Saturday, 24 October 2009

HAGAR-DAAMADA NOLOSHA IYO HALABSIGA WAKHTIGA

HAGAR-DAAMADA NOLOSHA IYO HALABSIGA WAKHTIGA

Hagar-daamada Nolosha iyo halabsiga Wakhtiga

Xog-uruuriye:C/Shakuur Xaaji Muxumed Muuse [C/Heersare], Xog-bixiye: Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame [Hadraawi]heersare iyo hadraawi

Saacaddu waxay ahayd 1:30-kii duhurnimo ee maalinimo Sabti ah, taariikhduna ahayd 16/6/2007. Markaas oo aan marayay Jidka Xaafadda IFTIN. Waxaan qarka u saarnaa Dooxa weyn ee loo yaqaano Maroodi-jeex ee dhex mara Magaalada Hargeysa. Waxa si lama-filaan ah mar kaliya Maskaxdayda ugu soo dhacay dareen ka turjumayay fikir culus oo u baahan in baadhitaan iyo odoros lagu sameeyo. Mar kaliya ayuun baan istaagay Dooxa badhtankiisa, waxaanan Jeebka kala soo baxay Buug-yare. Waxaan holaday Qalin iigu jiray Jeebka sare ee Shaadhka. Waxaan isu diyaariyay fikirkii Maskaxdayda ka guuxayay in aan Qoraal u bedelo oo aan Qalinka ku xariiqo. Waqtigaasi waxay ahayd bar-bilowga qorista mawduuc ballaadhan oo u baahan falan-qayn, baadhitaan iyo waliba axadhid xeel-dheer, kaas oo ah mowduuca Ciwaankiisu kor ku xusan yahay (Hagar-daamada Nolosha iyo halabsiga waqtiga).

Ka dib markii aan qoray ciwaanka mowduucan, ayaan joojiyay qoraalkii, isla markaana u dhaqaaqay halkii ay iga jirtay dantii aan u socday iyo in aan sii wato soc-daalkii, isla maalinaas-ba waxaan goostay in aan kaga dhabeeyo xaqiijinta dulucda dhabta ah ee ku duugan mowduucan. Waxaan guda-galay in aan samaysto qorshe iyo nidmaan aan ku hagayo bar-tilmaameedka aan hiigsanayo, aniga oo ka taxadiraya wixii caqabad ah ee turxaan ku noqonaya qorsheyaashaydaas.

Waxaan in muddo ah ka fikirayay cidda ugu muddan ee sida wax-ku-oolka ah uga xog-bixin karta mowduucan. Fikir iyo falanqayn-dheer ka dib waxaan go’aansaday in aan mowduucan hor-dhigo Abwaanka weyn ee Maxamed Ibraahim Warsame [Hadraawi], oo markaa ku sugnaa magaalada Burco, waxaan markiiba la sameeyey xidhiidh toos ah, aniga oo si fiican ugu sharxay dulucda uu daaranyahay hal-ku-dhiga mowduucani, si fiican ayuu Abwaanku u soo dhaweeyey dalabkaygii. Laakiin waxa uu ka cudurdaaray in aanu i soo gaadhi karayn oo uu burco ku sugan yahay. Waxaan ku celiyey in uu ii soo sheego ciwaan aan ugu hagaajiyo su’aalaha gogol-xaadhka u ah xog-uruurinta mowduuca, inkasta oo Abwaanku tibaaxay in aanu isagu lahayn ciwaan u gaar ah, hadana waxa uu ii soo sheegay ciwaan ama Email uu leeyahay Inan Burco jooga oo wixii u dirayo aan isaga ugu hagaajin karo.

Waxa ay ahayd maalin Salaasa ah oo bisha September-na ahayd 18 sanadkuna 2007-da abaaro 11-kii subaxnimo, markii ugu horaysay ee aan Abwaanka u gudbiyey su’alihii aan ugu talo-galay xog-uruurinta mowduuca. Si toos ah ayaanay u gaadheen su’aalihii aan u diray, waana uu ii soo war-geliyey markii uu helay. Nasiib-darro’se, inkasta oo uu Abwaanku su’aalihii aan u diray uu si waafi ah oo ballaadhan u soo diyaariyey hadana may suurta-gelin in uu jawaabihii i soo gaadh-siiyo. Sababtuna waxa ay ahayd safar-dibadeed oo degdeg ah oo la soo gudboonaaday. Fursadaasina halkaas ayay ku hakatay.

Muddo ayaa ka soo wareegtay in aanu Awbwaanka din-is-u-helno, oo aanu halkii ka sii amba-qaadkoo xog-uruurintii mawduuca, aniga laftayda waxaa culays badan iga saarnaa jaamacada Hargaysa oo markaa aan dhamaynayay, ilsa markaana aan diyaarinayay buugii qalib-ejebinta. Dhamaan arrimahaasi waxa ay xagal-daaciyeen hor-u-socodkii iyo gardaadintii ka midho-dhalinta himilooyinka musdambeedka u ah “Hagar-daamada Nolosha Iyo Halabsiga Waqtiga.”

Dabcan, waxaa lagama maar-maan ah marka uu qof dan leeyahay ee dantaasi cid kaga xidhantahay in uu dhexda u xidho sidii uu u xaqiijin lahaa, in uu ka baaraan-dego sidii uu u jiidhi lahaa caqabahada ka soo horeeya ee jid-gooyada ku ah xaqiijinta himiladaas, in uu naftiisa waajib kaga dhigo sidii ay mujiin lahayd dulqaad, dadaal, firfircooni, furfurnaan, ku-dhac iyo geesi-no xad-dhaaf ah oo kaalin-mug leh ka qaata ka midho-dhalinta hawl-galka loo gol-leeyahay. Maaha in uu qofku meel-dhexe ku ban-jaro oo uu uga hadho ujeedadii uu lahaa arrin uu maarayn karayo oo uu xal-ka-gaadhi karayo, maaha in uu noqdo qofka guul-darradu ka xoog-weyn tahay, hasayeeshee waa in uu noqdaa mid isagu guul-darrada saameeya oo ka xoog-weyn, waana in uu leeyahay gaashaan uu markiisii hore ugu talo-galay in uu kaga gabado guul-dara. Sideedaba guul-darradu waa cadawga xaqiijinta ujeedooyinka iyo himilooyinka kala gedisan ee qofku hiigsanayo ama bar-tilmaameedsanayo in uu hanto.

Waxaan marka guda-galay in aan dib u amba-qaado hawl-galkii xog-uruurinta mawduuca, aniga mar kale dib xidhiidh ula sameeyey Abwaan Hadraadi oo isla markaana ku sugnaa. Waxaa la yidi ‘Daacadi ma hungowda’e,’ mar keliya ayaan farxad aad u weyn dareemay, oo aan gar-waaqsaday in ujeedadaydii ii meel-martay, hadafkii aan ka lahaa Abwaanku ay suurta-gashay. “Adeero waxaa-baan soo socdaa Berbera agagaarkeeda oo Hargaysa ayaan ku soo socdaa.” Ayuu iigu jawaabay Abwaan Hadraawi markii aan garaacay telfoonkiisa gacanta, hadalkaasi si weyn ayuu ii deeqay, oo waxa uu meesha ka saaray werwerkii iyo fikirkii iga dhex-guuxayey, ee ahaa “Waa in aad Buco tagaa ilayn xal-kale oo aad samaysaa mijiro’e.” Waxaana Abwaanku ii sheegay in uu hal todobaad Hargaysa joogayo, isla markaana uu dib ugu noqonayo Burco. Waxaan markii-ba gudagalay in aan diyaarsado agabkaygii iyo qorshahii aan kula kulmi lahaa Abwaanka iyo in aan Todobaadkii uu Hargaysa ila joogo ka faa’idaysto.

Waxay ahayd maalinimo Khamiisa, bishuna ahayd 12/6/2008 abaaro 10-kii subaxnimo, Goobtuna waxay ahayd Hutel Imperial ee Magaalada Hargeysa. Waxaan nasiib u yeeshay in aan la kulmo Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) oo noqday qofkii aqoonyahan ah ee u horeeyay ee aan mowduucan u bandhigay, isla markaana jawaabo ka bixiyay su’aalo si qumaati ah u abbaarayay nuxurka Mawduucu ku qotomo.

Salaan iyo wada-hal kooban ka dib, waxaanu si toos ah u guda-galnay falanqaynta iyo ka xog-bixinta su’aalihii aan u dejiyay madaduuca la magac-baxay “HAGAR-DAAMADA NOLOSHA IYO HALABSIGA WAKHTIGA.”

Su’aashii ugu horaysay ee aan hog-dhigayna waxa ay ahayd; waa maxamay Hagar-daamada Noloshu?’

