Wednesday 28 October 2009

LACAGTA BEEN ABUURKA AH EE LOO YAQAAN DOOLARKA MADAW GAADHAYSANA MILYAN IYO DHAWR BOQOL OO KUN OO LA HORKEENAY MAXKAMADA GAROOWE

LACAGTA BEEN ABUURKA AH EE LOO YAQAAN DOOLARKA MADAW GAADHAYSANA MILYAN IYO DHAWR BOQOL OO KUN OO LA HORKEENAY MAXKAMADA GAROOWE

Waxaa maanta la horkeenay Maxkamada darajada koowaad ee Magaalada Garowe nin lugu soo eedeeyay in u watay lacagta Black Money loo yaqaano ama lacagta madow taa oo laga sameeyo lacagta Doolarka Maraykanka ah.
Garowe-12
Ninka ayaa ciidamada Booliska gacanta ku soo dhigeen asaga iyo gaari u watay sida ay sheegeen xili uu maraayay kontroolka Waqooyi ee Magaalada Garowe ee caasimada Puntland 17.10.2009.
Garowe-21
Lacagta ninkaa lugu soo eedeeyay in u watay ayaa cadadkeedu ahaa $1,820,000- milyan ee doolarka Maraykanka,waxana sida saxaafada u sheegay Taliyaha qaybta Gobolka Nugaal Cabdi raxmaan Abshir Faarax oo saxaafada kula hadlayay gudaha Maxkamada darajada koowaad ee Magaalada Garowe inkastoo xukunka ninka dib loo dhigay ayaa hadana waxaa lacagtaa doolarka madowga loo yaqaano la wareegtay Dowlada Puntland.
Qabashada ninka ayaa Taliyuhu sheegay in aysan jirin cid gacan ka siisay ciidamada Booliiska hase ahaate waxaa u sheegay in ciidamada Booliiska oo kaashanaaya laamaha sirdoonka ay ka war helean in gaariga u waday lacagta isla markaana la rabo in si kontrobaan ah loo soo geliyo dalka ah ayuu yiri Taliyuhu.
Garowe-32
Taliyaha ayaa sidoo kale hadalkiisa si raaciyay in ay jiraan dad ka ganacsada lacagaha noocaan oo kale ah isla markaana ay ka warhayaan oo ay ku raad joogaan sida u hadalka u dhigay,wuxuuna sheegay in ay jiraan dad haysta daawada lagu dhaqo lacagtaa madow si dadka loogu qaldo.
Garowe-42
Lacagta ayaa ahayd mid u xiran xirmo xirmo lagu soo duubay kartooman,waxaana lacagta ahayd mid isla gudaha Maxkamada lagu tiriyay ka koobnayd $1,520,000-milyan oo doolarka maraykanka iyo 30-kartoon oo ay ku jireen xirmo xirmo lacag ah oo marka la isugu geeyey ay noqotay $1,820,000-milyan ee doolar sida Gudoomiyaha Maxkamada darajada koowaad isna dhinaciisa ka dhawaajiyay.
Garowe-42
Waa markii ugu horeysay ee Ciidamada amaanka Gobolka Nugaal ay ku guuleystaan in ay gacanta ku soo dhigaan lacagta madowga ee loo yaqaano Black Money,iyadoo Ciidamada amaanka looga bartay in ay xooga saaran soo qabashada waxyaabaha maanka dooriya.

No comments:

Post a Comment