay kula doodo Beelaha Isaaq ee Dhalashadu ka dhaxayso iyo Guud ahaan Shacabka Somaliland iyo Xukuumadeedii. Beeshu waxay ku lexejejeclaysatay Qaraarkeedii Nabadeynta iyo Dib u Dhiska Dalka; Qaladaadka Suldaanku Xilligaas uu ku talaabsaday, Beeshu muddo yar ayey kaga soo doogtay. Kulmiye haddii uu Doorashada ku guuleysto Dagaal sokeeyaa dhacaaya, Waxba ka ma jiraan weeye, Dalkana ma Caqli Fayaw iyo Dadkiisii ayaa eeganaaya, Hadaladan Suldaanku yidhina, Waa Marxalado Dadkan iyo Dalkan hore u soo maray oo laga Guuray; Maalintii Isaaq aanu la Gar dhigan lahayn Suldaanku isaga ayaa Gacantiisa ku burburiyey.

S: Waxa kale oo Suldaan Galaal tilmaamay haddii uu Kulmiye Sifo Sharci ah ku yimaado in aanay yeeleynin, sideed u aragtaa?

J: Adeer Saddexda Xisbi Qaran si xalaal ah ayaa Shacabka Somaliland ku dhisteen, dhaliilo way yeelan karaan, Tiradooda waa la kordhin karaa, Habkii ay ku dhismeen 2002 gii wax waa laga bedeli karaa, Xisbiguna Mucaaridna waa yeelan karaa, Laakiin Ninka yidhaah Yeeli mayno haddii Xisbi Hebel soo baxo, Hadalkiisu Wax ka soo qaad Ma Laha.

S: Caaqil Saddex Xisbi kee ayaad taageertaa oo aad ka mid tahay? Adeer Saddexda Xisbi midna ma ihi waana ay ii siman yihiin sababta oo ah Beesha Xilka Caaqilnimo ii igmatay waxay ku kala baahsan yihiin Saddexdaba, Xilka aan hayo ee Hoggaan Dhaqmeed ayey ka reeban tahay Damac Siyaasi iyo Garab. Waxanan Hoggaan Dhaqanka ee Dalka ka jira aan farayaa, Gaar ahaan Salaadiinta, Garaadada, Ugaasyada iyo Boqorada in ay Faraha kala Baxaan Siyaasadda, Dadkoodana Xilka ay u hayaan, ay Xulkiisa iyo Rag Doorkiisa ay u diyaariyaan Hoggaanka Dalka.

S: Caaqil Saddex Gole Qaran ee Dalka ka jira sidee ayaad iyana u aragtaa?

J: Waa su’aal ku haboon in la waydiiyo Ciddii u Ehel Siyaasadda, hadana fikirkayga gaaban, Mid ayaan gooni uga hadlayaa. Shacabkani waxay 09/2005 Doorteen Golaha Wakiilada oo saddexda xisbi ka soo kala baxay. Waxan Ma lahayga moodaayey kolkaynu ku badelaneyney Kuwii Hab Beeleedka aynu ku keenay in Dalka ay waxu qaban doonaan. Waxan moodaayey in Masaalixa Ummadda iyo Dalka in ay u adeegi doonaan oo ay fulin doonaan Dhaartii Eebbe. Waxanan marnaba meesha soo dhigin in Masaalixa Dalka ay u kala safan doonaan Saddewdii ay ka soo kala baxeen. Dantii Qarankana waxay ku iibsadeen Xisbi hebel iyo Sacab dushii wax la saaro. Iyana waxa meel u yaala Zamanku wuu soo ururaa, haddii aanu shan sanno idin dooranay iyo haddii aa Shan sanno oo kale isugu dartaan iyana waa maalmo la tiriyey. Rag badan oo Xildhibaano ah oo Shacabkuna Baal Dahab ah uu ku qoray ayaa iyaguna badan.

S: Caaqil xaggee ayaad filaysaa in ay wax ka qaldan yihiin ee farta aad ku fiiqi kartaa?

J: Halkay wax ka qaldameen ee welina aan loo Xal ee Muwaadin kastana u muuqata, waa Distoorka Dalka ee Shacabkuna ku ansixiyey 97%. Distoorka Taariikhdiisa goorta la qoray, ciddii samayeysay, Habkii loo smaystay intaba Shacabku ma moogana. Khaladaadkii uu ku ansaxmayna waa taa loo maaro la’ yahay. Distoorka inoo yaal yuu u adeegayaa? Waxa uu adeegayaa kolba kii kursiga Madax weynaha ku fadhiya, labada ku macaaridka ah ee kula tartamaaya. Wax jid u waayey Ninkii labaad ee Distoorkan inoo dejiyey oo meel uu ka soo galo Xisbi aan Saddexdan jira ahayn. Jeer oo dib loo habeeyo oo ama loo saxo ( Rectifications) lagu sameeyo waxba inoo hagaagi maayaan. Distoorka Dalka ka jira waxa loo samaystay, Loolan Siyaasadeed oo Shakhsi iyo Lollan kolkaa lagu kala maqnaa oo Dalka ay Colaadi ka aloosnayd. Distoorka inoo dhigan waxa uu u garbo duuban yahay kolba nin iyo in tirsan. Golihii Sharci dejintuna ee wax ka qaban lahaana Afar sannadood ayey maanta tirsanayaa page na ka may eegin. Taas oo wax laga qabto mooye, Xaalkeenu waa Hor iyo Daba Wareeg aan jiho la’hayn. S. Ugu Danbeyntii , Waa Maxey Fariinta iyo Dardaaranka aad u Gudbineyso Shacab weynaha Somaliland?

J: Shacab weynaha Somaliland waa Shacab Nabad Jecel, Waxaa iga Dardaaran ah in ay Nabadooda Ilaalashadaan, Shaqsi , Xisbi iyo Cid Walba oo Nabadooda Ka Horimaneysa Ay Meel uga Wada jeestaan , Sidoo Kale Ay Noqdaan Bulsho Baraarugsan ,waxaan Shacabka u Rajeynaa Guul iyo Horumar
Waxaan idinka Mahadcelinaya Shabakada Sallaxleynews Xidhiidhka Aad ila soo Sameyseen iyo Horumarka Aad Gaadheen Mudadadii Aad Hawada ku Jirteen , waanad Mahadsantihiin

Waraysigan waxa qaaday Fu’aad Cabdisalaam XAsan

No comments:

Post a Comment