Friday 30 October 2009

QARAX KA DHACAY MUQDISHO, XASAN D. AWAYS MUXUU KA YIRI ARINTII LIBIYA IYO DAGAALO KA DHACAY MEELO KA MID AH GOBOLKA BAKOOL.

QARAX KA DHACAY MUQDISHO, XASAN D. AWAYS MUXUU KA YIRI ARINTII LIBIYA IYO DAGAALO KA DHACAY MEELO KA MID AH GOBOLKA BAKOOL.

Qaraxaan oo ahaa nooca dhulka lagu aaso ee meesha fog laga hago ayaa lala beegsaday ciidamo ka tirsan dowladda KMG Somalia ah ee Soomaaliya,kuwaasi oo ku sugnaa agagaarka garoonka Aadan Cade International Airport ee magaaada Muqdisho ee caasimada wadanka Soomaaliya.

Waxaana ku dhintay saddex qof oo labo ka mid ah ay yihiin ciidamada dowladda KMG Somalia ah ee Soomaaliya,halka Qofka kalena u qayb ka ahaa dadki rayidka ahaa ee ku sugnaa goobtaasi u ka dhacay Qaraxu.

Ciidamo ka tirsan ciidamada nabad ilaalinta ee AMISOM khaas ahaan kuwa ka socda Wadanka Uganda ayaa soo gaaray goobtaasi u qaraxu ka dhacay,isla markaasina ka bilaabay dhaqdhaqaaq xoogan oo ay ku xakamaynayeen amaanka aaga u ka dhacay qaraxu.

Waxaana hakad soo galay isu socodka dadka iyo gaadiidka marki u qaraxaasi dhacay,iyadoo marki dambe u caadi ku soo noqday.

Ma jiro ilaa iyo iminka cid sheegatay qaraxaasi in ay ka dambaysay,Saraakiisha dowladda KMG Somalia ah weli kama aysan hadlin qaraxaasi maanta dhacay.

Xaalada goobta u qaraxa ka dhacay ayaa ah mid haatan degan,dhowaan ayay ahayd marki garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho lagu weeraray qaraxyo ismidaamin ah oo ay ku waxyeeloobeen Ciidamada nabad ilaalinta ee AMISOM.

—————————————————————————————————————————————————–

Hogaamiyaha Ururka Xisbul Islaam ee Mucaaradka ah Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa shaaca ka qaaday in ay jiraan dagaal dhanka Warbaahinta ah oo ay wajahayaan xoogaga Islaamiyiinta ah ee Mucaaradsan dowladda KMG Somalia iyo AMISOM.

Sheekh Aweys oo maanta Khudbad dheer ka jeediyay Masjid ku yaal gudaha Suuqa Bakaaraha Muqdisho ayaa sheegay in aysan jirin wax dhibaata ah oo u dhexaysa Ururka Xisbul Islaam iyo Al Shabaab tan iyo wixii ka dambeeyay dagaalkii Kismaayo ka dhacay.

Khudbadan uu Sheekh Aweys ka jeediyay Masjidka Abuu Hureyra Suuqa Bakaaraha wuxuu uga hadlay arrimo badan sida Ujeedka Islaamiyiinta, wadahadal lala galo dowladda KMG iyo dhibaato uu sheegay in ay ka dhax abuurayaan Warbaahin Cadaw ah sida uu hadalka u dhigay.

Inkastoo shalay sarkaal katirsan Xisbul Islaam uu Muqdisho ka sheegay in ay diyaar u yihiin wadahadal ay lagalaan Dowladda KMG Somalia islamarkaana ay Xibul Islaam soo dhawaynayaan dadaalada Dib u Heshiisiinta dalka Libya waxaa arrinkaas meesha ka saaray Sheekh Xasan Daahir.

