Monday 26 October 2009

ADUUNKA IYO KOWNKA QAYBTII 9AAD IIMANKA IYO QADARKA EEBBE

ADUUNKA IYO KOWNKA QAYBTII 9AAD IIMANKA IYO QADARKA EEBBE

Asalaama Calaykum Warraxmatullaahi Wabarakaatuhu
Waxaan salaantaa Islaamka ee qaaliga ah u dirayaa Shebekadda Toggaherer iyo Akhristayaasheeda.

ADUUNKAAdduunka iyo Kownka(Qaybtii 9aad)

Iimaanka iyo Qadarka Eebbe

Iimaanku waa waxa si dhab ah u dega qalbiga rumayn ahaan ee camalkuna uu rumeeyo,siduu Rasuulku nabadgelyo iyo nacxariis korkiisa ha ahaatee sheegay:

“ألإيمان ما وقر في القلب وصدقه العمل”.

Iimaank waa shey qaali ah oo xaddida qofka dareenkiisa dhabta ah iyo waxqabadkisa oo dhan,waana ka qofka haga oo u qaabeeya wuxuu fulinayo iyo siduu u fulinayo,iimaanku wuxu sameeyaa qofka noociyadiisa ama dhaqankiisa oo uu huwiyo sifooyin iyo dhaqanno loogu soo hagaago,oo dadku ku tashado iyagoo malaynaya waxay kala kulmi doonaan,maadaama looga bartay sidaas. Iimaanka sida diinta iyo xadiiska Rasuulku ina baray waa inaad rumayso Illaahay iyo Malaa’igtiisa iyo Kutubtiisa iyo Rusushiisa iyo Maalinta yowmul aakhiro iyo Qaddarka Alle khayr iyo shar kuu yahayba:

ألإيمان أن تؤمن بالله والملآئكته وكتبه ورسله واليوم ألآخر وبالقدر خيره ؤشرّه من الله تعالى.

Waxa Alle amray Addoomadiisa rumeeyey inay la yimaadaan iimaan buuxa:

ياأيها الذين ءامنوا ءامنـوا بالله ورسوله والكتاب الذي نزل على رسوله والكتاب الذي أنزل من قبل ومن يكفر بالله وملائكته وكتبه ورسله واليوم الآخر فقد ضل ضلالا بعيداً(النساء)

Aayadda:kuwii Alle iyo Nebiga rumeeyow rumeeya Alle iyo Rusushiisa iyo Kitaabka uu ku soo dejiyey Rasuulkiisa iyo Kutubtii ka horreeysey ee la soo dejiyey,kii gaalooba ee beeniya Alle iyo Malaa’igtiisa iyo Kutubtiisa iyo Rusushiisa iyo Maalinta yowmul Aakhiro,wuxu lumay lumitaan fog.

Waxa loo baahan yahay inaad Alle rumayso oo aad u hoggansanto awaamirtiisa oo dhan kana waantowdo dhamaan wuxuu kaa reebay,oo la timaaddo adeecis dhamaystiran:

فلذالك فادع واستقم كما أُمرت ولا تتبع أهواهم وقل ءامنت بما أنزل الله من كتاب وأُمرت لأعدل بينكم الله ربّنا وربّكم لنا أعمالنا ولكم أعمالكم لاحجة بيننا وبينكم الله يجمع بيننا وإليه المصير(الشورى)

Aayadda:sidaas ugu yeedh oo ku toosnow sida lagu amray,oo ha raacin hawooyinkooda,oo dheh waan rumeeyey waxa Alle soo dejiyey ee kitaabbo ah,waxana lay amray inaan dhexdiinna cadaaladda ka oogo,Alle ayaa Rabbigayaga iyo Rabbigiinnaba ah,waxannu camal samayno annagay noo sugnaadeen oo ka mas’uul ah idinkuna camalkiinna idinkaa ka mas’uul ah,wax xujo ah oo innaga dhexaysaa ma jirto,Alle ayaa ina kulmin doona oo xaggiisa ayay noqoshadu ku dhamaan doontaa.

Qofka mar kasta oo cilmiga iyo aqoonta uu u leeyahay diinta xaniifka ahi waxa sii kordha oo siyaada iimaankiisa iyo cabsida uu Eebbe u hayo:

(…إنّما يخشى الله من عباده العلماء…(ءاية من سورة فاطر)

Aayadda:waxa Alle ka cabsada Addoomadiisa culimada ah(cilmiga leh).

