Thursday 22 October 2009

BAMGACMEED AYAA LALA BEEGSADAY GAARI CIIDAM OO MARAYEY BADHTAMAHA MAGALADA GAALCAYO

BAMGACMEED AYAA LALA BEEGSADAY GAARI CIIDAM OO MARAYEY BADHTAMAHA MAGALADA GAALCAYO

Qaraxaan ayaa waxa caawo lala beeg saday gaari ay saarnayeen ciidmada Booliska ee Degmada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, Garigaan oo marayay agagaarka Hotelka Cagaar-wayne ee Xaafada Garsoor.

Taliyaha Qaybta Gobolka mudug G/le Muuse Axmed ( Muusse Xassaasi ) ayaa sheegay in Bamkaasi uu ahaa Bamka nooca gacanyta laga tuuro, Qarxaa ayaa waxaa ku dhaawacmey afar qof oo rayid ah kuwaasi oo saddex ka midda ah ay yihiin Rag halka Qofka kalena uu yahay dumar.

Taliyaha ayaa waxaa uu sheegay in dhaawaca gabadhaasi uu yahay mid halis ah, isla markaasina waqtigan ay Dhakhatiirtu kula tacaalayaan Cusbitaalka wayn ee magaalada Gaalkacyo, taliyaha yaa sheegay in ciidamada iyo gaariga wax khasaaro ah oo soo gaaray aysan jirin.

Taliayah ayaa waxaa uu sheegay in cimilada magaalada maadama uu Roob badan da,ayo dhulkuna uu dhiiqo yahay ay ka faa,iideysteen kuwa nabadgalyada ka soo horjeeda.

Mar uu ka jawaabayay su’aal ahayd in uu jiro cid ay u soo qabqabteen arrimahan ayaa waxaa uu sheegay in aysan jirin ilaa iyo hada cid ay u soo qabteen, balse hada ciidamadu ay wadaan baaritaan ku aadan arrimahaasi.

In kastoo waqtiga qaraxu dhacay ahaa Hal saac Habeenimo saacada geeska Afrikada Bari, goobta uu ka dhacay qaraxu uu hakad ku yimi isu socodka Dadka iyo Gaadiidka, hadana talisku waxa ay sheegeen in isu socodka dadka iyo gaadiidku uu yahay mid caadi ku soo noqday.

Wararka aanu ka helayno magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ay sheegayaa in hal Qof uu ku dhintay qaraxaasi kaasi oo ilo xog ogaal ah ay sheegayaan inuu qayb ka yahay bulshada rayika ah ee qaraxaasi uu ku wax yeelobay.

Ma’aha markii ugu horeysay oo qarax uu ka dhaco magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug oo isla horaantii sanadkan, qarax noocan oo kale ah lagu dilay Taliyihii ciidamada sirdoonka Puntland ee marka magacooda la sooo gaabiyo loo yaqaan PIS.

Baashe Maxamed

Gaalkacayo

No comments:

Post a Comment