Tuesday 20 October 2009

CARUUR DA’DOODU U DHAXASYO 4-16 JIR OO CAFAAD DARO TII UGU XUMAYD HASTAO UNA BAHAN GARGAAR BANI AADANIMO.

CARUUR DA’DOODU U DHAXASYO 4-16 JIR OO CAFAAD DARO TII UGU XUMAYD HASTAO UNA BAHAN GARGAAR BANI AADANIMO.

Carruur Da’doodu u dhaxayso 16 illaa 4 sano jir oo caafimad darro tii u xumayd haysato una baahan Gargaar Bini aadanimo.

Burco: waxaan saaka aroornimadii bookhanay Guri ay jiifaan ill 3 carruur ah oo caafimad darro dhinaca tamarta iyo maskaxda ay haysato, Hadaba annagoo ahayn Koox weriyayal ama saxafiiyin ah ayaa waxan iska raacnay meel magaalada badhtankeeda ah si aan u soo bookhano dadkaasi bukaanka isla markaasna danyarta ah, iyadoo xaafadda dakaasi jooganna ay na gaysay weriye Farxiya C/laahi Maxamed oo ah saxafiyiinta madaxa bannaan ee ku sugan Gobolka, Hadaba isla markii aan xaafadda tagnay waxay markiiba indhahayagu qabteen Guri yar oo Buul caws ama kuwa loo yaqaano aqal soomaali oo dayac badani uu ka muuqday, hadaba qoyskan danyarta ah ayaa haysta ill aa 3 carruur ah oo dhammaantood maskaxda, Jidhka, lafaha iyo dareemayaasha intaba ka liita isla markaasna u baahan Daawayn iyo sidii caafimad ay ku heli lahaayeen, hadaba marka aad Guriga illinkiisa marayso waxaad maqlaysaa dhawaqa carruur aad u yar yar iyo hadaaqa ilmaha jira 3da bilood iyo wixii la mid ah balse marka aad Guriga hore u gasho waxad arkaysaa in waxa dhawaqayaa ama hadaaqayaa ay yihiin ilmo 16 sano jir ah iyo mid kale oo 10 sano jir ah, sidoo kale waxa jirta inankale oo 4 sano jir oo iyana sidoo kale u xanuusan iyo weliba Hooyadood oo markaasi ag fadhiday carrurtaasi, C/samad iyo maxamed waa labada wiil ee 16ka iyi 10 sano jirka ah isla markaasna xaaladooda caafimad aad u liidato, hadaba waxaa an Guriga ku sugnayn markii aan bookhanay aabaha carrurtan, hadaba sida sawirada idinka muuqataba carruurtan ayaan lahayn awood ama tamar ay ku fadhiistan ama ku sarajoogsadaan iyagoo xilli walba iska dhul yaal ah oo sidaas aan markii 1aad ugu soo galnay u jiifa halka markii danbe mid walba hooyada carrurtani soo sara fadhisaya iyado gacmaheeda ku haysa haddii ay sii daysona ana xejin kara fadhiga.
QOYS WAYN
ugu danbayntii waxanu waraysi yar oo kooban ka qaadnay Hooyada Carruurtani dhashay aya waxay noga sheekaysay xilliga ay caarrutani sidan noqdeen iyo bal inay jiraan carruur kale oo la mid ah kuwan oo ka dhintay ama nool oo cusbitaalo ku jira.
Hadaba waraysigan kooban oo uu qaaday weriye C/lahi Cali Caydiid ayaa u dhacay sidan:

S- Ugu horayn Hooyo carruurtani muddo intee leegbay sidan ahaayen?

J- carrurtani in badan aayay sidan ahaayen qaarna wayba ku dhasheen.

S- Hayye carruur kale oo hadda dhakaatiir ku jirtaa miyay jiraan mise waa saddexdan uun imminka?

J-haa imminka waa saddexdan uun lakin afar wiil baa xanuunkano kale u dhintay oo noocan ahaa.

S-Hayye, Cid idinka Gargaarta oo gacan idiin fidisa marna ma hesheen se baaq ma dirateen dadka iyo shacba walaalaha ah ee muslimiinta ah bal inay wax idinka caawin karaan?

J- may hooyo cid na gargaarta ama gacan noo fidisay ma jirto cidna baaq hore ugumanan diran ilahay ka sokow.

S-bal wiilashan magacyadooda noo sheeg?

J-Kan C/samad baa l a yidha kanna maxamed.

S- wa aimmisa jir carrurtu?

J-Kan waa 16 sano jir kanna waa 10 sano jir inantaas yarina waa 4 sano jir.

S- Hayye Dhakhaatiir Gudaha ah carruurta ma gayseen?

J- waanu geynay dhakhaatiirta Gudaha oo dhan lakin ilaahay weli shibrkii nama siin.

S- Wax dhakhtar ah oo idinku yidhi waxbaanu ka qaban karnaa oo waa cudur la dawayn karo ma jiraa intii aad dhkhaatiirta u gaynayseen?

J- may.

S- markaa maxaad ka codsanaysaa imminka dadka ku dhegaysanaya ee walaalaha muslimiinta ah?

J- wixii wax na tari karaya ee nagu tari kara carruurtaas inaan dhakhaatiir dabadeed ku gayno waanu u baahanahay, mar walbana ilaahay waxanu waydiisana inu shimbirkii na tuso, ummada walaalaha ah waxan leeyahay ifka la isugu tudhaa ee dadkaas waxad u kari kartaan waa loo baahanyahay.

Hadaba carrurtan iyo qoyskan masiibadu ku habsatay Cid kastoo wax taraysaa ha la soo xidhiidho weriyayash Bookhday qoyskaas ama Telephonedan 4343783, 4411480, ama Email kan: Mustafe_480@hotmail.com

Waxa soo diyaariyey isla markasna Bookhday Qoyska
Weriyyaasha kala ah
C/lahi cali caydiid
Farxiya c/laahi Maxamed iyo Yasin

Waana habaynti iyo TAFATIRKII
Weriye Mustafe Osman A/rahman
Burco Somaliland

No comments:

Post a Comment