Waxa uu Abwaanku su’aashaas kaga jawaabay oo uu yidhi “Bal marka hore aan idhaahdo, Hagar-daamada Nolosha, ereyga Hagar-daamo waa laba kelmadood oo isku lifaaqan Af-Soomaali ahaan. Hagari waxay ka soo jeedaa, waad i hagratay, wixii ku hagrada ama xaq iyo waajib aad ku leedahay aan ku siinin, oo ayaad odhanaysaa waad i hagratay.Daamo-na waa waxyeello. Haddii aan sidaa u macneeyo labadaa kelmadood, nolosha hagar-daamadeedu, dhibaatadeeda ama waxyeelladeedu way iska Wejiyo badan tahay badiba oo sababo badan baa keena Hagar-daamadeeda. Laakiin inta aasaasiga ah haddii aan si kooban uga jawaabo, horta marka ugu horraysa adigaa garanaya waxa Kashaada jira, siday su’aalahani kuugu dhasheen iyo waxa ka dambeeya ama raar-yaalka ka dambeeya su’aalahaagan. Kollay Adiga wax baa kugu maqan oo dareen baa jira ku saameeyay oo arrimahaa ka mid ah. Laakiin, jawaabta laba siyood uun baan u dhigayaa, marka ugu horraysa Noloshu waa imtixaan, waxa Ifka laynoo keenay oo aynu u joognaa waa imtixaan. Ereyga Noloshu waa mid aad iyo aad u culus, markaa su’aashaa nolosha ku saabsani waxay u baahan tahay xaqa ay leedahay in la siiyo oo si fiican loogu diyaar garoobo, balse aan marka ugu horraysa ka jawaabo su’aasha ku saabsan Hagar-daamada ama Nolosha. Aan kaga jawaabo oo aan mar kale idhaahdo, waxaynu Ifka u joognaa waa Imtixaan oo noloshu waa imtixaan, haddii aynu Ilaahay iyo Noloshan sababaha uu u abuuray iyo waxa laynoo dhex keenay, wuxuu inaga rabo iyo waxa abaal-gudka noqonaya rumaysanahay oo aynu Nolosha runteeda hayno, ma jiraan wax dhibaato ahi, dhibaato qofka kaga qaylasiisaa ma jirto.

Jawaabta su’aashani waxa ugu horreeya oo qodobka koowaad yahay, ma garanayno sababta Nolosha laynoo dhex-keenay oo aynu joogno oo Ilaahay waxa uu uga jeedo ayaynaan garanaynin, halkaas ayay dhibaatada ugu wayni ka imanaysaa. Aan ku soo noqdo tii ahayd Noloshu waa imtixaan oo macnaheedu yahay, waxa lagu hor dhigayaa oo lagu saarayaa waajib lagaa doonayo in aad gudato oo sidii Ilaahay yidhi aad u gudato, si aad adduunkana dhibta uga badbaado, aakhirana uga badbaaddo. Waajibkaana markaynu gudano abaal-marintiisa iyo abaal-gudkiisa Ilaahay aynu ka helno if iyo aakhiraba. Haddii waajibkaa la gudan waayo markaa, bahal bay kugu noqonaysaa (Noloshu), way ku dhibaysaa oo haddii waddada lagu yidhi u mar Nolosha si aad u hesho macaankeeda, dhadhankeeda iyo runteeda waddo ayay leedahay loo maro. Haddaad waddadaa marto xitaa xannuunkeedu waa macaan oo ku damqi maayo, waayo sababta aad xanuunkeeda u aqbalayso ee aad ugu raaxaysanaysaa waxa weeye garashada abaal-gudka. Markaa Sayid Cabdi-shakuurow [C/shakuur Heersare] marka hore waxa weeye Noloshu imtixaankaa, sababo ayay leedahay, dhibaatooyin baa lagu hordhigayaa, turraan-turrooyin baa lagu hor dhigayaa, marba dhinac bay kaaga imanaysaa. Markaad mid ka jawaabtaba, mid tii hore ka culus ayaa lagu soo hordhigayaa, waxa lagu odhanayaa bal tanna isku day, markaad taa ka gudubto, mid labadiiba ka sii culus ayaa lagu hordhigayaa oo maalin walba waxa la korinayaa Iimaankaaga, dedaalkaaga, garashadaada nolosha, fikirkaaga. Waynu garanaynaa halka Dugsiyadaba haddaynu ka galno, marka aad fasalka koowaad ka gudubto, ka labaad wuu ka sii adag yahay, ka saddexaad ka sii culus oo ilaa aynu halka u dambaysa iyo Jaamacadaha ka baxno. Tani waa caynkaas oo waa imtixaan oo waa taa la doonayo in lagugu yool-baadho oo daboolka laga qaado inta aad kari karto iyo Awoodahaaga, sabirkaaga, Iimaankaaga, ku-dhacaaga, adkaysigaaga iyo raganimadaada. Markaa haddii aanad u marin waddadaa wax walba kuu fududaynaysa ee kuu macaanaynaysa ee aad ku raaxaysanayso xitaa haddii ay adag tahay (Noloshu), macnaheedu waxa weeye marinkii baad ka leexatay tooska ahaa iyo hillinkii lagala xidhiidhayay Nolosha. Waxaad geftay oo aad khaladay waddadii loo marayay Nolosha. Taasi taa weeyaan, asaasiga noloshu waa in laynoo keenay imtixaan la doonayo in aynu ka jawaabno, si aad uga jawaabtana marin bay leedahaye waa in aad marinkeeda baadi-doonto oo albaabka loo maro ee fududaynaya muraadadaada ee ku jeclaysiinaya Nolosha iyo baadi-doonkeeda waa in aad heshaa. Taasi waa su’aal ee intaa aan ku dhaafo marka aan sidaa u soo ururiyo (jawaabteeda).

Haddii aad qalado waad ku dhibaatoonaysaa oo way ku daalinaysaa, waad nacaysaa oo waad is-nacaysaa, way ku dhibaysaa oo intay ku dhibayso u dul qaadi maysid. Dabadeed, fal-celin qalad ah ayaad bixinaysaa, mana jiro xamilkii iyo adkaysigii aad garan lahayd halka ay dhibtani ka timi iyo waxa laguu dhibayaa waxay tahay. Haddii aad garan waydana, fal-celinta aad samaysaa waxay noqonaysaa mid waxyeello weyn dib kuugu keenta. Waa xaaladda maanta lagu sugan yahay oo nolosheeda ayaynu ka garanaynaa maanta. ‘Noloshii way madowdahay, marin-seegal baa yaal, mahadhooyin baa yaal iyo maaro faro-badan’ ayaa ku jirtay Maanso Maansooyinka ka mid ah. Ereyga marin-seegal waxay ka dhigan tahay Jidkiibaa baa la seegay. Intaas oo dhami waxay dhacdaa marka waddada la seego oo halkii lagu yidhi u mar iyo qalabkii lagugu yidhi adeegso adigoon sidan, aad is-tidhaahdo baadi-doon gal. Markaa taasi taa weeye.

Si kale ayay ku timaaddaa dhibaatadu, malaha qodobka aasaasiga ahi waa tane, haddii aad kaligaa waddada hayso oo umadda inteeda karaamada lehi aanay waddada haynin, inta aan waddada hayni, waddada aad haysay cadow ku noqonaysaa. Wadadu waxay kuu fududaynaysaa oo imtixaankan in aad ka jawaabtaa wuxuu kuu fududaanayaa oo wax waliba dur-duro kuu noqonayaan, marka baadi-doonka, aragtida iyo ufuqa laga siman yahay, marka garashadu milgan tahay ee ay dadka oo dhan ku wada jirto. Laakiin, haddii aad kaligaa wax garato ama in yari wax garato oo inta aan waxba garani ay ka badan tahay, inta aan waxba garan baa hafinaysa adiga waajibaadkaagii oo kugu noqonaysaa turun-turo iyo carqalad oo iska kaa hortaagta gudashada waajibkaaga. Taasi waa mid aasaasi ah, waana mid muhiim ah. Sidaas ayaa loo yidhaahdaa, adigu marka aad isa-saxdo horta wax kale ha ku dhaqaaqine waxaad baadi-doontaa in aad umadda saxdo. U gunto si ay kuugu suurowdo in aad imtixaankaa ka jawaabto, waajibka ku hor yaalaa waxa weeye in aad inta kale Muslimisaa, si aanay mushkilad kuugu noqon, si aanay arrintaada u soo faro-gelin oo aanay cadow ugu noqon. Meeshan waxa ka jira in qofku haddii uu tuug yahay wuxuu aad u jecel yahay in dadkoo dhami ay tuug noqdaan, si aan Tuugnimada isaga kaligii loogu caayin oo aan loogu cambaarayn. ‘Abwaan Qaasim baan xusuustaa oo mar yidhi “Garacyalay Haween, Naag marwo ah way ka gubataaye, mid sideeda gudo haawatay, gogosha siisaaye.’ Qofka Dumar ah ee xumaataa, ta dhawrsoon ee Sharafta lehi way dhibtaa oo way neceb tahay, waxaanay jeceshahay in ay sideeda noqoto (xumaato), si aan iyada kaligeed loogu caayin oo aan loogu xaman oon loogu nicin.

Markaa dee Cabdi-shakuurow ta ku hor taalaa waxa weeye, haddaad doonayso in aad waajibkaaga noloshaada ka gudato oo aad si hufan oo macno leh uga gudato, isla markaana gudashadu kuu fududaato, su’aalaha ballaadhan ee la doonayo in aad ka jawaabtaa waxa weeye;-

1-Diyaar ma tahay Adigu oo su’aalahan aad soo bandhigtay Diyaar ma u tahay in aad gudato?

2-Ilaa heerkee baad diyaar u tahay Adigu inaad waajib gudato?

3-Haddii aad diyaar tahay, ma garanaysaa duruufaha kugu xeeran?

4-Ma garanaysaa sida dhabbada loo xaadho?

