Sunday 25 October 2009

XISBIGA UCID UK OO SHIR BALAADHAN KU YEESHAY GALBEEKA LONDON OO XOG-WARAN & SOO DHAWAYN XUBINO CUSUB OO KU SOO BIIRAY XISBIGA

XISBIGA UCID UK OO SHIR BALAADHAN KU YEESHAY GALBEEKA LONDON OO XOG-WARAN & SOO DHAWAYN XUBINO CUSUB OO KU SOO BIIRAY XISBIGA

Xisbiga UCID UK Shir ballaadhan ku yeeshay galbeedka Londonoo xog-waran & soo dhawayn xubno cusub oo ku soo biiray Xisbiga.

London-Sabti 24/10/09, Xisbiga UCID UK oo shir ballaadhan ku yeeshay galbeedka London wadanka Uk, oo ah xog-waran Gudoomiyaha UCID UK, Ibrahm Rashiid iyo Dr Abokor Egeh Fahiye oo ah xubin ka tirsan gudida fulinta xisbiga UCID, socodaal hawl shaqo ooy kaga soo noqdeen Somaliland. Waxa kaloo halkaa si weyn luugu soo dhaweeye xubno cusub oo aqoon yahano ah oo ku soo biiray xisbiga UCID..

UCID LONDON 01

Shirkaas oo ahaa mid aad loo so agaasimay waxa ka soo qeyb galay gudida fulinta, xubnaha UCID UK iyo dad badan oo ah taageerayasha xisbiga UCID, ugu horeyn shirka waxa furay oo ka hadlay Mohamed Ibrahim, oo ah Xoghayaha cadaalad iyo Garsoorka xisbiga UCID, oo halka ka soo jeeday hadal soo dhaweyn xubnaha cusub isla markaana sharaxaad ka bixiyey xeererka iyo qaab dhismeed xibiga UCID. Mohamed Ibrahim waxa kaloo halkaa ka soo jeeday habka u socon doono shirku.
Kosar Aideed: Gudoomiye ku-xigeenka xisbiga UCID UK, oo shirka ka soo jeedeyey hadal sodhaweyn xubnaha cusub, oo ah dad aqoon yahano ah oo xisbiga UCID iyo Somaliland guud ahaan ba u baahan tahay, wuxuu Kosar Hambalyey xubnahaas cusub una sheegay in dhamaan xubnaha Xisbiga UCID ku faraxsan yihiin kuna soo dhawaynayaan xisbiga UCID. Kosar Aideed waxa kaloo halkaa ka sheegay in xibiga UCID diyaar u yahay inuu qabto hogaanka wadanka una taagan yahay inuu isbedel ku sameeyo xaalada qalafsan ee wadanku ku jiro haduu ku guulaysto doorashada, Waxa kale kosar soo jeeday war-bixin kooban oo waxqabadkii xisbiga UCID UK saddexdii billood ee u dambeeyey.
Dr Abokor Egeh Fahiye: oo ka tirsan gudida fullint Xisbiga UCID, oo safar hawl shaqo ah kaga so laabtay Somaliland, Dr Abokor wuxuu si qoto dheer uga waramay xaalada guud ee wadanku ku jiro gaar ahann xaaladaha dhaqaale, caafimaad, bulsho iyo siyaasadeed ee Somaliland ku jirto, waxa uu sheegay inkastoo dhawaanahan roobab da’een inay jirtay abaar baahsan, biyo la’aan iyo nafaqo darro ka jirto Somaliland guud ahaan, adeegayada arrimaha bulshaduna inuu aad u hooseyo amaba aanu meelaha qaarkood ka jirin.
