Wednesday 28 October 2009

Sanad kahor Maanta oo kale (29.Oct.2008): Xus Iyo Xusuus Murugo

Sanad kahor Maanta oo kale (29.Oct.2008): Xus Iyo Xusuus Murugo

dhaawac-sallaxleynewsSanad kahor Maanta oo kale (29.Oct.2008): Xus Iyo Xusuus Murugo

“Maalin Mahadho iyo Xusuus madaw ku reebtay Quluubta shacbi u muuqda inay ka soo doogayaan diifta halgan naf iyo maal leh”. DAAWO MUUQAALADA RASMIGA AH EE DHACDADAAS

Ayaamaha Ilaahay eed ma leh Midoodna. Laakiin, 29/October/2008 waa maalin Mahadho iyo xusuus madaw ku reebtay Quluubta shacbi u muuqda inay ka soo doogayaan dhibaatada halgan naf iyo maalba leh. Waa maalin intii goob jooga ahayd iyo inta maqashayba argagax gelisay Gariirka Qaraxyo xoog badan oo gilgilay Caasimadda Hargeysa.

Waxay ahayd sanad ka hor maanta oo kale, markii rag la sheegay inay ka tirsanaayeen Xarakada xag jirka ah ee AL-SHABAAB isku qarxiyeen Seddex Goobood oo muhiim ah (Madaxtooyada, Xarunta UNDP, iyo Xafiiska Ganacsi ee Ethiopia uga Furan Hargeysa) kuwaasoo gaystay Khasaare Naf iyo Maalba leh, Inkastoo qaraxaasi aanu u dhicin sidii ay ugu talo galeen cadaawuhu.

Jawigii Maalintaas iyo Dareenkii shacbiga reer Hargeysa

Waxay ahayd Subax Arbacaad, abaaro 10:00 subaxnimo markii laga war helay dayaanka Seddex Qarax oo daqiiqado kala dambeeyay oo ay fuliyeen dhalinyaro laga dhaadhiciyay Mabda’ xag jirnimo ah. Waxay ku Hawl galeen Seddex baabuur oo Surf ah, iyadoo Bartilmaameedkoodu ku jihaysnaa Xarunta Madaxtooyadda Somaliland oo ah Hay’adda Qaran ahaan ugu Saraysa Somaliland isla markaana ay isugu tagto siyaasadda lagu Dhaqo dalka, Xarunta labaad ee Qaraxan ay Argagaxisadu ka fulisay ayaa iyaduna ahayd Xarunta Hay’adda Horumarinta Barnaamijyadda Qaramada Midoobay ee UNDP ay ku leedahay Somaliland, oo kamida Hay’addaha Somaliland ka fuliya Mashaariicaha tooska ah ee horumarka, siyaasad ahaana ay Xukuumadda isku mawqif ka yihiin Qorshayaasha la dagaalanka Argagaxisada oo caalamku wakhtigan il gaar ah ku hayo. Xafiiska xidhiidhka ganacsi ee Dawladda Itobiya ku leedahay Somaliland oo isna Qaraxu ka fulay.

Wax yar ka hor Marxuum kamida Masuuliyiintii ku dhimatay Qaraxa Madaxtooyada

Falkan jariska xoornimada ah ee Hargeysa Gilgilay waxa ku qudhbaxay dad gaadhaya dhawr iyo labaatan ruux oo ay ku jireen xog-hayihii Xafiiska Madaxweynaha Marxuum Daahir Cali Iid, Marxuum Afgaab iyo Mudane ka tirsanaa Golaha Guurtida oo shilka la kulmay isagoo ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha si uu u eego labada qarax ee ka horeeyay. Waxa kale ku dhaawacmay soddomeeyo qof oo u badnaa rayid iyo Masuuliyiin. Xarunta Safaarada UNDP waxa dadkii ku dhintay kamid ahaa Sarkaalka dhinaca Amaanka u qaabilsanaa Hay’adaasi Marxuum Geele.