Horta Adigu diyaar-garow oo su’aalahaas ka jawaab, una diyaar-garow in waddada toos ah ee Nolosha loo maro ee badbaadada keenta ee abaal-marinta qofku raallida ku noqdo keenta aad kasbato. Inta aanad waxba kale islaaxin, horta adigu naftaada ka bilow oo islaaxi oo meel ku xidh. Taada diyaar garee, maalinta aad taada diyaar-garayso weli kamaad jawaabin su’aashii oo jawaabaheedii ma haysid. Markaad diyaar-garowdo, tallaabada labaad waxa weeye in aad samayso abaabul ku saabsan intii cadowga kugu noqon lahayd inay rafiiq kuu noqoto, walaal kula noqoto, Gacan Midig kuu noqoto, inay hawlahaaga kugu raacdo, inay kugu barbar-istaagto, inay kula baadi-doonto oo ay kuu fududayso gudashada waajibaadkaaga. Markaa waxa ku hor taala aslaaxaa guud iyo inay umaddu sidaada wada noqoto, si hawlahaagu u fududaadaan, si aanay turun-turro u jirin oo aan cadow laguugu noqon, waayo qofka wax qabanaya waxa la odhanayaa waa Istus, ujeedduu ka leeyahay iyo cid baa soo diratay. Waxaas oo dhan waxa weeye, dadku markay nolosha ku guul-darraystaan ma rabaan cid kuu guulaysata. Maanta haddaad is-tidhaahdo Guddaafad meel ka qaad, waxa lagu odhanayaa wax buu uga jeedaa oo wax buu ku soo qaatay. Markaa dhaqankaasi waa dhaqanka maanta jira, wuxuu ka yimi faqriga iyo camal-la’aanta, dadku markay quus gaadhaan ee ay nolosha ku guul-darraystaan ee gaadhi waayaan, kana jawaabi waayaan su’aalaha adag ee ay ka doortaan inay baadiyoobaan, markaas weeye marka qofka is-yidhaahda wax qabo-na aanay u suurtogelin ee ay cadowga ku noqdaan oo ay is-hortaagaan.

Laba su’aalood baa isku kaa daba yaala; kow in aad taada meel ku ogaato, marka aad meel ku ogaatana tii ka sii cuslayd baa kuu hadhay oo islaaxu wuu kuu suurtogalayaa markay umadda oo dhami wanaagga jeceshahay, markaa taas ayaad u abaabul samaynaysaa. Marka hore qof hel, labee, toban ha noqdaan, labaatan ha noqdaan, waddadaasi way dheer tahay, waxa la doonaya meel aad gaadho oo marka tirada umadda la kala qaybiyo ee lays bar-bar-dhigo ay 60%, yacnii had iyo goor dadka in xun iyo in wanaagsani way jiraan, laakiin mar baa inta xun ayaa ka badan inta wanaagsan oo iyadaa gacanta sare leh, marna inta badan baa wanaagsanoo ka adag inta xun, waa labadaa dhinac oo waa xumo iyo samo oo marba dhinac baa ka kale amar siinaya. Waad ogtihiin oo imika waxa lagu jiifaa waa nafta dhinicii wanaagsanaa baa laga adag yahay oo dhicinii xumaa baa adag, dagaalka aad galaysaa wuxuu u jeedaa in aad dhinaca wanaagsan soo sarraysiiso. Haddii aad adigu taadii soo sarraysiisasay, mujtamicii ay ku xidhnaayeen fulinta muraadadaadu maaha sidaas. Markaa waa waqti dheer, waa waddo dheer oo waxay u baahan tahay niyad adag oo cajiib ah, waxaas oo dhan waxa ka adag inaad marka hore Cabdishakuurow garato waxaad doonayso iyo waxaad doonaysaa waxay ku xidhan tahay. Waxaad doonaysaa wanaag, wanaagu adiguu kugu xidhan yahay, adigu inaad marka hore qof wanaagsan noqoto. Dabadeed, waxaad u baahan tahay in dadku dad wanaagsan noqdaan, si hawlahaagaasi kuugu fulaan.”

Waxaan Abwaanka sii waydiiyey in uu isku yara dul-taago su’aasha ah; Hagar-daamada Noloshu maxay ka dhalataa?

Waxaana uu si kooban ugu jawaabay “Waxay ka dhalataa faham-la’aanta aanad fahmin Nolosha iyo shuruudaha ku xidhan oo intii aan akhriyay ayaa u jawaab ah.”

War kale waxaan Abwaan Hadraawi waydiiyey; Waa maxay noocyada Hagar-daamada Noloshu?

Su’aashana waxa uu kaga jawaabay oo uu yidhi “Waa inay tahay mid adiga kaa timaadda oo sababtoo ah diyaar ma tihid ama waa mid adigu kaligaa inta aad is-dhistay oo waajibkii garatay aad dabadeedna tidhaahdo marka dhibaato timaaddo, maxay u timi dhibaatadani? Waxay u iimanaysaa dadkii baan diyaar ahayn oo aad gooni uga baxday, macnana ma samaynayso in aad dadka gooni uga dhex-baxdo oo aad tidhaahdo waxani dad maahoo waxba noqon maayaan ee iskaga dhex-bax oo aad fallaagowdo. Taasi macno samayn mayso, waxa loo baahan yahay in dadka aad ku dhex jirto aad deristo heerkooda, mashaakilkooda, dhex-gasho, inaad dhisto oo aad toosiso oo maalin wada toosin kari mayside aad kolba qof hesho, maalinba-maalinta ka dambaysa tirada sii kordhiso, ilaa maalinta dambe ay tirada dadka wanaagsani badato oo ay ka adkaato inta xun. Taasina waa taacs.”

Waxaynu halkaas kaga soo gudbaynaa qaybtii la xidhiidhay Hagar-daamada Nolosha, oo aan filayo in aad si wax-ku-ool ah u dhugateen nuxurkii balaadhnaa ee Abwaanku in oo soo gudbinayay. Waxaana Abwaanku ka hadlay arrimo xaqiiqiyan ah oo wadanka ka taagan iyo nolosha dadka wadanka nooli sida ay tahay.

Imikana waxa aynu guda-gelaynaa qaybtii labaad ee mowduuca ee hal-ku-dhigeedu ahaa “Halabiga Waqtiga.” Oo xambaarsan faa’ido aad iyo aad muhiim ugu ah horumarka nolosha qaofka. Qaybtani waxa ay diirada saaraysaa dhinacyo isku lifaaqan oo is-kaabaya, waa marka koobaade waxa ay daaran tahay in qofku waqtiga ku xidhnaanado oo aanu ka dhicin, waa marka labaade waxa ay hogo-tusaalaynaysaa sida ugu sahlan ee qofku u tiigsankarayo ama uga daba-tegi karayo horumarka iyo hagaaga nolosha.

Waxa aynu u baahan-nahay in aynu ogaano su’aasha ah; Waa maxay Halabsiga Waqtiga?

Waxaa su’aashaas ka jawaabaya Abwaan Hadraawi oo hadalkiisa ku bilbaabay oo yidhi “Su’aashaa jawaabteedu si kooban waxa weeye, ereyga Halabsi horta wuxuu ka yimi waa Tiigsi, tusaale ahaan adiga oo fadhiya haddii lagu yidhaahdo shay halkaa sudhan halabso, macnaheedu waa tiigso. Markaa haddii macnaha aad u jeedaa uu yahay in Nolosha aad doonayso in aad tiigsato, tiigsigaasi wuxuu keenayaa way ku dhaaftaye in aad ka daba tagto. Yacnihii waqtigii saxda ahaa ee ay ku habboonayd ee ay kula gudboonayd ee ay fududayd way ku dhaaftay, sababaha waxaaba laga yaabaa inaanad adigu lahayn. Laakiin, duruufaha jira ayaa sababay marka ay kula joogto iyo marka aanay kula joogin ee ay ku dhaafto way kala hawl badan tahay. Waqtiga qofka noocaas ahi uu baraarugaa waa waqti xadkii laga baxay, way ku dhaaftay oo way gudubtay. Markaa la barbar ordi kari maayo, madax la qabto oo aad kaga horraysaa adigu ma jiro, waad ka daba tegaysaa, ka daba-tagguna wuxuu keenayaa hawlo aad iyo aad u ballaadhan. Waxay fududayd markay dadku ahaayeen yar iyo weyn, waddaa jeexnayd oo qofka Umadda ku soo biira ee dhashaa aanu dhib kala kulmin waddada uu marayo. Ta jeexan oo sooyaal ah oo la dhigay oo nolosha markii la faaqiday la yidhi, sidaas ayay sax ku tahay, wax la baaxaa-degaba, wax la kacaba waxa la kufaba, markii dambe la helay dariiqii saxda ahayd, dabadeed la jeexay oo la yidhi imikaynu haynaa dariiqii nolosha ee saxda ahayd. Dabadeed, qofka dhashaa uu daba geli jiray wadda jeexan iyo dadkii ka waawaynaa ee Nolosha u dhigay Xeerarka. Qofku marka uu dhasho dadkii hoggaaminayay ee waddo jeexan iyo dad hoggaamiya oo waddada saxda ah kala taliya oo u sheega ayaa jiray oo aan Anigu soo gaadhay.

Maanta waxaad dhalateen wadadii iyadoo ay bandow tahay oo ay labaatan jirka iyo lixdan jirku isku mid yihiin xagga aragtida, xagga aqoonta iyo xagga raganimada. Markaa waxa kuu fiican inaad garato dadkii kuu fududayn lahaa gudashada waajibkaaga iyo waddadii jeexnayd ee aad tooska ugu dhici lahayd. Maanta waddada la doonayaa waa mid aad adigu samaynayso, waa mid aad Laami ka dhigayso oo aad Daamur ku shubayso, qodaxda iyo dhagaxa ka xaadhayso, iskuna dubba-ridayso. Laakiin, waqtiga aan anigu koray Waddo jeexan baa jirtay oo Laami ah oo aan dhib laga soo marayn si aad nolosha u halabsato oo aad ugu guulaysato. Waddadii 40-kii sanadood ee ugu dambeeyay ayay xidhantay, waad ogtahay maanta qarda-jeex baa lagu jiraa haddaad garanayso iyo haddii kaleba, qarda-jeexa meel lagu tegi maayee waxa khasab ah inaad waddadii ku soo noqoto, tii la dhigay ee boqollaalka sanadood saxmaysay ee qorqormaysay ee isku dubba-dhacday ee qofka hawlihiisa fududaynaysay, dhiirigelinaysay, niyadda u dhisaysay ee lahayd soo soco, ayaan jirin. WADADA MAANTA JIRTAA WAA WADA QODXAAN, WAA WADA DHAGXAAN, LAAMIDAN UUN KA SOO QAAD IYO MAGAALADA HARGEYSA, WAADIGA ARKAY OO MEEL WALBA BIR BAA TAALA, MEEL WALBA BAC BAA TAALA, MEEL WALBA GUDDAAFAD IYO MUSHKILAD BAA TAALA. Ma jirto waddo toosan oo maanta la mari karayaa ee miyaad ku ogtahay waddanka, way xidhan yihiin waddooyinkii. Markaas waxaas oo waddooyin ah ayaa la doonayaa in la xaadho.

Markaa haddaad doonayso inaad halabsato nolosha, way xidhan tahay maanta waddadii, cid kaa wayn oo wax kugu biirinaysaana maanta ma jirto. Intii waa waynayd weeye inta maanta xumaha lagaga dayanayo, kii waynaa waa kaa qayilaya oo kii yaraa Qaadkii buu kaga dayanayaa, Sigaarkuu kaga dayanayaa, dhaqan-xumaduu kaga dayanayaa, Qabyaaladduu kaga dayanayaa, yacnii kii waynaa ee kan yar ku rabbayn lahaa siduu waajibkiisa u gudan lahaa, ayaa maanta turun-turro ku ah kii dhalinyarada ahaa. Maanta ayaan-darrada ugu wayni waxay haysataa inta badan dhalinyarada, cid ay talo ka qaataan, cid u jihaysa, cid wax ku kordhisa iyo cid wax ku biirisa aan midna hayn ee iyaga ay khasab ku tahay inay waddadooda jeexdaan. Waddo jeexan ma jirto oo kuwii hore aad ka dhaxashay oo maanta kuu fududaynaysa geeddigaaga. Laakiin, adigay kuu taalaa maanta in Wadadii saxda ahayd aad jeexato dhalinyarada maantaay. Waddadii waxa awday waa intii waawaynayd, waqtigan maantana idinkaa leh. Waqtigiinii waxa adkeeyay oo inaad waajib gudato waxa adkeeyay intii idinka waa-waynayd, ilaa talada ninka wayn aad ka leexataan oo tusaalaha ninka idinka wayn aad ka leexataan oo aad idinku waddo cusub jeexataan oo aad qaaddaan oo aad isu-timaaddaan oo aad dooddaan, isla markaana falan-qaysaan oo aad xalka raadisaan, cid maanta gacan idinka siinaysaa ma jirto oo garaad iyo caqli idinku dhaantaa. Da’du maaha in lagu kala wayn yahay sanaddada ee waa in lagu kala waynaadaa aqoonta. Qofku marka uu ku leeyahay qof wayn baan ahay, macnaheedu maaha in uu da’da kaaga wayn yahay ee waa in uu kaaga wayn yahay waayo-aragnimada iyo aqoonta. Bidaarta, Cirrada, Gadhka waxan oo dhami waxay caddeeyaan aqoon, ma macneeyaan waynaan. Nin bidaar leh ha is-odhan waxa ka soo saaray waa da’ ee waxa ka soo saaray aqoon oo aqoon bay Bidaartu ka soo jeeddaa, Gadhka wayni aqoon buu ka soo jeedaa. Maanta waxa dhacday nin saddexdiiba leh oo wax allaala wax uu kugu biirinayaa aanay jirin. Waa u kala waynaan uun xagga da’da ah oo wax intaas dhaafsiisani aanay jirin.

Markaa waxaan doonayaa in inkasta oo ay xanuun badan tahay aad haddana garato xaqiiqooyinka hor yaala oo taas ah. Maanta haddaad dhalinyaro tihiin waxaad u baahan tihiin in aad waddo cusub jeexataan oo aad ka baydhaan tan ay buuxisay Guddaafadda, Qashinka iyo mashaakilku ee lama-galaayga ah ee intii waawaynayd baabi’isay. Waa inaad jeexataan waddo nolol macno leh kuu hoggaaminaysa oo niyaddaada dhisaysa oo dareenkaaga dhisaysa oo aad raalli ku noqonayso, kuuna suuro-gelinaysa in aad wax qabato oo aad ku faraxdo waxaad qabatay, dabadeedna Adiga oo raali ah aad habeenkii seexato.

Markaa ereygan HALABSIGA WAQTIGA, waqtiga la tiigsan jiray wuxuu ahaa waqtiga kii kaa horreeyay ee Waddada jeexay ee ku hoggaaminaya oo sii socda aad daba-gasho ayaa waxay ahayd halabsi. Maanta tii ma jirto oo way xidhan tahay, markaa calaa-kulli-xaal waxa idin hor taala inaad waddo cusub jeexataan, si aad u jeexataan waddo cusub kulamo badan ayaad u baahan tihiin. Inta waawayn ee ka fayow cuduradaa iyada ah inaad u yeedhataan baa u baahan tihiin, inaad horta idinku is-dhistaan oo aad wax urursataan oo dadka intii macno leh aad wax kala baxdaan oo dabadeedna tilmaamo iyo tusaalooyin idin siiyaan ayaad u baahan tihiin.”

Su’aasha labaga yaabo inaad si waydiisnaysaan waxa ay tahay; Maxay kala yihiin qaababka halabsiga waqtigu, bal jawaabta su’aashaas aynu ku soo dhawayno Abwaan Hadraawi, “Waa laba qaab oo midi waa ka taban, midina waa ka togan, labadaas qaab ayuun buu leeyahay waqtigu. Waa qaab gurracan oo aan waxba dhalin, waxbana aanad dhalin Karin. Labadaa jid uun weeye, waa kaa tooska ah ee wax-ku-oolka ah ee aad adigu jeexato ama isaga oo jeexan aad ku soo biirto, midina waa kaa qalloocan. Maanta haddaad raacdo odaygaan kuu sheegay tiisa, way kuu dhammaatay. Waddadii la mari jiray maanta waa mid qalloocan oo xas baa yaala oo inta (Dadka) waawayn baa aastay oo dhagxaan dhigtay, waxaanay u dhigeen si aanad adigu isaga ka xidhiidh-furan oo aanad ka madax-bannaanaan qofka caynkaas ah ee kharibay ee baab’biyay (Waddadii nolosha) oo aad ag-fadhido oo aad Maskaxdiisa faasidka ah waligii ag-fadhido. Waxaan jecelahay in aan halkan idiinku soo gudbiyo Gabayga la yidhaahdo RAG SIYAASI WADA NOQOY oo si fiican kuugu fududayn lahaa inaad garato su’aalaha iyo waajibaadka ku hor yaala. Ninkani ma doonayo in aad ka xorowdo oo aad ka leexato ee wuxuu doonayaa in aad ku xidhnaato oo uu kugu qadhaabto. Markaa haddaanad ka xoroobin oo aanad ka xidhiidh furan wax kuu suurta-gelayaa ma jirayso.”

Mar kale Abwaanka waxaan su’aalay in uu qadar taafaasiil ah ka bixiyo caqabadaha ugu daran ee ka hor yimaada halabsiga waqtiga, waxaana uu ku jawaabay “Caqabaduhu wax kale maaha ee waa adiga oo qaldama iyo Ummada oo iskaa hortaagta, waana ta maanta jirta, oo caqabadu waa dadka waa weyn, dooni maayaan in aad xaqiiqada hesho oo aad dantaada fushato, ee waxa ay doonayaan in ay maskaxda iyo aqoontaba kuu hayaan oo aad wax waydiiso, oo aad daba-gasho, dabeetaana ku ambiyo, intaas yuum-buu [waa qofka weyne] maanta kari karayaa.”

Waxaa muhiim ah in la ogaado sida ugu madan ee dadka loogu jihayn karo halabsiga waqtiga, bal aynu Abwaan Hadraawi u gudbino arrintan-na waxa uu ka odhanayo, “Waxaa loogu jihayn karaa in dadka wacyi-gelin iyo hogo-tusaalayn badan oo la xidhiidha arrintan in la siiyo, in aad loo caddeeyo faa’iyooyinka xaqiiqiga ah ee wakhtigu leeyahay, in qof kasta gaarkiisa loo dareesnsiiyo in noloshiisu iyo waqtigiisu-ba cayimanyihiin, in uu duniyadan ka tegayo, oo waxa uu inta uu nool yahay shaqaysto ee camal wanaagsan ah in lagu abaal-marinayo.

Waxaa kaloo loogu jihayn karaa in dadku ku baraarugaan in noloshu waqtiga tahay, waqtiguna uu nolosha yahay, oo aanay kala maarmi Karin. Haddii uu qofku waqtigiisa maamusho, waxaa hubaal ah in noloshiisu noqonayso mid horurmarsa oo waajibkeedii gudatay. Waad ganaysaa in maanta dadku jihayn u baahan yahay, waayo dadkii ayuu wax kaaga xidhan yahay, waxaana loo baahan yahay in aad hogaamiso, Haddii aad doonayso in aad hogaamisana horta adigu hogaamiye noqono ayaa ku hortaala, oo kii hogaamin lahaa ma tahay adigu, haddii aanad ahayn waad noqon karaysaaye u diyaar garaw oo samee uun waddada, oo adigu inta kale ee da’daada ah u yeedh ilayn adiga keligaa dadaalkaagu socon karimaayee, oo tashada’oo ragganimo sameeya, oo midhadhka fiican u yeedha ha’idiin taarikheeyaane.

Waxaan aad u faraxsanaan lahaa, aniga oo haysta 100 dhalinyaro ah oo meel ka soo wada jeeda [isku ujeedo ah] aan anigu hor nimaado oo aan is idhaahdo ‘allaylee waajib-baad gudatay. Waayo cidda maanta xaqoodii lumay waa dhalinyarada, xaqii ay ku lahaayeen inta waa-weyn cidda aan haysani waa dhalinyarada. Waa kaa Aabihii qayilaya ee hunguriga iyo siyaasada ku foogan, waakaa qabiilka ku foogan. Markaa meel allaale iyo meel aad u dhaqaaqdo garanmaysid [Waa qofka dhalinyada ah]. Anigu waxaan dhashay iyada oo waddadu jeexantahay oo la iga horeeyo oo kaa iga horeeya ee igaa weyn aan daba-galo, markaas ayay noloshu macne samaysaa. Laakiin maanta waddadaas xidhan ayaa loo baahan yahay in aad furtaan, isla markaa in aad mid cusub jeexataan. Markaa waan jeclaan lahaa idinka [dhalinyarta] oo 100 ama 200 amaba 300 ah inaan hor imaado, oo aan si faahfaan idiinka waramo halkii aan nolosha ka bilaabay iyo markii aan dhashay sida ay noloshu ahayd iyo waxa bedelay oo dhan aan idiin taxo, oo shalay [waqtigii hore] iyo maanta aan isugu kiin xidho, dabateedana ay fududaato gudashada waajibkiinu. Markaa insha’alaahu way iman doontaa, oo dabka hulaaqaa [shidmaa] dhimbiilbuu ka bilaabmaa, dabeetana dhimbiishaasaa dhimbiil sii gaadha oo hadana qori sii gaadha ilaa uu dabku Sidaa ku shimdo, oo xaalada la shidaa sida uu u fido waad aragteen.

Waxaa arrin kale oo mhiim ah in la ogaado jawaabta su’aashan soo socota; Sidee baa loo samayn karaa qorshe ku aadan halabsiga waqtiga?

Su’aana Abwaan Hadraawi waxa uu kaga jawaabau “Waa in adigu marka hore dadka saamaysaa, oo dhalinyarada aan kuu sheegayo adigu samee, sidee baad u saamaynaysaa, maxaad ku saamaynaysaa. Waxaad ku saamanaysaa aragti iyo aqoon, oo dadku waa in ay fikradaada u guuxaan, oo dhaqankaagu cajabiyo, waa in aad fikradaada liqsiin karto, waana in ay horta ku aaminaan, oo ay kugu aaminaan in aad tahay qof nadiif ah, oo aan isagu khiyaano u socon ama faa’idooyin gaar ah doonayn, intaas ayuum-baa lagaa rabaa adiga. Qofka aad doonayso in uu ku raaco horta waa in ay cajabiso shakhsiyadaadu deeqdo, bal hawsha iyo camal-kuba ha dambeeyaane, waa in qofka dhaqankaaga, hufnaantaada, dadnimadaada iyo wanaagaaguba deeqaan, ilayn qofku wuu ku eegayaaye. Horta marka ugu horaysa waxaa laga bilaabaa hugiisa [Maryaha aad xidhantahay, nadaafadaada sida aad u sugayso marka lagula hadlayo ee aad wax u dhegaysanjayso, sida aad uga jawaabayso ee aan is-tuska lahayn, ee aan danta lahayn, ee aan doqoniinada lahayn, waxaas oo dhan ayaa horta la dhisaa si sakhsiyadaadu u noqoto mid horumarsan oo muqaalkaas leh. Waxaas oo dhan-na waxaa looga golleeyay waa in marka ugu horeysa qofka ay qofnimadaadu deeqdaa oo uu ku aaminaa, oo waa in aad noqotaan sidii laba qof oo la isku laxaamaday. Markaa waxaa la doonayaa waa in aad dadka kasbataa, si aad dadka u kastabatana horta waa in aad qofnimadaada dhisdaa, oo ay kugu bartaan run, daacadnimo, miyir [degenaansho], sabi, isla markaana kugu bartaan in aad diyaar u tahay in aad wax qabasho iyo hawk ee aa aanad afka uun ka lahayn iyo welina baadi-doon. Yacniiyey waa in aad dadka hortaagtaa adiga oo dhisan, oo dhisidaa aad dhisantahay-na ay dadka soo jiidata. dabadeed-na aad ciidan u hesho waajibaadkaaga iyo hawlahaaga.

Mar kale Abwaanka waxaan su’aalay: Sideebase dadka loogu jihayn karaa halabsiga waqtiga? Waxa uu su’aashaana kaga jwaabay oo uu yidhi “Waa adiga oo dadka dhisa oo ay weliba ku aaminaan, camal iyo dadaal kugu bartaan, anshax iyo usluub kugu bataan, run iyo daacad kugu barta, horta cajabi dadka oo qofnimadaada ha jeclaadaan, oo wanaag ha kugu jeclaadaan,

Waxaa hadana waxan aan sii waydiiyey Abwaan Maxamed Ibraahim Warsane [Hadraawi], Maxaase ka mid ah hababka ugu haboon ee dadka loogu sheegi karo halabsiga waqtiga? Waxa uu ku jawaabay “Horta waa in aad xaqiiqooyin uga waranto, waa in aad aftahamo leedahay, oo qofka hadalka aad ku leedahay aad dareensiin karaysro. Waxaana la yidhaahdaa aftamahada iyo aqoontu way isku xidhanyihiin, oo aftahamadu waxa ay ku jirtaa aqoonta. Waxaa weeye waxa aad ka fiirsanaysaa sida aad erayga u dhigayso, miyirka aad u odhonayso iyo runta aad u odhanayso.

Cabdishakuruuraw intaas oo dhan ee aad i waydiinaysaa waa wax dareenkaaga ku jirtaa. Waayo waxaad arkaysaa in ay mushkiladi jirto, oo mushkiladaa jirtaad xal u raadinaysaa, xalkii aad u raadinaysayna wadigan dadka ka raadinaya. Ha isku cuslayn oo wax adag ha ka dhigin, ee adigu horta soo diyaar garaw hawl-baa imanaysa, socod-baa imanaya, baadi-doon-baa imanaya, gaajaa imanaysa, harraad-baa imanaya, turaanturo lagu turaanteeyo ayaa imanaysa, adkaysi iyo ku-dhac ayaa lagaaga baahan yahay. Waxaad mararka qaar maqlaysaa ‘qofkaa hebel waa qof kiini adag,’ markaa waxaa looga baahanyahay dhalinyarada noociinaas ah ee doonaysa in ay wadanka wax ka bedesho ee turunturooyinka, waxyeelooyinka, dhagxanta, quraaradaha iyo waxa idinku xeeran ee la doonayo in aad ka gudubtaan, waa in aad la timaadaan adkaysigii aad kaga gudbi lahaydeen.

Markaa calaa-kulli-xaal adigu wax kale hasamayn, oo yaanay kugu baahin ilayn hawl-kasta xilli ayaa la qabtaaye ha is-dhex-dhigin, ee horta imika adigu qofnimadaada soo dhis, oo dabeetana waxaad tidhaahdaa ‘way-kanoo diyaar ayaan ahaye xaggaan u dhaqaaqaa oo maxaan ku dhaqaaqaa?’

Waxaan doonayaa in aan kaaga waramo culayska ay leedahay caziimadu ama kiinigu [waa go’aan-qaashada dhabta ah ee adkaysigu ku lammaanyahay]. Waxaana aan doonayaa in aan kaaga sheekeeyo sida ugu muddan ee nafta loo qanciyo, si aan arrintaa dhab ahaanteeda kuugu soo bandhigana, waxaan rabaa in aan halkan kuugu soo gudbiyo qisada la xidhidhiidha muddadii aan ku xidhnaa Jeelka la yidhaahdo Qansax-dheere:-

Aniga oo katiinadaysan ayaa habeen-madaw la’i-qaaday oo la’i-geeyey meel la yidhaaho QANSAX-DHEEXE, oo dad qaawanoo aanan afkooda garanayni ku nool yihiin, oo aan xabsi iyo sal-dhig boolis midna lahayn, qol-yar ayaa la’i-geliyey. Markii aan qolkii galay ayaan is-dhex-taagay, aniga oo isla hadlaya oo aanay cidkale ila-joogin ayaan is-idhi ‘Halkaas ayaad maanta taagan tahay, inaad sannad halkaas ku jirtaa dhici karaysa, inaad toban ku jirtaad dhici karaysa, inaad soddon jirtaad dhici karays.’ Ilayn marka hore ayaa caziimadaada la adkeeyaa, si aan lagaaga dareemin wax nac-nac ah, qaylo, buuq iyo wareer-toona, halkaas oo kalena [xabsiga] waxaa laguugu xidhayaa oo inta lagaa doonayo ah in aad nac-naclayso oo aad tidhaahdid “Ha la’i sii daayo …Aabo Siyaad.” Waxaa halkaas laguu gaynayaa-na waxa weeye, si marka aad xamili waydo aad is-u-dhiibtid, oo inta aad xammili waydo dabeetana inta aad qayliso aad tidhaahdid “Ha la’iga sooray wax walba waan ogalaye.” Dabeetana waxaan is-idhi “Soo xaaqiiqo ma’aha in halkaas lagu keenay oo maanta keligaa ayaad qolkaa yar ku jirto. Waxba nolosha ha dhibsane caalam ka dhigo, oo qolkaa yar dunidii ballaadhnayd ka dhigo, oo mar iskuul ka dhiga’oo wax ku akhriso, mar Masaajid ka dhiga’oo sallaada ku tuko. Mar-ba waxaad doonto ka dhigo.”Ayaan naftaydii markii aan la shirayay ku qanciyey. Wallaahi been kuu sheegi maayee, waxaan ka carayey in aan meesha dhibsado, dabeetana laba mid uun ay igu dhacdo; in aan waasho iyo in aan is-dhiibo. Taasina waa ta maanta dhalinyadiina idin hortaala, waa in aad waalataan oo waxaas raacdaan oo qashinkaa iyo kuddaafadaas ku biirtaan iyo in aad is-dhiibtaan.