Xasan Daahir wuxuu Dad ku sugnaa Masjidka Abaa Hureyra u sheegay in aanay wax wadahadal ah ka aqbali doonin wadamada Carabta oo uu shegay in iyaga lahaysto ” Waxa wadahadal ah lama geli doono dowlad ku sheega Cadawga la shaqayso, ma is weydiiseen waxa uu yahay Qadaafi waa Ninka Hadda Madaxda u ah Ciidanka AMISOM ee Shacabkeena xasuuqa ku wado waxaan leenahay wadahadlkiina baadilka ah lalaabta” ayuu yiri Xasan Daahir.

Khodbadii uu jeediyay sheekh Aweys waxaa layaabay Dadkii dhagaysanayay Khodbadiisa iyagoona maanka ku hayay Hadalkii uu shalay Idaacadaha Muqdisho ka jeediyay Sarkaal Xisbigiisa katirsan oo Wadahadal soo dhawaynayay.

Sidoo kale Hogaamiyaha Xisbul Islaam wuxuu Habaaray Warbaahinta qaarkood oo uu sheegay in ay Been ka faafiyaan shaqsiyadiisa iyo khilaafka kala dhexeeyo Shabaab ”Waxaan aad u dhaliilayaa Warbaahinta caadaysatay isku dirka Muslimiinta ogaada in Saxaafaddu tahay Garsoor hadase kuwa Somalida ah waxay noqdeen kuwa aan xalaal ahayn, ilaahey ka cabsada naga daaya dacaayadaha aad naga fidinaysaan, habeen hore waxaan Idaacadda AMISOM ee dowlad ku shegta ka maqlayay Xasan Daahir Qarax ayuu ka bad baaday isagoo Afgooye jooge xamarna kama bixin muddo Bil ah waxaas ayaa wax laga maqlaa kuwa warbaahinta sheeganaya” ayuu si cara leh u yiri Sheekh Aweys.

Si kastaba ha ahaatee Hadaladan kasoo yeeray Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa kusoo aadaya xilli maalmihii lasoo dhaafay ay Warbaahinta Internet-ka faafinayeen in Sheekh Aweys uu baqdin yahay islamarkaana uu Weeraro kala kulmo kooxo kale oo ay Xisbul Islaam isla yihiin Mucaarad.

——————————————————————————————————————————————————-

Dagaal Kooban ayaa Caawa ka dhacay degmada Tayeeglow gobalka Bakool kaas oo u dhexeeya Xoogag kala taageersan Al Shabaab iyo Xisbul Islaam oo maalmihii lasoo dhaafay is khilaafsanaa.

Wararka nagasoo gaaraya degmada Tayeegloow ayaa xaqiijinaya in Dagaal Hubka nuucyadiisa kala gedisan laysku adeegsaday balse Waqti kooban socday uu ka dhacay Tagyeegloow waxaana caawa kacsan xaaladda degmada.

Warar aan lahubin ayaa sheegaya in dagaalka ay ku lug leeyihiin Maleeshiyo Beeleed deegaanka ah oo lasafan Ururka Al Shabaab, Cisbitaalka degmada Xudur ayaa lageeyay ku dhawaad 4-qof oo dhaawac ah.

Xiisad Tayeegloow ka aloosantay ayay dhawaan xal ka gaareen Odayaasha Beelaha Digil iyo Mirifle iyagoona sheegay in maamulka Tayeeglow ay siiyeen Shabaab halka Xisbul Islaam lasiiyay in ay Amaanka sugayaan.

Ilaa iyo hadda lama oga cidda magaalada Gacanta ku hayso degmada iyo khasaaraha kala gaaray labada dhinac waxaase jira in Isgaarsiinta Tayeeglow ay Hada ka baxday.

Dhinaca kale Dagaal u dhexeeyay dadka deegaanka iyo Ciidamo Dowladda katirsan ayaa caawa maqribkii ka dhacay degmada Rabdhuure Gobalkaa Bakool waxaana la sheegayaa in dagaalku uu yimid kadib markii Ciidan dowlada taabacsan ay Dileen mid kamida Ganacsatada degmada Rabdhuure.

Axmed Kulan

Moqdisho

1 comment:

  1. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete