Wednesday 21 October 2009

FANAANKA WAYNE EE LAFOOLE OO SOO GAARAY KENYA

FANAANKA WAYNE EE LAFOOLE OO SOO GAARAY KENYA

Fanaanka Wayn ee Maxamed Xasan Xuseen “Lafoole” ayaa kasoo dagay garoonka Jomma Kenyatta International Air Port ee magalada Nairobi wadanka Kenya.

Bahda Hadal iyo Hees iyo taagerayaal ayaa uga hor tagay garoonka diyaradaha habeenamadii xalay si ay ugu soo dhaweyaan Fanaanka Maxamed Xasan Lafoole.iyadoona markii uuso dagay lagu soo wareejiyay magalada Nairobi, halkaas oo indha indheeyay

Dadka Somalida eek u nool wadamada Geeska Afrika, gaar ahaan wadamada Kenya iyo Ugandha ayaa sugayay mudooyinkii ugu danbeyay fanaanka Maxamed Xasan Xuseen “Lafoole”, isagoona dhowr show qaban doono si u qanciyo taagerayaashisa.

Fanaanka Maxamed Xasan Xuseen “Lafoole” ayaa 10-kii sano ee ugu danbeyay waxa noqday fanaanka ugu taagerada badan ee soo baxay mudadii burburka wadanka Somaliya, isagoona ay bulshada Somalida eek u nool dunida dacaladisa.

Gudoomiyaha Bahda Hadal iyo Hees C/satar Dahir Sabriye ayaa sheegay in show-ga Lafoole uu dhacayo goor dhaw, isla markaane uu ku hormari doona magalada Nairobi uu show-ga ugu horeyo ku qaban doono bilawga bisha soo socota.

LAFOOLE WAYN

Maxamed C/Nuur Maxamed “Sacudi”’
Nairobi-Kenya
+254-710233216
m-abdinor@hotmail.com

No comments:

Post a Comment