Monday 26 October 2009

MASUULIYIIN KA SOCOTA HAYADDA MERCY CORPS AYAA MAANTA SAFAR KU YIMID BUUHOODLE.

MASUULIYIIN KA SOCOTA HAYADDA MERCY CORPS AYAA MAANTA SAFAR KU YIMID BUUHOODLE.

Masuuliyin ka socota Hay’adda Mercy Corps Ayaa Maanta Safar Qiimayn Iyo Kormeer Ah Ku yimid Magalada Buuhoodle

Wafdi ka socda hay’adda samafalka ee magaceeda la yidhaahdo Mercy Corps ayaa saaka soo gaadhay magalada buuhoodle ee xarunta gobolka buuhodle kuwaasi oo indho indhayn ku samaynaya heerka adeegyada wax barasho ee gobolkaasi halka ay taagan tahay iyo baahiyaha degdega ah ee dhinacana wax barashada deeganadaasi.

Masuuliyiintan ka socday hay’addaasi Meersi ayaa waxaa magalada buuhoodle si wayn ugu soo dhaweeyey qaar ka mida masuuliyiinta maamulka wax barashada ee magaladaasi iyo waliba dadwayne tiro badan,sida uu noo sheegay wariye ku sugan gudaha magalada buuhoodle wafdigan markii ay soo gaadheen halkaasi waxay durbadiiba kormeer iyo qiimayn ku soo sameeyeen dhamaanba dugsiyada iyo goobaha wax barashada ee magalada buuhoodle.

Waa markii ugu horaysay ee ay masuuliyiin ka socda hay’adda la yidhaahdo Meersi ay soo gaadhaan iyadoo magalada buuhoodle ay ka mid tahay magaalooyinka xafiisyada ku lahayn inta badan hay’addaha samafalku. Waxaana imaashaha day’addan ee gobolka si diiran u soo dhaweeyey bulshada rayidka ah.

Wariye Axmed Saakin Faarax

Togaherer office laascanood

axmedsaakin@hotmail.com

No comments:

Post a Comment