Iimaanku waa marka rumayntu ay si dhab ah oo qotodheer u degto qalbiga oo ficilka ama waxaad fulinayso oo dhami ka shiidaal qaataan xaqiiqadaas uu qofku rumaysan yahay,taas oo la falgelaysa dareenkiisa oo dhan iyo fekred iyo qowl wixii ka soo fulayaba.

Iimaanku wuu ka sii xeel dheer yahay Islaannimada oo waa falgal dhab ah oo qofku la sameeyo xaqiiqada loo abuuray oo ah cibaadada Eebbe oo uu u hoggaansamo amarradiisoo dhan,kana reebtoonaado waxa layska reebay oo taas uu ka helo naftiisa raaxo iyo ku qanacsanaan:

قالت الأعراب ءامنّا قل لم تؤمنـوا ولكن قولوا أسلمنا ولمّا يدخل إلإيمان في قلوبكم وإن تطيعوا الله ورسوله ولا يلتكم من أعمالكم شيئاً إنّ الله غفور رحيم(الحجرات)

Aayadda:waxay yidhaahdeen Acraabtii(Carabtii miyiga) waannu rumaynnay, waxad ku tidhaahdaa maydin rumayn laakiin waxad tidhaahdaan waannu islaamnay,mar haddaanu iimaanku weli qalbiyadiina gelin,Alle iyo Rasuulkiisa adeeca,wax camalkiina laydinka dayacayaa ma jiraan,oo Alle waa denbi dhaafe naxariis badane ah.

Waa in Malaa’igta aad rumaysaa in ay yihiin makhluuq Illaahay abuuray oo u hoggaansan amarrada Alle oo aan sifooyinka Insiga iyo Jinka lahayn waxba ma cunaan waxna ma cabbaan,shahwad kalena ma leh waa kuwo u diyaar ah inay fuliyaan amarrada Eebbe iyagoon caasiyaynin marnaba:

(لا يعصون الله ما أمرهم ويفعلون ما يؤمرون)

Aayadda:ma caasiyayaan Alle wuxuu amro,oo way fulinayaa waxa la amro.

Malaa’igtu waxay heeggan u yihiin in ay fuliyaan waxa Alle faro ee amro oo Malag kasta shaqo gaar ah ayaa Alle u xil saaray oo uu u gutaa sida ugu habboon ee ugu quman.

Waa in qofku rumeeyaa Kutubtii Alle soo dejiyey oo ah Afar kala ah:

1-Tawraad oo Nebi Muuse(calayhi salaam) lagu soo dejiyey.

2-Sabuur oo Nebi Daa’uud(calayhi salaam) lagu soo dejiyey.

3-Injiil oo Nebi Ciise(calayhi salaam) lagu soo dejiyey iyo

4-Quraanka oo Nebi Maxamed nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee lagu soo dejiyey.

Markaa dadka Afartaa kitaab Aaminsani way ka gedisan yihiin dadka bilaa diinta ah ee Mulxidiinta ah oo iyaga Ehlu kitaab ayaa la yidhaahdaa,dadka muslimiinta ahi way kala soocaan qofka Mulxidka ama Mushrigga ah iyo ka Ehlu kitaabka(kiristaanka iyo Yuhuudda) oo inkastoo ay gaalo wada yihiin mar haddaanay Islaamka qaadan,way is dhaamaan oo kala sokeeyaan.

Islaamku waa Diinta keliya ee Alle ka raalli yahay,kutubtii hore Islaamka ayaa nasakhay oo qofkaan Islaamka qaadanin waa gaal ehlu naar ah:

(… ومن يبتغ غير إلإسلام دينا فلن يقبل منه)

Aayadda:Qofka diin aan Islaamka ahayn qaata Alle ka aqbali maayo.

Kutubtii hore wixii laga sii hayo,waa wax la bedeley oo dadku ay waxay doonayeen ku xalaaleeyeen waxay doonayeenna ku xaaraantinimeyeen,laakiin Quraanku waa sidii uu Nebigeenna nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee ugu soo degey,oo aan xaraf laga bedelin,lagana bedeli Karin waayo Illaahay ayaa ilaaliyey oo ka dhigay mid xafidan:

“إنّا نحن نزلنا الذكرى وإنّ له لحافظون”

Aayadda:Annagaa soo dejinnay Digriga(Quraanka) oo annagaa xafidayna oo ilaalinayna.

Quraanka suurtagal ma aha in kelmed aan ka mid ahayn lagu dhex khaldo,waa la garanayaa isla markiiba oo waa awood alle ku ilaaliyey,waxana jira dad aad u tira badan oo xifdisan quraanka kariimka ah oo laabohooda uu ku ilaashan yahay oo ku xafidan yahay.

Waxa iyana Iimaanka ka mid ah inaad Rususha dhamaantood wada rumayso,haddii aad mid diiddo,macneheedu waxa weeye Islaamkii ayaad diiddey,waayo waa in Rasuul kastoo Alle soo diray aad u rumaysaa inuu Rasuulkii Alle yahay:

ءامن الرسول بما أنزل إليـه من ربّه والمؤمنون كلّّ ءامن بالله وملآئكة وكتبه ورسله لانفرّق بين أحد من رسله وقالوا سمعنا وأطعنا غفرانك ربّنا وإليك المصير(البقرة)

Aayadda:way rumeeyeen Rusushu wixii Alle ku soo dejiyey,Muuminiintuna dhamaantood way rumeeyeen Alle iyo Malaa’igyiisa iyo Kutubtisa iyo Rusushisa mana kala soocayno Rususha dhexdooda,waxanay yidhaahdeen waannu maqalnay oo adeecnay,Allow denbi dhaafkaagaan dalabnay xaggaagaan u noqonaynaa’e.

Alle subxaana watacaalaa Rasusha wuxu u soo diray si ay dadka ugu sheegaan oo u baraan sida ay Eebbe keligii u caabudi lahaayeen,oo ugu hanuuni lahaayen:

هو الذي أرسل رسوله بالهدى ودين الحق ليظهره على الدين كلّه وكفى بالله شهيداً(الفتح)

Aayadda:(Alle) waa ka Rusushiisa u diray hanuunka iyo diinta xaqa ah,si ay u qariso oo uga muuqato diinaha kale oo dhan,arrintaana Allaa markhaati ugu filan oo og.

(… يا قوم اعبدوا الله ما لكم من اله غيره…)

Dhamaan Rusushu waxay barayeen Ummadda in Alle keli yahay oo aanu Illaah kale jirin.

يا أيها الناس قد جاءكم الرسول بالحق من ربكم فأمنـوا خيراً لكم وإن تكفروا فإنّ لله ما في السماوات والأرض وكان الله عليماً حكيماً(النساء)

Aayadda:Dadyohow xaqiiqa’e waxa xaq idiinku yimi Rasuul ka sugnaaday xagga Alle ee rumeeya,sidaasaa idiin khayr badane,oo haddaad ku gaalowdaan(diiddaan)Alle wuxu leeyahay Samooyinka iyo Arlada iyo waxa ku suganba,waana cilmi badane xakiim ah.

Yowmul qiyaamuhu waa maalin dhici doonta oo geed ka go’an ah,Allena inoo sheegay,oo ka mid ah iimaanka in la rumeeyo maalintaas dadka la xisaabinayo oo qof kasta wuxuu kasbaday intuu adduunka joogey helayo iyadoon wax yar laga luminayn ee u helayo xaqiisa si cadaalad ah,waa maalin adag oo dhamaan la wada taagan yahay Alle hortiisa :

يا أيها النّاس أتقوا ربّكم إنّ زلزلة السّاعة شيء عظيم يوم ترونها تدهل كلّ مرضعة عمّا أرضعت وتضع كلّ ذات حمل حملها وترى النّاس سكارى وما هم بسكارى ولكـنّ عذاب الله شديد(الحج)

Aayadda:Dadyohow Rabbigiin ka cabsada oo ka baqa dhicidda saacaddu waa arrin weyn,maalintaad arkayso iyadoo hooyo kasti ilmahay nuujinaysey tuuraysa,oo tii uurka lahayd ilmihii uurka ugu jiray ka soo dhacayo,oo aad arkayso dadkii oo sakhraansan,mase aha kuwo dhab u sakhraansan laakiin cadaabka illaahay ayaa ah mid kulul oo daran.

Maalinta yowmul qiyaamuhu waa maalin adag oo qofku naftiisa keliya ku mashquulsan yahay oo ay tiisu cuslaysay,oo aan waxba laysu qaban Karin:

يوم يفر المرءُ من أخيه وأُمّه وأبيه وصاحبته وبنيه لكلّ إمرىء منهم يومئد شأْن يغنيه(عبس)

Aayadda:Maalinta qofku ka cararayo Walaalkii iyo Hooyadii iyo Aabihii iyo qofkay isqabeen iyo carruurtiisa,qof kasti maalintaa tiisuu la taag daran yahay.

