Wednesday 28 October 2009

DUUL UU MUSBAAR DHEGAA KAGA JIRO BAAN MAQAL KA TUUGAAYE!!

DUUL UU MUSBAAR DHEGAA KAGA JIRO BAAN MAQAL KA TUUGAAYE!!

DUUL UU MUSBAAR DHEGAA KAGA JIRO BAAN MAQAL KA TUUGAAYE!!SHOTALY WEYN

Waano dhalan baa ka adag, qofna lagama dhigi karo si aan ilaah u abuurin, oo hore baa loo yidhi in kasta oo la hagaajo oo hu’ magaalo la saaro, hareeraa laga raaco hebel waa hebel uun oo wax iskama bedelaan, wuxu yidhi QAASIMNA markii uu waa reer qansax mooyee wax kale ku soo dhici waayeen dhegihiisa, maangado abaariyo diraan maax ka deyayaaye, geel baan maqaarka u sidaa midi ka dhiiqayne, waa mar uu ka quustay dadkan oo uu ku metaalay nin maalaaya geel wada candhgoole ah oo iba-dheeroobay, oo afrta naasba qori rooray, TIMA-CADENA wuxu arkay in dadkan uu dhex marayaa marka la yidhaaho tolaayeey ay ka dhego nugul yihiin marka loo akhriyo qu’raanka iyo siirada nebiga ( c.s.w), isaga oo taa sheegaaya buu yidhi,nin qafilan ninkii qu’raanka u akhriyey qaaf dheh ku haraaye, waxan u soo qaatay tuducyadan labada marxuum al-le janada haka waraabiyo’e wax suuro gal ah aanay ahayn ruux somali ah in uu mar qudha ka waan-toobo waxa uu la qufacaayo ee ah qabyaalad, taas oo ah tii beerkiisa calaalisay, ee adshaxda raabsatay siddii abriska cunayna cidaam-kooda ee cardaa-diqaha ka wada dhigay, waa xanuun aynu sida cudurka T.B-DA isugu gudbino, dawana aan la hayn ee uu ody-ba-oday ka dhaxlo, kuna talaalan dhuuxeena oo caruurta inoo dhalata lagu canqariyo cudur-kaas sida hawada aynu uga qaadano oksajiinta( oxgen-ta), aniga oo la yaabanaa wakhtiyaddii aan yaraa wax ay dadku u dhegaysan la’yihiin raga daadnaaya waxaas oo murti ah oo aan kor ku qoray iyo kuwo ka sii daran, baan markii aan bartay waxa aynu nahay ogaaday in umadani tahay kuwo loo kala suntado sida xoolaha, oo lagu kala sooco sumad caanood oo ah dheg-jeexo, dacalo, xaluufo, dhego-lix, furo iyo kuwo kale oo ah sumad dab, sida kabaal, dhaad, birqaab, bil, alifyo iyo wax la micno ah oo ay iniba xero lagu maalo siddii ma yeedhaanka mid ka hadli karaana aanu jirin ilayn waa la qaramee-yaye.

Aniga oo halkaas ka ambaqaa-daaya maqaal yar oo kan ah, baa aan dib ugu noqdee TIMA-CADE yidhi haasaa-wihii baa dhintiyo hadalki toosnaaye, waan runtii oo waata imika taagan, bal u fiirsada waxa ka buuxa mareegaha weliba kuwa isaaq, waxad ku arkaysaa sida ay u dhabaqday sheekadu, ee ay u urtay siddii harag dumudhay, waxay maraysaa in lagu kaftamo futo dameer, xaar digaag, anigaa ah kur shabeel iyo waxan ahay qawlal aar, waliba waxa ka sii daran iyaku waxay doonayaan ha isku yidhaa-heene waxay madaxa la ruqayaan beelo aan waxba u gaysan oo ay iska naceen, wuxuun baan maqli jiray qof ku sheekeeya hebel waxa la col ah jinkayga oo wax baa iga duqeeya aan la garan karin, iyo socod-kiisa baaban ka xanaaqaa iyo sheekooyin la mid ah, kuwaas oo ah sanifaad iyo iska maagid aad qof faash iskala fuushid aan wa kuu gaysan, gardaro aan geedna loogu soo gaban, meela fooda loo soo saarin, wax loo sibir saaro-na aan la qiyaasi karin, wax loo malee-yaana aanay kitaab-kaba ku oolin in lagu maago baa waxay ka mid ahayd dhaqan-keena, ta ay inamadan yar-yari wadaan maantana wax kale maaha ee w3aa cudurkii aynu ku canqaranay oo weli sii fidaaya, mana hayno dariiqo aynu ku jarayno oo inaka baa u ololay-nayna.

* N.B. Haasaawihii baa dhintiyo hadalki toosnaaye.
abdi-shotaly,

No comments:

Post a Comment