Sunday 25 October 2009

YAA CAWINAYA CARUUR DADOODU U DHAXAYSO 4 ILAA 16 SANO OO CAMAAD DARO HAYSATO

YAA CAWINAYA CARUUR DADOODU U DHAXAYSO 4 ILAA 16 SANO OO CAMAAD DARO HAYSATO

Yaa caawinaya Carruur Da’doodu u dhaxayso 16 illaa 4 sano jir oo caafimad darro tii u xumayd haysato una baahan Gargaar Bini aadanimo.
QOYS WAYN

Burco: Guri ay jiifaan ugu yaraan 3 carruur ah oo caafimad darro dhinaca tamarta iyo maskaxda ay haysato, ayaanu markii 2aad Bookhasho ku tagnay saaka, Hadaba xaafadda dakaasi joogaan ama ay ku nool yihiin oo ay na gaysay weriye Farxiya C/laahi Maxamed oo ah saxafiyiinta madaxa bannaan ee ku sugan Gobolka ayaa markii anu isha ka qaadnayba aanu ka naxnay muuqaalka hoyga ay ku jiraan iyo weliba dhawaqa aan kala Go’a lahayn ee ka baxaya gudaha xaafada, iyadoo isla markiiba indhahayagu qabteen Guri yar oo Buul caws ah ama kuwa loo yaqaano aqal soomaali oo dayac badani uu ka muuqday, hadaba qoyskan danyarta ah ayaa haysta illaa 3 carruur ah oo dhammaantood maskaxda, Jidhka, lafaha iyo dareemayaasha intaba ka liita isla markaasna u baahan Daawayn iyo sidii caafimad ay ku heli lahaayeen, hadaba marka aad Guriga illinkiisa marayso waxaad maqlaysaa dhawaqa carruur aad u yar yar iyo hadaaqa ilmaha jira 3da bilood iyo wixii la mid ah balse marka aad Guriga hore u gasho waxad arkaysaa in waxa dhawaqayaa ama hadaaqayaa ay yihiin ilmo 16 sano jir ah iyo mid kale oo 10 sano jir ah, sidoo kale waxa jirta igabadhyar oo kale oo 4 sano jir oo iyana sidoo kale u xanuusan iyo weliba Hooyadood oo markaasi ag fadhiday carrurtaasi, C/samad axmed sulub iyo maxamed axmed axmed sulub waa labada wiil ee 16ka iyo 10 sano jirka ah isla markaasna xaaladooda caafimad aad u liidato,iyadoo weliba ay jirto Gabadh yar o kale oo 4 sano jir ah oo magaceeda la yidhaa Nimco axmed sulub, hadaba waxaa aan Guriga ku sugnayn markii aan bookhanay aabaha carrurtan oo isagu markaas carrurta ugu maqnaa caano, hadaba sida sawirada idinka carrurtan oo isagu markaas carrurta ugu maqnaa caano, hadaba sida sawirada idinka muuqataba carruurtan ayaan lahayn awood ama tamar ay ku fadhiistaan ama ku sarajoogsadaan iyagoo xilli walba iska dhul yaal ah oo sidaas aan markii 1aad ugu soo galnay u jiifa halka markii danbe mid walba hooyada carrurtani soo sara fadhisisay, iyado gacmaheeda ku haysa haddii ay sii daysona aan xejin karayn fadhiga.

Hadaba Crruurtan yaryar ayaa hooyada carrurtani Saado Ibraahin Xirsi ay noo sheegtay in cudurkani haleelay mid walba markii ay dhasheen balse ay ku dhasheen caafimad qab markii hore.

ugu danbayntii waxanu waraysi yar oo kooban ka qaadnay Hooyada Carruurtani dhashay aya waxay noga sheekaysay xilliga ay caarrutani sidan noqdeen iyo bal inay jiraan carruur kale oo la mid ah kuwan oo ka dhintay ama nool oo cusbitaalo ku jira. Faahfaahinta carrurtan oo dhanna waxaad kaga boganaysaa Warysiga hooyada carruurta dhashay.
Hadaba waraysigan kooban oo uu qaaday weriye C/lahi Cali Caydiid
ayaa u dhacay sidan:

S-Hooyo Ugu harrayn magacaa?

J-Magacayga waxa la yidhaa Sado ibrahin xirsi

S-Carruuta Aabahoodna?

J-waxa la yidhaa axmed Sulub

S- waa hagaag Hooyo carruurtani muddo intee leegbay sidan ahaayen?

J- carrurtan iyagoo yar yar baa la helay, qaar iyagoo 8 Bilood jiray qaarna iyagoo affartanka ka baxay.

S- Hayye carruur kale oo hadda dhakaatiir ku jirtaa miyay jiraan mise waa saddexdan uun imminka inta xanuunsani?

J-haa imminka waa saddexdan uun lakin afar wiil baa xanuunkano kale u dhintay oo noocan ahaa ka ugu waynina 9 jir ahaa.

S-Hayye, Cid idinka Gargaarta oo gacan idiin fidisa marna ma hesheen se baaq ma u dirateen dadka iyo shacabka walaalaha ah ee muslimiinta ah bal inay wax idinka caawin karaan?

J- may hooyo cid na gargaarta ama gacan noo fidisay ma jirto cidna baaq hore ugumanan diran ilahay ka sokow, mida kale annagu dad reer miyi ahbaanu nahay imminka ayaanu magaalada soo galnay markii xoolihi naga dhammaadeen carruurtan ayanu magaalada keenay Guri kiro ahna waanu ku jirnaa oo cid naga bixisa anay jirin, reerkale oo anu kula jirno Guriga ayaana na damiintay.

S-bal wiilashan magacyadooda noo sheeg?

J-Kan C/samad baa la yidha kanna maxamed.

S- waa immisa jir carruurtu?

J-Kan waa 16 sano jir kanna waa 10 sano jir inantaas yarina waa 4 sano jir.

S- Hayye Dhakhaatiir Gudaha ah carruurta ma gayseen?

J- waanu geynay dhakhaatiirta Gudaha oo dhan lakin ilaahay weli shinbirkii nama siin.

S- Wax dhakhtar ah oo idinku yidhi waxbaanu ka qaban karnaa oo waa cudur la dawayn karo ma jiraa intii aad dhkhaatiirta u gaynayseen?

J- may.

S- markaa maxaad ka codsanaysaa imminka dadka ku dhegaysanaya ee walaalaha muslimiinta ah?

J- wixii wax na tari karaya ee nagu tari kara carruurtaas inaan dhakhaatiir dabadeed ku gayno waanu u baahanahay, mar walbana ilaahay waxanu waydiisana inu shimbirkii na tuso, ummada walaalaha ah waxan leeyahay ifka la isugu tudhaa ee dadkaas waxad u kari kartaan waa loo baahanyahay.

Hadaba carrurtan iyo qoyskan masiibadu ku habsatay o ay ka muuqato DIIF iyo silicii ugu xumaa Cid kastoo wax taraysaa ha ugu soo hagaajiso
Account Numberka DB5800 D/shiil Burco. idinkoo ku soo qoraya :
Saado Ibraahin Xirsi faahfaahintana ka soo dhiga :ku shuba account No: DB5800 waana caawimaddii carrurta Tabaalaysan.

By:
Mustafe Osman A/rahman
Burco Somaliland
2522,4411480
Mustafe_480@hotmail.com

No comments:

Post a Comment