Dabeetana waxaan i-idhi uun waxaa kuugu daran adiga oo qayliya oo yidhaahda “Ha la’i sii daayo iyo nac-nac kale,” intaasina waa intii la iga rabay si la ii sii daayo. Karaamaduna waa shay qaali ah oo maaha wax si fudud looga tanaasuli karo. Markaasaa….waa halkii iigu horaysay ee aan Salaada ku bilaabay, waa meeshii iigu horaysay ee aan qur’aan akhriska ku bilaabay, Shan sannadood ayaan qolkaa yar la soo jiifay [waa 1972-77]. Meesha [xabsiga] waxaa iman jiray Golaha sare ee kacaanka, oo marka aan arko siigada baabuurtooda ilayn waa meel yaroo cidlo ah’e ayaan qolkayga yar hoosta ka xidhan jiray, way yimaadaanoo qaar-baa yidhaahda “Waar ninkii la sheegayey ee la lahaa meesha ayuu ku xidhan yahay mee?” markaasaa la yidhaahdaa “Waa ka qolkan yar ku jira.” Saddex kooxood ayay u qayb-sanaayeen raggaas meesha imanayaa, qolo odhanaysay markay meesha yimaadaan “Waar bal ninkaa aanu soo sallaanee noo fura.” Markaasaa loo furaa oo ay ii soo galaan, qolona waxa ay odhonaysay “Waar bal aanu ninka cabbaar la sheekaysannee halkan bannaanka noogu yeedha.”Iyo qaar inta ay hawlahooda gutaan iska-taga, marka ugu dambaysa haday ii soo galaan waxa ay igu yidhaahdaa “Waar maxaanu kaa qaadnaa oo aanu kaa gaadhsiinaa Madaxweyenihii [Waa siyaas Bare’e].” Waxaan ku odhan jiray “Wallay iga tahay…..waxaad iga qaadaan oo aad iga gaysaaan wallaanay jirin.” Ma doonayo in uu iga baxo hadal la rog-rogo oo macne kale loo sameeyo, in marka aan hadalayo la’iga dareemo nacasnimo iyo in aa jeclahay in la’i sii daayo, nac-nac iyo waxaas oo dhan ayaan iska ilaalinayaa.

Aniga oo saddex sannadood iyo badh xidhan ayaa Nin Kabtan Pilot ah la’ii keenay, oo ka mid ahaa dhawrkii ugu fiicnaa Dayaaradaha dagaalka, waxaana la soo qabtay isaga oo xafiiskii fadhiya oo dirayskiisii gashan ayaa la soo dhaadhiciyey. Dabeeta-na goor galab ah ayaa ninkii la’iigu keenay meeshii, markaan arkay ayaan is-idhi malaa ninkani waa DG cusub oo la soo bedelay, waa goor maqrib ku dhawaad ah waa ilaa abaaro shantii, markii la keenay ayaan goor dambe ogaaday in ninku-ba maxbuus yahay, waa maxbuuskii labaad ee meesha la keno oo anigaa kow ahaa. Qolka igu xiga ayaa la geliyey, waanu kulannayoo dee meeshaas ayaanu ku wada jirnaa. Ninkii todoba maalmood markii uu joogay ayaan arkay isaga oo isla hadlaya, kolkaas ayaan doonay in aan la hadlo’oo wax u sheego, waxaan ku idhi “Waar miyaanad arkayn Ninkaygan saddexda sannadood iyo badhka xidhnaa ee imika inta uu dib u sii xidhnaananayo aan ka war-hayn.” Waa todoba cisho oo qudha ah markaan arkay isaga kacsan oo isla-hadlaya, waxaan aad u doonay in aan u sheekeeyo’oo, u caqli-celiyo oo aan dejiyo, isla mar ahaantana aan ilawsiiyo mushkulida haysata. Adigu ninkii markii u dhawr iyo konton habeen xidhnaa ayuu markii dambe ku dhuftay [Khaa-khaayiyey oo waalosho qarka u Saar may], ilayn nin Kabtan ah ayuu ahaayoo Baaskooladiisii ayuu sitaaye, inta uu Baaskooladii soo qaatay ayuu ninkii DG-ga meesha ka ahaa la dul-tegay, waxa uu ku yidhi “Wallaahi todoba xabbadood ayaa ku jira oo lixna adiga ayaan kugu dhufayaa mid-na aniga ayaa isku dhufanaya, haddii aanad imikadaa iga-kaxayn meesha.” Waa imisadii-bay kula tahay waqtiga uu Sidaa leeyahay, waa labadii habbeen-nimo. Ninkii ayaa isaga cabsanaya soo baxay oo u dhaqaaqay meel uu yaalay bahal lagu hadlo oo la odhan jiray “Dhiidhaa.” Dee bal yaa lala hadli!! waa labadii habbeenimo’e, oo Xamar ayuu doonayaa in uu la hadlee, oo Maxamed Siyaad [Madaxweynihii], Wasiirkii Difaaca iyo Taliyihii Ciidamada, intaa wuu la dul-taaganyahay Baaskooladii, Ninkii Odayga ahaa-na Dhiidhaadii ayuu intaa ku cel-celinayaa, waxa ay ku gaadhay ilaa sagaalkii subaxnimo, markaas ayuu helay nimankii uu doonayey, waxaan u malaynayaa Markaa Wasiirka Difaaca ama Madaxweyne ku xigeenka waxaa ahaa Cali Samatar, wuxuu ku yidhi “Ninkaasi anigana wuu i dilayaa is-na wuu is-dilayaa.” Markaasaa lagu yidhi “Soo qaad oo keen.”Marla qofka tallo alleh ku timaado labadaas shaqsiyadood ayaa la kala noqonayaa, kolkaas ayaana la kala baxaa.

Intaas oo jeer ayaa waraaq la’ii soo qoray oo la yidhi “Cafis soo qoro,” anna waxaan ku jawaabayey “Walle iyo Bille ayay iga tahay….cafisku xagguu ka imanayaa…waa maxay dambigaygu?” Maalin maalmaha ka mid ah ayaa darawalkii DG-ga waraaq la’iigu soo dhiibay oo Nin Xamar jooga ayaa u soo dhiibay, waxa uu igu soo yidhi “Foomkaa soo buuxi, haddii aad markaa diido [intaas oo jeer oo hore ayaan diiday] waxaad ogaataa in aad u socoto meel aanad ka soo noqonayn.” Waana xiiqo jirta meeshaas aan laga soo noqonayni [waa khaarajiin], waxaan idhi oo aan kii daralka ahaa sii farayaa maalintii uu noqonayay “Ninkii u tagoo waxaad ku tidhaahdaa saddex-baad mid igu ogtahay; waa XORIYAD SHARAF LEH, XABSI AMA XABAAL. Saddexdaas ayuum-baad mid igu ogtahay, ninkii Sidaa ugu sheeg.” Sidii ayuu ninkii gaadhsiiyey oo uu u sheegay, markaas ayaa la’i soo qoray “Dee hadaba u diyaar-garaw meel aan laga soo noqonayn.” Dee ka soo qaad meeshaasi in ay tahay Xabaal.

Maalintii dambe aniga oo BBC-da dhegaysanaya, ayaa Baabuur Cas oo Ruushka lagu soo sameeyey oo Jiib ahaa, oo dusha Shiraac ku leh ayaa la soo taagay, waxaana la socda Ciidan Nabad-sugid ah, qaar mar-mar iman jiray ayaa la socda. Markaasay igu yidhaahdeen “Waaryaahee imisaad joogtaa meeshan?” waxaan ugu jawaabay “Shan sannadood.” Waxa ay igu yidhaahdeen “Alla!! Maxaad meesha ku raagtay…..wixii kaayaala soo qaado waanu ku qaadaynaaye.” Intaa markii ay igu yidhaahdeen, ayaan mar keliya waxaan u qaatay meeshii aan laga soo noqonayn, waanaan diidayaa in aan idhaahdo“Xagee-baa la’ii gaynayaa,” Xitaa in la’iiga dareemo in yar oo baqasho iyo nacasnimo ah. Wallaahinaan been idinku haasaawinayn. Waxaan is dhex-taagay qolkaygii yaraa, wax kale iima dhex-yaalaan oon-ka-ahayn waxoogaa alaab ah iyo Jaraa’ido dadka i soo booqanayay si qarsoodi ah iigu keeni jireen. Inta aan wax-ba soo qaadan ayaan iyagii ku idhi“Maxaan soo qaata?” waxa ay igu yidhaahdeen “Waxa gaadhigaas yari kuu qaadi karo soo saaro.” Waxaan soo qaatay waxoogaas maryo ah, buugaag iyo Jaraa’idkii la’ii keeni jiray. Dabeetana Baabuurkii ayaan fuulay oo waddada ayuu qabsaday. Ninkii la soo mar siin waayay shantaa sannadood oo Maxamed Siyaad Bare cid aan u tegini ma jirto, oo waxay lagu lahaa “Ninkaas maxaadku haysataa?” Nin walba waxa uu ku yidhaahdaa halkaas ka baxa, Hadraawi taladiisa anigaa iska leh ayuu markaas soo saaray, cid wax iga waydiin karta ama ii baryi kartaa ma jirto, been-na maaha. Ayaa dabeetana Galabtii dambe inta uu u yeedhay Ina Saleebaan Dafle iyo Nin Golaha sare ka tirsan oo Gobolkaa aan ku xidhnaa Wakiil uga ahaa, waxa uu ku yidhi waa Siyaad Bare’e “Caawa Todobada hanneenimo ayaan ninkii idinka rabaa in aad keentaan magaalada Muqdisho.” Markaa qolaas i soo qaaday ayaa la’ii soo diray. Adigu goor 12-kii habbeenimo ahayd ayaa la’ii-keenay magaalad Baydhabo, oo qoladii Nabad-sugida ee i siday ayaan Guri la seexday, ilayn weli Maxbuus ayaan ahayoo way i’ilaalinayeene. Habeenkii markii la’iikeenay xafiiskii nabad-sugida ee Baydhaba ayaa la’iigu soo horaysiiyey, Nin Iman jiray Qansax-dheere oo Daral u ahaa Nabad-sugida ayaa hor fadhiya xafiiska, Baabuur Laan-loobar [Landdrover] ahina wuu hor taagan yahay, inta aan soo degay ayaan salaamay, dabeetana waxa uu igu yidhi “Baanuurkani adiga ayuu ku sugayaa.” Markiiba waxaan u qaatay in ala’gu wado meeshii aan laga soo noqonayn. Habeenkii siidii ayaan ku seexday, oo weli ma ogi wax la’ii wado iyo meel la ii wado toona, wallaanay iga tahay inaanan cidna waydiin xaggee la ii wadaa, oo maxaa ii gaynaya. Maanta oo kale marka ay taas oo kale timaado ragganimo, calool-adayg iyo adkaysi ayaa loo baahan yahay. Wallee markii gadhii uu soo qabsaday waddii Lamayda ahayd ee Badhay ka tegaysay ee Xamar qabanaysay, ayaan gartay in Xamar la’igu wado.