Ibrahim Rashiid: Gudoomiyaha Xisbiga UCID UK: Socdaal shaqo uu kaga soo laabtay Somaliland . ugu horayn wuxuu soo dhaweyn iyo hambalayaba u soo jeediyey xubnaha cusub ee ku soo biirey xisbiga UCID. Kadib wuxuu ka xog waramay oo si qoto dheer oo faahfaahsan ugu hadlay khilaafkii siyaasadeed doorashada ay isku hayeen mucaaradka iyo dawladu, Ibrahim Rashiid wuxuu sheegay in khilaafka siyaasadu ka bilaabmay ka dib markii komishinka iyo Dahir Riyaale laaleen diiwaan gelintii doorashada ee waqtiga iyo tacabka badani kaga baxay dadweynaha Somaliland iyo deeqbixiyayaash caalamka ee Somaliland taageera iyagoon kala tashan xisbiyada mucaaridka. Dawladu isla maalmo kadib waxay xidhay baarlmankii iyadoo adeegsanayso ciidamada booliskia ka dib arrimahaasi waxay si murgiyeen xaaladii cakirnayd waxaanay keentay inay shacabku kacaan oo mudaarad sameeyaan, mudaaharadyada oo dad ku dhinteen dadna ku dhawaacmeen. Khilaafka Somaliland markuu ku dhawaaday meel khatar ah oo dumin karta jiritaanka Somaliland, waxa timid dhexdhexaadin ay ka galeen xalintiisa saaxiibadda ay Somaliland ku leedahay Beesha caalamka iyo Qaadhaan bixiyeyaasha iyo waliba dedaalo is-xilqaan ah oo ay muujiyeen kooxo iyo shakhsiyaad ka tirsan bulshada rayidka ah ee Somaliland, kuwaas oo isugu jiray Suxufiyiin, Aqoonyahano, Qanacsato, Salaadiin iyo Culimaa’udiin-ba.
Beesha Caalamka ayaa soo jeeday lix qodob oo lagu xalinayo arrimahan doorashad ee la isku hayo, saddexda xisbi qaran UCID, Kulmiye iyo UDUB way ogoladeen lixda qodob waana heshiis la kala saxeexday oo beesha caalamkuna goob joog ka ahayd. Heshiiskan waxa ay qodobadiisa ugu muhiimsani odhanayaan nuxur ahaan in doorashada madaxtooyada lagu galo diiwaangelinta, balse la shaandheeyo natiijadii ka soo baxday diiwaangelintii dalka ka dhacday dabayaaqadii bishii October 2008 iyo Horaantii 2009, in isbedel lagu sameeyo xubnaha Komishanka doorashooyinka Qaranka, in la keeno khubaro caalami ah oo eega Servar-ka lagu kaydiyey diiwaangelinta codbixiyeyaasha iyada oo khubaradaasi madaxbanaani ay talooyin ka bixin doonaan muddada lagu dhamayn karo shaandhaynta Servarka, taas oo ay Komishanka Doorashooyinku ku jaangoyn doonaan maalinta ay dhacayso doorashada Madaxtooyadu iyo in muddada xilka Madaxweynaha iyo ku xigeenku ku egaato bil ka bacdi maalinta doorashada Madaxtooyada loo cayimo. Ibrahim Rashiid waxa kaloo u sheegay in Komishinka cusub in maanta la ansixiyey, komishankaa cusub iyo beesha caalamka ay wada shaqaynayaana, lana filaayo in doorashadu ku qabsoon muddo 3 billood gudahood.ah.
Magacyada Xubnaha Cusub ee soo biiray xisbiga UCID:
1. Abdirahman Mohamed Diriye-Jiir.
2. Abdalle Sa’eed Ali
3. Ibrahim Deria
4. Hassan Samawi
Dadka kale shirka ka hadlay waxa ka mid ahaa, Gudoomiye Xigeenka Europe Saciid Cumer oo xubnaha cusub hadlo soo dhawayn iyo gubabo u soo jeediyay xubnaha sido kale waxaa hadalkooban soo jeedisay Marwo Abani Mohammed Ali oo Guddoomiyaha garabka haweenk galbeedka london, Xasan macalin, Jama Yussuf Kahin, Hussein Aden ,, Sa’ad Mohamed Qawdhan iyo Abdirahman Mohamed Deria-Jiir, oo ka mid ah xubnaha cusub ee ku soo biiray xisbiga UCID.
Allah Mahad Leh.
Xisbiga Caddaalada & Daryeelka
UCID UK, London. { Justice & Walfare Party}.

UCID LONDON MEX

No comments:

Post a Comment