Wednesday 28 October 2009

TODOBADA XUBNOOD EE KOMISHANKA OO MAANTA KITAABKA GACANTA LOO SAARAY

TODOBADA XUBNOOD EE KOMISHANKA OO MAANTA KITAABKA GACANTA LOO SAARAY

KOmishakna oo isku dhanGudoomiyaha Maxkamada Dastuuriga ah ee Somaliland Mudane Maxamed Ismaaaciil Oomane ayaa maanta si rasmi ah u dhaariyay Todobada Xubnood ee Komishanka Doorashiynka Somaliland .

Dhaarta Xubnaha Koomishanka Doorashooyinka ayaa ka dhacaday aqalka Madaxtooyada Somalilland waxaan goobjoog ka ahaa M/weynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin ,Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Faarax, Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE Muj Axmed Maxamed Maxamuud.

Xubanaha Cusub ee Komishanka ayaa mid waliba waxa uu gacanta saaray markii la dhaarinayay kitaabka munazalka ah ee Qur’aanka kariimka, waxaana lagu dhaariyay inay daacadnimo iyo caddaalad ugu adeegayaan diintooda Islaamka iyo dalkooda.

Madaxweyne Rayaale ayaa duco ka sokow ku booriyay inay wada shaqeyn kaga bixi karaan xilka la saaray.

Muj Axmed Siilaanyo guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ee Kulmiye ayaa isaguna sheegay inay cadaalad iyo farogelin la’aan ku gutaan waajibaadkooda.

Eng Feysal Cali Waraabe guddoomiyaha xisbiga UCID ayaa isna sheegay in shaqadooda ugu horreysa laga eegi doono hogaanka ay dhexdooda iska doortaan.

Warqabdka ToggaHerer
Hargeisa

No comments:

Post a Comment