Markii aanu Xamar gaadhnay ayaa waxaa la’i-geeyey Hotel la yidhaahdo Bulsho, halkaas ayaanay ila-joogeen Ciidanka nabad-sugidu. Saddex habeen markii aan meeshaas joogay, ayuu Maxamed Siyaas soo hadlay oo uu yidhi “Ninkii caawa ha la’ii-keeno.” Habeenkii ayaan u tegay, markii aan gudaha ugu galay halkaas waxaa soo fadhiya Nin Korynayl ah oo Abuurkar la odhn jiray oo xog-hayntiisa ahaa oo wax qoraya. Waxaa ila socda ninkii taliyaha nabad-sugida ka ahaa Gobolka Baay, labadayadaas iyo Madaxmed Siyaas Bare ayaanu nahay. Halkii ayuu hadal ka bilaabay, Malaa saddex saaacadood ayuu hadlayay, hadaladiisiina waxaan ka xusuustaa “Kacaanku kuma necba.” Iyaga oo og rag halka uu jiro, waana halka la yidhi waad tegi doontaa haddaanad soo buuxin foomka, waxaan is idhi ‘iyaga oo og rag halka uu jiro..ayaan yidhi halkaa ha lageeyo oo sariir ha loo dhigo, ha lagaga war hayo’oo, oo halkaas [xabsiga qansax-dheere] ha lagaga war hayo.’ Waxa ay is yidhaahdeen ‘bal ninkani wuu waalan yahaye inta uu cidla’ isugu baxo ha is weheshado.’ waa ereyadiisii oo wallaahi ah. Dabeetaba hadalkii ayuu waday oo hadalka muu goyn jirin [waa Siyaad Bare], waxaana uu doonayaa saacada aad hor-fadhido in uu kaa bedelo qofka aad tahay oo qofka uu isagu doonayo uu kaa dhigto oo uu dib kuu abuuro. Saddex saanacood-buu hadlayay oo ninkii Kornaylka ahaana uu wax uun qorayay. Markii uu muddada nintaa le’eg hadlayay ayuu aakhirkii waxa uu igu yidhi “Imika-na bal caawa waxa aad doonayso ii sheeg.” Waxa aad doonayso muxuu uga jeedaa, waa derejo iyo aduun, waxaan ku yidhi “Waxaan doonayaa Baabuur iyo darawal aan ku tago meeshii aan ku xidhnaa si aan u soo maca-salaameeyo dadkii aan la xidhnaa iyo kuwii joogay-ba.” Bal eega hadda….wixii uu doonayay iyo waxa aan qabsaday waxa ay noqdeen laba shay oo aad u kala-fog, wallaahi iyo billaahi inteena halkaa fadhiga ilaahay ayaa inagu afar ahe in aanan wax kale odhan. Dib ayuu u fadhiistay oo wax allaale iyo wax uu ka hadlo ayuu garan-waayey, waxaana su’aashiisa hore ahayd ‘Bal caawa wax allaale iyo waxa aad doonayso ii sheeg,’ Anna wixii aan doonayey intaasaan ka dhigay. Wuu yaabay!! Dabeetana kornaylkii ayuu ku yidhi “Berito ha la siiyo Baaruur iyo darawal qaada, oo bal marka uu soo noqdo ha la’iikeeno.” Anigoon weli xamar cag aan lee yahay dhigin ayaan subaxdii ka baxay. Markii aan QANSAX-DHEERE tegay ayay dadkii naxeen oo ay yidhaahdee “Waaryaa waatan ninkii la soo celiyey.” Markaasay igu soo uruureen, kolkaasaan ku yidhi “Waa la’i sii daayay, balse waxaan u soo noqday in aan idinka idin macasalaameyo.” Qofku ma xiiseeyo meesha uu mudda-dheer ku xidhan yahay, Laakiin anigoon Xamar odhan “Xamaray iska waran,” Ayaan dib-u-noqday, oo maalmo dhan ayaan halkii [Qansax-dheere] aniga oo madax-bannaan iska joogay, markii aan ka soo noqday-na muddo ayaan Baydhabo joogay, kolkii dambe ayaan Xamar ku soo laabtay.

Haddii talo alleh timaado, waxa ay doonaysaa ragganimo iyo kiini [adkaysi] iyo weliba ku-dhac. Car-carar, qaylo iyo waxaas looma baahba. Markaa waata maannta raggiinaa dhalinyarada ah haysata, oo raganimo ayaa la idinka baahan yahay, in aad waddo jeexataan ayaa la idiinka baahan yahay, waxaa la adiinka baahan yahay in aad ka leexataan waddii hore ee inta waa weyni ay imika awday ee dhagaxa iyo quraaradaha miidhan dhigtay, ee doonaysa in aad iyaga uun ag-fadhiyo oo aad wax waydiiso, oo talada iyo arrinka kuu hayaan, iyaga oo dam ah, ayuum-baa idin hortaala. Markaa jidkaa dheer ayaa la idiinka baahan yahay in aan banaysataan.

Maxaan sameeyey markii aan QANSAX-DHEERE ku xidhnaa, waxaan samaystay qorsheyaal si aan isu mashquuliyo. Waxaan sameeyey, horta DIGAAG ayaan keenay, oo nin ayaan ku idhi “Waar Afar DIGAAG ah ii keen,” Afartii DIGAAGA ahaa ayuu ii keenay, waxaan sameeyey Aqalo yar-yar oo aad moodo Sekad xaafadeed, oo xaafad dhan ayaan meeshii ka sameeyey, waxaana aa idhi “intaas halkaas ku xaree…intaas kalena halakaas ku xaree….kuwaa kalena iyagana halkaas ku xaree.”Waxaa la’ii ogalaa gurigaa aan ku xidhnaa dayrkiisa weyn in aan gudihiisa ku wareego, dayrkii waynaa ayaan dhinacna DIYAAGII ku xareeyey oo aan Aqalo yar-yar uga sameeyey dhinac-na BEER yar ayaan ka sameeyey, waxaa ka baxay Gellay, Babaay, Basbaas, Tamaandho iyo waxyaabo kale oo badan. Tuuladiiba anigaa u noqdag Khudrad, iyaga madiibado yar-yar sita ayay subaxdii soo galaanoo markaasay Basbaaska, Tamaadha iyo waxaas oo dhan ay gurtaan. Waxaas oo dhan waxaan uga jeeday, yaanu waqtigu kugu dheeraane is mashquuli. Bal eeg mashruucyadaas aan samaystay ee Mashruucii Faanoole ah. Mar-na DIGAAGAAS ayaan kala maamulayaa oo wax siinayaa oo biyo u dhigayaa oo kala xaraynayaa marna BEERTAAS ayaan waraabinayaa. Sidaas ayaan kaga soo gudbay xabsiga, aniga oo haybadayda iyo karaamaday-daba sita oo aan nac-nac, oo aan cid baryin, oo aan is-dhiibin, ayaan xabsigii ka soo baxay, waanay qorantahay oo been maaha oo waa xaqiiqo jirta.

