Wednesday 7 October 2009

FAALO:DOORKA WAX KU OOLKA AH EE SHIRKADDA DAHABSHIIL KAGA JIRTO HORUMARINTA SOMALILAND

FAALO:DOORKA WAX KU OOLKA AH EE SHIRKADDA DAHABSHIIL KAGA JIRTO HORUMARINTA SOMALILAND

Published on: Oct 7, 2009 18:14
FAALO: Doorka Wax-ku-oolka Ah Ee Shirkada Dahabshiil Kaga Jirto Horumarinta Somaliland.
dahabshiil22
“Waxa aan cidina dafiri Karin oo sida dayaxana u cad kaalinta wax-ku-oolka ah ee shirkada xawaalada caalamiga ah ee Dahabshiil kaga jirto geedi-socod horumarka Somaliland, waxaa kaloo muddan in farta lagu fiiqo adeegyada hufan ee ay bulshadooda mar walba diyaarka ula yihiin. Runtiina anigu waxaan ka mid yahay dadka mar walba abaalka iyo amaanta u haya.” Tibaaxahaasi waxa ay ka mid ahaayeen weedho uu soo tebinayey mid ka mid ah dadka sida weyn u taageera dadaalada wax-qabad ee inta badan shirkada Dahabshiil u soo gudbiso bulsho-weynta reer Somaliland, waxaana uu ka mid yahay macaamiisha shirkada ee ku nool magaalada Hargaysa.

Marka si xaqiiqi ah loo eego nuxurka ay ka turjumayso fikirkaas uu soo gudbiyey qofkaa muwaadinka ahi, waxaa marag-ma-doon ah in shirkada dahabshiil kaalin aan la yiqaasi kaga jirto soo-yaalkii horumarka Somaliland, hadana ay muuqato muraayad iifinaysa dadaalo kale oo ku waajan xaqiijinta yoolalka ku astaysan dadaalada horumarinta wadanka.

Lama dafirikaro in shirkadaha kale ee wadanku ka siman yihiin horumarinta dalka, inay isku mid ka yihiin wax-ka-dhigista iyo kor-u-qaadista musdawaha dhaqaalaha, inay u wada xusul-duuban yihiin hanashada ujeedooyinkooda ku salaysan faa’ido raadiska iyo kala hororsashada bulshada. Hasayeeshee waxa jira arrimo ay kaga duwan tahay shirkada Dahanshiil oo iyada gaar ah, kuwaas oo runtii ka dhigay inay la ehelnoqoto bulsho-weynta reer Somaliland.

Sida ay noo xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan shirkada Dahabshiil waxaa dhidibada loo taagay Shirkada Dahabshiil 1972-kii, iyada oo uu fikirkeeda iyo asaaskeeda lahaa Maxamed Siciid Ducaale, waxaana markii hore uu ku bilaabay ganacsiga caadi ah, isaga oo markii dambe-na ku biiray qaybta xawaalada lacagta.

Markii dagaalkii 1988-kii wadanka ka dhacay ee dalka lagu kala yaacay, ayaa Maxamed Siciid ganacsigii u wareejiyey dhinaca dalka Itoobiya, isaga oo xarun ka dhigtay magaalada Habuura oo ku taalada dhinaca Gaashaamo, halkaas oo xarun ka dhigtay, isaga oo safarkiisuna ku meelo badan oo ay ka mid tahay xidhnaa magaalada Adis-ababa. Waxaana uu u kala dab-qaadi jiray Adis-ababa iyo wadamada Carabta sida Sucuudiga, halkaas oo looga soo dhiibi jiray lacagaha ay u soo dirayaan dadka meshaas ku nooli dadkoodii ku bara-kacay dagaalkii dib-u-xoraynta ee dalka ka dhacay. Marka uu soo noqdo ee uu lacagtaas keeno waxa ay dhib aad u adagi ka qabsan jirtay sida loo helayo dakii lacagta loo soo diray, in la ogaado meesha ay ku nool yihiin. Waxaana hal-ku-dhiga keliya ee lagu raadin-jiray ahaa in qofkaas lagu baafiyo qolada uu yahay iyo meesha deegaanka u ah ee laga heliyo.

Sidaas ayay ku soo bilaabantay shirkadaas caalamiga noqotay ee Dahabshiil, waxaana xusid mudan oo laga dheehan karaa bar-bilawgeeda inay la soo kortay samato-bixinta dadkii ay ku habsdeen mashaakilaadkii dagaalka ee wadanka ka dhacay, oo runtii cid waliba ka marag-kacayso xanuunkii iyo dhibaatooyikii nololeed ee wakhtigaa taagnaa.

Marka aynu intaas kaga soo gudubno guud-mar-taarikheedkaas ku saabsanaa raad-dhaqaajiskii shirkada Dahabshiil, waxa aynu u imanaynaa adeegyada kala duwan ee ay hadda u qabto bulsho-weynta reer Somaliland.