Waxa Alle inoo caddeeyey in saacaddu(yowmulqiyaamuhu) ay xaqiiqo ahaan imanay

إن السّاعة ءاتية لا ريب فيها ولكن أكثر الناس لا يؤمنون(غافر)

Aayadda:Saacaddu shaki la’aan waxa ah inay imanayso,laakiin dad fara badan baan aaminsanayn.

Adduunka dadku xorriyad bay ku haystaan oo Alle isagaa korreeyee wuxu caddeeyey jidka saxa ah iyo ka kale ee khaladka ah,qofba ikhtiyarkiisa kuu doorto ayuu qaadayaa oo fikraddiisa boqor buu ku yahay,laakin Aakhiro Alle keliya ayaa boqor ah:

يوم هم بارزون لا يخفى على الله منهم شيء لمن الملك اليوم لله الواحد القهار(الزمر)

Aayadda:Maalinta ay yihiin kuwo muuqanaya,oo aan Alle midna ka qarsoonayn (ayaa Alle odhanayaa) ayaa maanta mulkiga leh(oo boqor ah) Alle ayaa leh,ka keliga ah ee wax qahra(awoodda leh).

Qaddarta Alle waxay ka mid tahay iimaanka,oo wax kasta oo yimaadda oo dhaca,waa inaad ogaataa in awoodda Eebbe iyo amarkiisa ay ku timi oo aad markasta niyad samaataa,oo ogaataa khayr iyo shar wax luguu qoray mooyee,inaanad wax kale la kulmayn:

قل لن يصيبنا إلا ماكتب الله لنا هو مولانا وعلى الله فليتوكل المؤمنون.(التوبة)

Aayadda:waxad tidhaahdaa(Nebi Allow) nama helayo(nama asiibayo) wax Alle noo qoray mooyee wax kale,isagaa ah mowlahayga(ka na ilaalinaya) ee Muminiintu(Alle) ha talasaarteen.

Qofka iimaanka Alle laga helaa waa ka laga helo halka diinta iyo sharecadu ka rabaan

عن أبي هريرة رضي الله عنه قال : قال رسول الله صلى الله عليه وسلم:
(من كان يؤمن بالله واليوم الآخـر فليـكرم ضيفه ، ومن كان يؤمن بالله واليوم الآخر فليصل رحمه ، ومن كان يؤمن بالله واليوم الآخر فليقل خيراً أو ليصمت) رواه البخاري

Xadiiska:waxa Abu Hureyra Alla ha ka raalli noqdee laga weriyey inuu Rasuulku nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee yidhi:qofkii Alle iyo Nebigiisa rumeeyey ha wanaajiyo martidiisa, qofkii Alle iyo Nebigisa rumeeyey ha xidhidhiyo Riximkiisa, qofkii Alle iyo Nebigiisa rumeeyey ha yidhaahdo khayr ama ha iska aamuso.

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa:Alla aamin ma iisho,Sabraa sadkii hela,Nin Alle yaqaan looma dardaar weriyo,Iimaan Allaa uur buuxiya…iwm,dhamaan waxay ku tusayaan in iimaanku yahay sheyga aad Alle ku talosaaranayso ee ku nooshahay.

Qofka iimaanka ku sifoobay waa qofka si dhab ah ugu hoggaansama amarrada Eebbe ee adeeca,kana dheeraada waxa laga reebay,wax kastoo ka soo fulana hadal ama ficil ama feker waa inay ku salaysnaadaan diinteenna xaniifka ah oo ka ambaqaadaan xeer iyo sharci Eebbe inoo dejiyey,waxay markay iimaankaa la yimaadaan helayaan khayr:

والذين ءامنـوا وعملوا الصّالحات سندخلهم جنات تجري من تحتها الأنهار خالدين فيها أبداً لهم فيها أزواج مطهرة وندخلهم ظلا ظليلا(النساء)

Aayadda:kuwa Alle iyo Nebiga rumeeyey ee camal wanaagsan sameeyey,waxannu gelinaynaa jannooyin ay webiyaal hoos socdaan oo ay weligood ku waarayaan,oo ay ku helayaan Aswaaj(Oori ama Say)daahir ah,waxannuna gelinaynaa hadh hadhaysan.

Illaahay waxan ka baryaynaa inuu innaga dhigo kuwo iimaan buuxa oo dhaba leh oo Alle ugu abaal gudo Jannadiisa Fardawsa.

Saeed Ibrahim Hussein

As/w/w

No comments:

Post a Comment