Tuesday 20 October 2009

Ururka kavyo Oo Kulan Hal Maalin Ah Oo Laga Hadlayey Halista Deegaankeena Haysata Ku Qabtay Hargaysa

Ururka kavyo Oo Kulan Hal Maalin Ah Oo Laga Hadlayey Halista Deegaankeena Haysata Ku Qabtay Hargaysa

Ururka kavyo Oo Kulan Hal Maalin Ah Oo Laga Hadlayey Halista Deegaankeena Haysata Ku Qabtay Hargaysa

Hargaysa: 20 October 2009. Ururka dhalinyarada mutadawaciinta KAVYO ayaa maalintii shalay kulan hal maalin ah u qabtay 30 dhalinyar wiilal iyo hablo iskugu jiray oo kala socday ururada wadaniga ah, ardayda jaamacadaha iyo bulshada inteeda kale. Kulan kan oo lagaga hadlayey burburka iyo nabaad guurka ku dhacay dhulkii wax laga beeri jiray (LAND-DEGRADATION), xooluhuna daaqi jireen.

Kulankan oo ka dhacay xarunta ururkaasi ku lee yahay magaalada Hargaysa, ayaa waxa ugu halkaasi ka hadlay gudoomiyaha ururka KAVYO Mudane C/raxmaan Axmed Farax. Waxaanu gudoomiyuhu ugu horayn faahfaahin ka bixiyey kulankani waxa uu ku saabsan yahay iyo ujeedada ay u qabteen,Waxaanu yidhi (kulan keenan maantu waxa uu ku saabsan yahay sidii aynu uga doodi lahayn burburka iyo nabaad guurka ku dhulkii aynu waxna ka beeran jirnay, xooluhuna inoo daaqi jireen (Land-Degradation). Sababta keentay in aanu u qabano kulan kani waxa weeyi sidii aynu uga wada hadli lahayn sidii loo joojin lahaa dhibaatooyin haysta dhulkeena iyo sidaynu uga hortagi lahayn burburka xooga leh ee ku soo waajahan, hadaynaan maanta marintaasi wax ka qabana saamayn badan ayey inagu yeelan doontaa oo aynaan hadhow waxba kaqaban karin).

Your browser may not support display of this image.

Gudoomiyuhu waxa aad ugu dheeraaday sidii dhibaatooyin kaa looga hortagi lahaa, waxaanu kula dardaarmay ka soo qayb galayaasha kulan kaasi in ay dajiyaan qorshihii lagaga hortagi lahaa dhibatadaasi.

Waxa isna halkaasi ka hadlay gudoomiyaha Ha’ada ka hortaga masiibooyinka dabiiciga ah Mudane Maxamed Muuse Cawaale, waxaanu gudoomiyuhu ka waramay burburka xoogan ee ku soo foolka guud ahaan deegaankeena, waxanu yidhi (imaka waxaad maqashaan biyo yaraan ayaa dhacaday, abaaraa jira iyo waxyaalo kale oo la sheegayo, miyaad ogtihiin waxa keenay dhibaatooyin kaasi? Waxa wax yaalahaasi oo dhankeenay waxa weeyi markaynu xaalufinay dhirteenii ee aynu ka dhiganay dhuxul iyo wax yaalo kale,markaynu dhulkeenii wada wado baabuur ka dhignay, ayey tani dhacday, haddaan si dagdag ahna wax looga qabanin waxa iman doonta tantu ka sii xun oo aynu waxba ka qaban kari wayno.)

Waxaanu kula taliyey gudoomiyuhu bulshadeena inay ka foojignaadaan wax alaaliyo wixii dhibaato u keenaya deegaankeena.

Waxa kaloo halkaasi ka hadlay gudoomiyaha dalada Deegaan Network Mudane Muxiyadiin Axmed Jibriil, waxaanu gudoomiyuhu ka hadlay dhibaatooyin ka jira dhulkeena iyo sidii wax looga qaban lahaa, waxaanu ku taliyey in arinta kaliya ee wax lagaga qaban karaa ay tahay inagoo dhamaanteen ka wada shaqayna sidii loo joojin lahaa arintan, waxaanu si gaara ugu dardaarmat dhalinyarta inay ka shaqeeyaan ilaalinta deegaanka.

Waxa kulan kaasi si rasmi ah u furay Agaasimaha Waaxda Deegaanka ee Wasaarada Deegaanka iyo Horu-marinta reer miyiga Mudane; C/kariin Aadan cumar, waxaanu halkaasi ka sheegay siyaasada wasaarada deegaanku ay ka leedahay sidii wax loo qaban lahaa dhibaatooyin lagu hayo deegaan ka iyo burburka ku yimid dhulkeena (Land-Degradation), waxaanu yidhi isaga oo arrintaasi ka halaya (horta dhammaanteen xil ayaa inaga wada saaran deegaankeena ilaalintiisa ka wasaarad ahaana siyaasad cad ayaa nooga dajisan arintan oo aanu ugu talo galnay in aanu wax kaga qabno, waxaana loo baahan yahay in aynu ka wada shaqayno, runtii barnaamijyada iyo kulanada noocan oo kale ahna waxa loo baahan yahay in aynu joogtayno, waxaanan rajaynayaa in aad ka faa’iidaysan doontaan duruusta aad halkan qaadataan).

Durruusta siminaarkan lagu qaadanayey waxa bixinayey Guleed Xasan Dirir, waxa kale oo isna halkaasi ka hadlay Sakariye Cabdi Cali (quraysh) oo ka socday golaha sare ururka KAVYO.

Gebagabadii kulan kaasi waxa laga soo saaray qorshe loogu talo galay in wax lagaga qabto burburka ku yimid dhulkii aynu wax ka beeran jirnay, xooluhuna inoo daaqi jireen, waxaana akhriyey qodobada halkaasi laga soo saaray, soona gunaanaday kulankaasi, Agaasimaha ururka KAVYO, Mudane C/risaaq Xuseen Jamaac waxaanu yidhi (ugu horayn waxa aan umahad naqayaa dhammaan ka soo qayb galayaasha kulankan, sida wanaagsan ee ay uga soo qayb galeen kulankan, kulan keenan qorshaha aynu ugu talo-galnay in wax lagaga qabto burburka ku yimid dhulkii aynu wax ka beeran jirnay, xooluhuna inoo daaqi jireen waxa ka mida: In dhir beeris la sameeyo, In dadka laga wacyigaliyo jaritaanka dhirta,In dhir laga beero meelaha dhirtii ka bixi jirtay la dabar jaray, markaa waxa loo baahan yahay in aynu ka shaqayno sidii loo fulin lahaa qorshahaasi).

Contact: Kavyo.org@hotmail.com

No comments:

Post a Comment