Sunday 25 October 2009

SOO BAX BAA LA LEE-YAHAY OOY SACABKA LEEFAYSAA!!

SOO BAX BAA LA LEE-YAHAY OOY SACABKA LEEFAYSAA!!

SOO BAX BAA LA LEE-YAHAY OOY SACABKA LEEFAYSAA!!

shotaly yar
Waxa la yidhi nin baa beri ku yidhi wiil uu dhalay aabbo sigaarka iska daa, halkii uu waa-yahay ka odhan lahaa buu horta bal intaas ii dhiib yidhi hadaabay u dhuratay qabyaaladdii oo an biyo is marin, ujeediyo haatan hore baa loo yidhi ILAYN NIMAAN XISHOONAYN DAGAAL XEELI KAMA HAYSO’e waxa yaab iyo amakaag igu riday maalmahan dambe dad gaar ah oo is leh wax baad qortaan, oo aad dadka u sheegaysan wacan baa waxay dhakada ka fuula-yaan beelo aan wax u gaysan oo walaala ah, oo aflagaa-dooyin iyo cay aad u xun midba uu ka kale ku lee-yahay wax ay geesteena aanay jirin, malaha waxay mooda-yaan labada reer in ay yihiin afartan ceebaha u yeelaaya beelo aan wax denbi ah oo ay kale galeen jirin, miyaanay ahaynwax laga yaqyaq-soodo asha xumaanta ay dhawrka qof ku samaynayaan deegaano aan mid walba kiisa ahayn ee dad aan waxba ogayn afka loo gelinaayo reer kale, diradira-nimo, wax aan meesha qaban faan isku moodaaya, waar isma dhaantaan wax sheegteen inta ay tahay maskax-diinu, waxad u badheedheen belo abuurid iyo wax aan loo fadhiyin, maxaa bal idiin geeyey beelaha walaalaha ah, ee aad ugu dhex tuuray-saaan qaska iyo rebsheda, maad ka baxdaan waxa aad walaaqaysaan iyo gobalda aad wax ka sheegaysaan, ruuxii akhriyaa maqaaladiina ee al-le yaqaan wuu arkaa naxliga aad wadaan.

H.J IYO H.Y midna af xumo wax kaga qaadimay-saan, ninba wuxu yidhi isaga baa ah, gobal wisikhda aad ku hadlay-saan wax yeeli kartaana ma jirto ee idinka baa ah wax aad ku lee-dihiin, ee kala fadhiista umada qudhunka aad xaaraanta ku walaaqay-saan, oo xishooda, wax iksu fala, oo damiir-kiinu ha idin canaato, malaha waxad isu haysa-taan in cid wax yeeli kartaane, hadaad wax sheegaysaan ka hadla danaha umada, nabada dhiiri geliya, oo ka khaldan ciduu doono ha noqdee runta ku cadeeya, haddii uu yahay xusbi, qof, siyaasi, madax weyne, xildhibaan, guurti, reer, dhuuni qaate, af-miishaar, ka durka isku dirka, kala fogaanshaha iyo cuqdada aad ku kla beeray-saan reeraha aan wax isku haysan, ka hdala musuq-maasaqa, abaaraha, biyo la’aanta, agoonta, gaajada, oo sidan isu dhaama, ka baxa reeraha iyo cayda gobolada oo dantiina ku foofa cidna wax haw qabnina’e, malha waxa is moodeen kuwo u hiili-naaya reerka aad ku abtirsa-taan ee ogaada in aad ceeb u soo jiiday-saan, wax aad ku soo kordhin kartaana haba yaraatee waa habeenkii xalay oo tegay ee xidha afkiina aanay wax rooni ka soo baxayn, isla yaaba oo wax isku fala waad dhimateene, orda oo is aasa ma noolidine.

Waxan iyana lee-yahay dhamaan mareegaha lagu soo qoro waxan dhooqada ah iyo cayda reeraha in aanay soo qorin oo ka joojiyaan baahin-tooda waayo waxay ceeb ku tahay mareegta lafteeda, waa in aydin ka digtoo-naataan waayo idinka bay wax idiin dhimaysaa ee iska hubsada wax aaad soo daynaysaan, maaha in wixii la qoroba idinka la idiin soo mariyo aflagaa-dooyinka lagu xumaynaayo beelaha oo aad noqotaan halka laga-ga duulo beelaha, iska xakameeya baan idinlee-yahay.

* N.B Af xumi nin leh buu ku yaalaa.
abd-shotaly,
oodweynenews.com

No comments:

Post a Comment