Tuesday 20 October 2009

DUKAAMO SOOMAALI LEEYIHIIN OO LAGU GUBAY COLUMBS OHIO DABKIINA KU BES BEELAY

DUKAAMO SOOMAALI LEEYIHIIN OO LAGU GUBAY COLUMBS OHIO DABKIINA KU BES BEELAY

DAB OHOWaxaa shalay dab xoog leh qabsaday mid kamid ah xarumaha Ganacsiga ee Soomaalida ku leeyihiin magaalada Columbus ee gobalka Ohio ee dalka Maraykanka.


Dabkan xooga badan ayaa burburiyey xarun Tagaasida, Makhaayado iyo dukaamo lagu gadi jiray buugaag iyo qalab kale. Dukaamada iyo xafiisyada oo ku yaal Westerville Road ee magaalada Columbus ayey ku guuleysan waayeen ciidamada dabdemiska inay badbaadiyaan dukaamadaasi Soomaalidu lahayd.

Dabkan ayaa lagu sheegay inuu ahaa mid si badheedh ah loo shiday habeenkii Isniinta, sida uu sheegay Madaxa dabdemiska Chief David Whiting oo saxaafada uga warbixiyey dabkaasi.

columbusdabSomali

Dabkan ayaa ku faafay dukaamada, hase yeeshee waxaa badbaaday Masaajidka Salama oo ku dheganaa dukaanada uu dabka burburiyey. Ciidamada dabdemiska ayaa sheegay in xiliga ay goobta yimaadeen dabka uu si baahsan u galay goobo badan isla markaana ku dadaaleen, in dabkaasi ku xakameeyaan goobihii uu qabsaday si uusan u burburin goobo kale.

Illaa iyo hada wax faah faahin ah lagama soo saarin cida lagu tuhunsan yahay in dabkan ay ka danbeeyeen, walow horey looga dhawaajiyey in ay salka kuheyso arrimo cunsuriyad ah, hase yeeshee qaar kamid ah ganacsatada Soomaalida ayaa sheegay inuu jiro shaki kale oo la xariira xurguf kale.

dabcolumbus1Dhamaan dukaamada dabka uu burburiyey ayaa la sheegay ineysan ku jirin wax caymis ah, taasi oo khasaaro dheeraad usii ah ganacsatada Soomaaliyeed ee xoolahoodii halkaasi ku gubteen. Maxamed Macalim oo kamid ah mulkiilayaasha goobaha gubtay ayaa sheegay inay shaki ka qabaan cida ka danbeyn karta dabkan.

Baadhitaan xoogleh ayaa hada socda ayadoo la sheegay in baadhitaankan ay ku jiraan qeybaha kala gedisan ee ciidamada amniga oo ay kamid yihiin ciidamada dabdemiska, Booliiska magaalada Columbus, iyo waliba ciidamada qaabilsan kahortaga Waxyaabaha kontrobaanka ah ee marka magacooda lasoo gaabiyo loo yaqaan ATF.

Magaalada Columbus ayaa kamid ah magaalooyinka ay ku badan yihiin dadka Soomaalida, waxaana ku yaal goobo kala gedisan oo ah dukaamo badan oo ay leeyihiin dadka Soomaalida ah.

No comments:

Post a Comment