Haddaba warbixintii, Muuqaaladii Dhaawaca iyo dhismayaasha maalintaas Madaw oo Sallaxleynews idiin soo ururisay waxa ay u dhignayd sida tan:

“Abaaro 10:00 subaxnimo ee saaka ayaa seddex qarax oo miidaamin ahi ka dhaceen Xarunta Madaxtooyada JSL, Xafiiska Hay’adda UNDP ee magaalada Hargeysa iyo Xafiiska xidhiidhka ganacsiga Ethiopia ku leedahay Magaalada Hargeysa.

Qaraxan oo laga maqlayay guud haaan magaalada iyo nawaaxigeeda, waxa loo adeegsaday isku dhisyo Miinooyin iyo walxo kale oo lagu soo xidhay baabuur nooca loo yaqaano SURF-ta. Qaraxan dhimashada ka sokow waxa uu khasaare ballaadhan gaadhsiiyay guud ahaan dhismayaasha madaxtooyada, Xarunta UNDP-da, iyo Xafiiska Safaarada Xarunta madaxyooyada oo uu ka dhacay qaraxan ka ugu xoogani waxa uu ka soo galay baabuurka miinaysani albaabka hore kaasoo qarxay intaanu gaadhin xafiiska Madaxweynaha.

Falkan oo dhimashada uu gaystay gaadhayo in ka badan labaatan qof, waxa ku jiray Xoghayaha Xafiiska Madaxweynaha Marxuum Daahir Cali Ciid oo isagu kolka qaraxu dhacay wax yar ka hor xafiiskiisa ka soo baxay, waxa kale oo liiska dhimashada ku jira Xildhibaan Maxamed-laangadhe Libaaxoo oo ka tirsan xildhibaanada oo isagu kolkaa ka soo baxay hawl uu u lahaa xafiiska madaxweynaha. Dhaawaca ayaa la sheegay inuu ku jiro Taliyaha Ciidanka ilaalada Madaxtooyda Abokor Sulub.

Waa markii ugu horeysay ee Falal noocan oo kale ah lala beegsado Somaliland tan iyo intii ay Madaxbanaanideeda la soo noqotay. taasi oo ka argagixisay dhamaanba shacbi weynaha caasimada, kuwas oo la anfariirsan Cida ka dambaysay iyadoo ah Meesha kaliye ee Mandaqada geeska Afrika.

Lama garanyo cida khaaska ah ee ka danbaysa jar iska xoornimadan balse sida uu Warbaahinta ka sheegay madaxweyne Rayaale wax yar kadib qaraxan.waxa uu dusha sa saaray Xarakooyinka Al-gagaxisada ah ee ka hanaqaaday gobolka geeska Afrikaa. “Waxaan maanta Shacbiga reer Somaliland u sheegayaa in Dalkoodii la soo weerayay, oo qaraxyo lala beegsaday Xarunta Madaxtooyada, Safaaradda Itoobiyaa iyo UNDP, cid kasta oo ka dambaysana waxaan leeyahay waa argagaxiso ka xun Amaanka iyo Horumarka ka socda dalkani. Isna allahu si dhakhsaha ayaanu u soo saaraynaa cida gaysatay” ayuu yidhi Madaxweyne Rayaale. Waxaanu intaas ku daray “Anigu Maalintii Borama lagu dilay gabadhii Talyaani ahayd ee Analena waxaan idhi waxa gaysatay Argagaxiso, dad badan baa ila yaabanaa oo lahaa maxaa ay dalkayaga argagaxiso uu ugu tilmaamayaa, laakiin maanta ayay dhabawday”..

Si kastaba ha ahaatee Xaradka Al-shabaab ayaa sheegtay inay ka dambeeyeen fulinta dhacdadaas madaw ee ku suntantay Baalasha taariikhda Somaliland.

Mar I dage alle ha dago, mar labaad I dage se anigaa is dagay ayay soomaalidu tidhaa, Waxa Mudnaan leh In dersi iyo duruusba laga barto dhacdooyinka maalinlaha ah ee ina soo maray, si looga digtoonaado ku dhiirrashada nacab kale.

Dabcan Qayuurkii Maansadda Soomaaliyeed ibraahim gadhle-na waa kii lahaa “”Halkii muducu kaa muday,Mar labaad lugtaadiyo, Cagtu yaanay kula marin!”

Hassan Hussein Keefkeef
Hargeisa,Somaliland
Mrkeefkeef@gmail.com
editor@sallaxleynews.com

No comments:

Post a Comment