Markaa sidaas oo kale ayaa taala oo raganimo iyo ku-dhac ayay u bahaan tahay, haddii aad eegataan kuwaa idinka waa-weyn ee mufsidka ah ee QAADKA iyo QABIILKA mooye aan talo kale hayn, iyo siyaasadan usgaga ah ee qofka lagu seexinayo, waxaa la doonayaa in lagugu hayo wax la yidhaahdo siyaasad oo meel ay ku buuxinayso iyo wax ay kuugu fadhido midna aanu jirin, oo isagu waxoogaa yar uun markaa uu ku soo qaadanayo. Illaa siyaasadaasi, illaa waxa qabiilka iyo balwooyinka la yidhaahdaa maskaxdiina ka guuraan Naftiina ma xorayn karaysaan. Qaadkii iyo sigaarkiiba waan iska daayay wax kale-na awal-ba shaqo kumaan lahayn. Nin imika Boorama jooga oo Sarkaal ah, ayaa iyada oo Guriga Cabdiraxmaan Aw Cali [Cabdiraxmaan Tol-waa] la fadhiyo waxa lagu yidhi “Dee hebelow waxaad wadaa waa Qabyaalad.” Waxa uu yidhi “Oo Maxaa bilaa qabiilka iga dhigay ma Hadraawi ayaan ahay……bilaa qabyaalada maxaa iga dhigaya ma Hadraawi ayaan ahay.” Markaa ilaa aad adigu ka xorawdo waxan oo dhan wax-ba kuu socon maayaan, wallee…wallee inaanay wax-ba kuu soconayn, waxaas ha dhegaysan, qabiilka laguu sheegayaa waxaa weeye inta aad ku nooshahay ee aad joogi karaysid ayuum-baa la soo koobayaa oo la soo cidhiidhyayaa, waxaa weeye xagaana ha u dhaqaaqin, xaagana kalena ha u dhaqaaqin, ee waddadaa yar ee cidhiidhiga ag ee reer hebel ku jir. Markaasaa haddii aad xaggaa u dhaqaaqdo waxba kaama horeeyaanoo lagaa garan maayo, maxbuus-baad iska tahay oo cid-baad u xidhab tahay. Waxaa la yidhi “Meeshaa mari-maayo iyo qofkaa muddan-maayo marna lama yidhaahdo.” Adigaa og halka aad ku dambaynayso. Socodkii nadaba maxaan Kismaanyo ilaa Boosaaso iyo Aduunka oo dhan u marayay, waxaan ogahay, waxaan diidayaa in aan cid qol-yar ugu xidhnaado, oo Xamar hadaan tago meel la’iga garanayo ay noqoto, Baydhabo haddaan tago meel la’iga garanayo ay noqoto oo la’iga soo dhawaynayo, oo hadaan Boorama tago meel la’iga garanayo oo la’iga soo dhawaynayo ay tahay, oo meel walba gogoli ay ii taalo, maxaa ka raganimo badan, meel-walba iyada oo gogol-xaadh kuu yaalo, oo magacaaga iyo raganimadaadaba la hayo maxaa ka wanaagsan. Illaa naftiina aad Sidaa u xoraysaan wax-ba idiin suuroobi-maayaan, wallaahay beentay maaha.

Waar bal insha’alaahu intan horta soo huf oo ha idinku duxdo, kulamo kale oo muniim ah-na haddii alle ka dhigo mustaqbalka waynu isugu iman doonaa. Inta aad si fiican isugu duba-riddaan oo aad habaysaan meesha aad doontaan la mara ilayn waa duruustii aad faafinayseene, waaydinkaa.” Ayuu Abwaan Hadraawi hadalkiisii ku so af-meeray.

Waxa aynu intaas kaga soo gudubno tusaalayaashaa casharka ah ee wax-ku-qaadashada iyo ku camal-falkaba mudan ee Abwaan Hadraawi i noo soo gudbinayey. Runtiina waxaan filayaa in anay nafihiisa si toos u taabay arrimhii miisaanka lahaa ee Abwaanku soo gudbimyey. Waxa aynu ilaahay uga baryaynaa Abwaanka in uu ka abaal-mariyo oo uu ajar iyo xasanaad-ba ka siiyo waanadaas iyo wax-sheegistaas wax-ku-oolka ah ee uu inoo suu gudbinayey Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame [Hadraawi].

Waxaa halkan hoose ku cad arrimo dhawr ah oo ina tusaya natiijada ka dhalata Hagar-daamada Nolasha, waana kuwan eek an bogosho wanaagsan:-

1- Ciil.

Ciilku waa cadho iyo xanaaq is biirsaday, ka dibna qofka ku kallifay in uu fal-celint xun ku dhaqaaqo, isaga oo doonaya inuu iska jebiyo xanaaqa xad-dhaafka ah ee dusha ka saaran. Ciilku waxa uu qofka u horseedaa diiqad-nololeed oo soo food-raarta cidda deriska laha ah bad-weynta ciilka.

Marka ay isla fal-galaan ciilka iyo hagar-daamadu waxa ay sameeyaan dib-u-dhac, diiqad, dadnimo-xumo, doqoniimo iyo dadaal la’aan. Haddii u qofka ciil la soo gudboonaado, waxa uu halis ugu jiraa in uu khatar-nololeed ku dhaco kuna dhaqaaqo gabbood-falyo ka dhan ah jiritaanka noloshiisa.

2- Murugo.

Marka laga hadlayo murugarada oo safka hore kaga jirta natiijooyinka ka dhasha Hagardaamada Nolosha, ayaa iyadu

3- Werwer.

4- Rajo la’aan.

5- Walaac.

6- Niyad-xumo.

7- Guul-darro.

8- Horumar la’aan.

9- Dib-u-dhac.

10- Quus.

1- Qiimo la’aan.

12- Hiigsi la’aan.

13- Waxqabad la’aan.

14- Fikirkii wanaagsan ee nololasha hogaaminayey oo meesha ka baxa.

15- Waxyeelo nafeed.

16- Qoomamo jooto ah.

17- Cuduro Nafaasi ah.

18- Carqalad-gudeedyo shakhsiyaadeed.

19- Dulqaaq la’aan.

20- Itijahaah la’aan.

21- Qanacsanaanta.

22- Walabahaarka.

Waxaa kaloo xusid mudan in natiijada Hagar-daamada nolosha ka mid tahay muhmal iyo hadh ku abuurmaya geedi-socodla nololeed ee qofka beni’aadamka ah

Natiijada Halabsiga Waqtiga

Marka laga hadlayo natiijada Halabsiga waqtiga, waxa aynu inta badan iska soo taagaynayaa dhinaca wanaagsan, oo haddii uu qofku si munaasib ah u halabsanayo noloshii iyo waqtigii ka hor-maray, waxa uu xaqiininayaan ujeeda xaqiiqiaga ah ee uu halabsanayo.

Waxaa ka mid ah natiijada wanaagsan ee halabsiga Waqtiga;-

1- Guul wax-ku-ool ah.

2- Horumar dhan kasta ah.

3- Hiigsi nololeed oo hufan.

4- Rayn-rayn iyo badhaadhe.

5- Farxad nololeed.

6- Faa’ido dhab ah.

7- In uu qofku awood u helo dardar-gelinta iyo socodsiinta hawlihiisa lama huraanka u ah.

8- In xaqiiqsado himaliisa nololeed.

9- In uu qofku ka midho-dhaliyo ujeedooyinkiisa nololeed.

10- In uu qofku si quumaati ah meel-mariyo oo uu ka run-sheego qorsheyaashiisa nololeed ee uu bartilmaameedanayo.

11- In uu qofku awood u leho maarayna iyo sugista waqigiisa iyo noloshiisaba.

12- In uu qofku noqdo mid kus sugan waddad ka faa’idaysiga waqtiga

13- in uu ka fofku badbaado silica iyo saxariirka hagar-daamada Nolosha.

Tubta Ka Samata-bixista Hagardaamada Nolosha

Dhibaatooyinka la soo dersa noloshu, waa kuwo khatar iyo khalkahalba geliya geedi-socodka horumarka nolosha, waa kuwo qofka jidka ka habaabiya oo meel-xun ku jeheeya. Naftu waxa ay leedahay cadawyo kala duwan oo ugaadsanaya, kuwaas oo ugu horeeyo Shaydaanka oo sheqadiisu tahay in uu beni’aadanka ka haleeyo tubka toosan ee saxda ah ee ilaahay faray inay qaadaan, taas oo ah ku dhaqanka diintiisa iyo adeecista awaamiirtiisa uu beni’aadamka ku adoonsaday, markuu u qofku kaleexdo waddada toosan ee Islaamnimada waxaa ka adkaaday Shaydaankii, waxaana uu afka saaraa jiho cidhiidhi iyo ciqaab-ba noloshiisa u horseedaysa.

Cid kasta oo adduunka ku uumani waxa ay u tafo-xaydan tahay inay ka sama-baxdo hagardaamooyinka nololeed ee la soo gudboonaanaya. Waxaana jira qaabab gun-dhig istaraatiijiyadaha la adeegsanayo.

Waxaad halkan hoose ku arki doontaan dhawr khiddadood oo sal-dhig u ah siyaabaha ka samata-bixda hagardaamada nolosha, waana kuwan ee ka bogosho wanaagsan:-

1- Ku-xidhnaanshaha Wadda toosan ee Ilaahay Beni’aadanka ugu yaboohay

Tubta ugu horaysa ee qofka gaashaanka iyo badbaada uga ah caqabadaha nololeed ee wiiqaya jiritaankiisa waxaa kow ka ah qabsashada wadda toosan ee ilaahay beni’aadanka u jeexay, taas oo ah ku dhaqanka iyo ku camal-falida diinta Islaamka iyo adeecista sunnaha Rasuulka [NNKH], waa waddada keliya ee la hubo in uu qofku ku badbaadayo if iyo Aakharaba.

2- Samaysashada Qorsheyaasha Maaraynta Nolosha

Qorsheyaasha noloshu waa kuwo si toos ah ula xidhiidha hannaanka uu qofku u nool yahay, waxa uu nolosha ka aaminsanyahay, cidda uu la noolyahay, meesha uu ku nool yahay iyo garashadiisa ku tacaluqda ujeedada nool yahay. Waxaana jira arrimo door ah oo saacida dejinta qorsheyaasha maaraynta nolosha.

  • Jihaynta Nafta: -
  • Garashada waajibaadka xaqiiqiga ah ee qofka looga baahan yahay in uu guto

Xog-uruuriye:C/Shakuur Xaaji Muxumed Muuse [C/Heersare],

Xog-bixiye: Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame [Hadraawi]

Hargaysa/Somaliland.

Fadlan wixii talo iyo tusaale ah ee aad ka bixinaysid barnaamijkan nolosha ku saabsan ku soo hagaaji:

Cabdiheersare01@hotmail.com/heersare2009@gmail.com

No comments:

Post a Comment

Post a Comment