Waa marka koobaade, waa shirkad is-u-xilqaamtay oo bartilmaameed u noqotay xidhiidhinta iyo isu soo dhawaynta dadyawga Ehelada ah ee ku kala nool daafaha caalamka ee doonaya inay wax-is-taraan. Waxaana ay caan ku noqotay adeegyada hufan ee la xidhiidha kala xawalista lacagaha ay isku dirayaan dadkaas Ehelada ahi, iyada oo adeegsata tiknoolijiyadii ugu dambaysay ee xawilaada lacagta. “…Cabdi waxaanu kuu haynaa lacag ee ka doono Dahabshiil.” fariintaasi waa ogaysiiska hal-ku-dhiga u ah shirkada, waana qoraal kooban oo markiiba si dawaaliya u gaadha qofka lacagta loo soo diray, waxaa arrintaasi dhacdaa isla marka sidaas lacagta looga soo gudbiyo laamaha lacagta laga soo diro ee daafaha caalamka ku yaala, runtii waa tallaabo ay si weyn uga heleen macaamiisha faraha badan ee sida tooska ah shirkada ugu xidhan. Waxaa kaloo ay shirkadu leedahay ganacsi baaxad leh.

Waa ta labaade, Shirkadu waxa ay si gaar ah u danaysaa wax-ka-qabashada iyo horumarinta tayada goobaha iyo adeegyada caafimaadka ee dalka, oo runtii ah asaaska nolosha ee bulshadu ku xidhan tahay. Waxaa kaloo ay qayb ka qaadataa dawooyinka iyo qalabka kala duwan ee loo adeegsado adeegyada caafimaadka.

Waa ta saddexaade, shirkadu waxa ay mar kasta kaalin sare kaga jirtaa dadaalada dib loogu dhisayo kaabayaasha dalka iyo dadkaba wax-taraya, sida waddooyinkooyinka, oo bishan aynu soo dhaafnay biriijkii ugu dambeeyey waxa ay ka hir-gelisay magaalada Burco, waxa ay door-weyn ka qaadatay dib-u-dhista biriijka labaad ee magaalada Hargaysa ka socda, waxa ay muhiimad gaar ah siisaa dhismayaasha goobaha waxbarashada iyo tayaynta adeegta kala gedisan ee waxbarashada dalka.

Waa ta afraade, shirkadu waxa ay soo wadaa oo ay doonaysaa inay waddanka oo dhan ka hir-geliso shirkad isgaadhsiiyeed, oo runtii si weyn wax uga tari doonta baahiyaha kala duwan ee is-gaadhsiinta, oo runtii dad badan oo dan yar ahi ka faa’idaysan doonaan, waxaa la filayaa in shirkadaas isgaadsiinta ahi horseedi doonto jewi hor leh oo ku soo biira saaxadda isgaadhsiinta dalka. Waxaana shirkadaasi noqonaynaa mid dad badani yeeshaan [shareholder].

Waa ta Shanaade, waxyaabaha sida weyn loo tebayo ee wadanka ka dhiman waxaa ka mid ah Bangigii ganacsiga [Comercail Bank], oo runtii ah meelaha laf-dhabarta u ah horumarka ganacsiga Somaliland, sidaas oo ay tahay shirkada Dahabshiil waxa ay wadaa qorsheyaal istaraatiijiyadeed oo ay ku doonayso inay wadanka kaga hirgeliso Bangigaas, iyada oo magaalada Hargaysa ka wada dhisme aad u baaxad weyn oo loogu talo-galay in bangigaas laga furo. Runtiina haddii uu Bangigaasi hirgalo waxaa hubaal ah in dhaqaalaha wadanku ku tallaabsanayo horumar dhab ah, iyada oo ay fududaanayso fulinta iyo ku-dhaqaaqista qorsheyaashii ku salaysnaa maal-gelinta ee inta badan la naawilayey in mar uun wadanka laga hir-geliyo.

Waa ta lixaade, shirkadu waxa ay si weyn u muujiyey bilicdii iyo haybadii ay lahaayeen magaalooyinka waa weyn ee Somaliland, iyada oo ka hirgelisay dhismeyaasha ugu dhaadheer ee ugu qurux badan, kuwaas oo si layaab leh u soo if-bixiyey quruxdii loo baahnaa in ay yeeshaan Faras-magaaleyaashu. Waxaana dhismayaashaasi aad uga dhex-muuqdaan suuqyada magaalooyinka waa weyn ee ay ka midka yihiin Hargaysa iyo Burco.

Isku soo wada-duuboo, lagama gayoonkaro muhiimadaha wax-ku-oolka ah ee shirkada dahabshiil kaga jirto dadaalada horumarinta Somaliland.

Waxaana aan faaladdan ku soo af-meerayaa, shirkada dahabshiil waxa ay mutaysatay in loo aqoonsado hormuudka shirkadaha Somaliland, sababta oo ah waxa ay u taagan tahay wax-ka-dhista Somaliland, waxa ay kaalin mug leh kaga jirtaa kor-u-qaadista heerka horumarka dhaqaalaha wadanka. Waxa ay hadh iyo habeen heegan u tahay u-adeegista bulsho-weynta reer Somaliland.

Cabdi Muxumed Muuse

Hargaysa/Somaliland

cmmm06@yahoo.com

No comments:

Post a Comment