Saturday 24 October 2009

Qormadii: 5aad Xuska 25-Guurada Maalinta Shuhadada ee SNM

Qormadii: 5aad Xuska 25-Guurada Maalinta Shuhadada ee SNM

SNM

Qormadii: 5aad Xuska 25-Guurada Maalinta Shuhadada ee SNM

17/10/1984kii – 17/10/2009

Hadda Mujaahid Diiriye-gaab ayaa gaawaha inoo hayay oo aynu gaaxdii xusuustiisa maalaynay. Intaa hore wuxu ku kabay:

“Markii gabbalkii dhacay dib-u-gurasho xeel dagaaal ayaanu Burco-duurrey ku tagnay. Dhaawicii ayaanu halkaa ku urursannay. Iyaga oo ciidan xul ah oo hubeysan isu haystay haddana wixii goobta ka gaadhay waa ay u qaadan waayeen. Waxay ahayd mid ka mid maalmihii ugu mudnaa ee SNM ka guulaysato ciidanka cadawga. Waxay ahayd maalin cadawga si aanu ka soo kabin karin oo ceeb iyo weji-gabaxba ku ahayd loo jebiyay.”

Waa tahay. Haddii ay intaasi inala kala gaadhay labadaa rug-caddaa, bal hadda immikana aan dheehanno Mujaahid Quulle oo goorahanba afku cun-cunayay, waxaanu yidhi:

“Marka hore shuhadadii aan Faataxada u marno. Intii la dhalatay iyo intii ay ka dhinteenna Ilaahay ha ka cawilo. Dhammaanteen Ilaaheen ha inaga cawilo. Waa maalin farxadeed. Waana maalin murugo. Waa maalin farxadeed oo waa maalintii cadawga laga guulaystay. Waana maalin murugo oo waa maalintii ay SNM ugu khasaaraha badnayd raggii ugu qiimaha badnaana ay ummadda ka baxeen. Haddii aanu khasaare ku soo gaadhin guul ma hantidid. Marka hawsha lagu jiro ninba dhinac ayuu wax ka arkaa ama aragtidiisa ayuu ku hadlaaye, nimankii maalintaa foodda aanu is-darray ballaan-qaad dallacaadeed ayay qabeen oo ku dagaallamayeen. Darajo ay helaan oo ay nidaam daallin ah ka kasbadaan ayay u dagaallamayeen. Annaguna waxaanu ahayn niman Janno doon ah ama dal iyo dad doon ah. Foodda markii aanu is-darnay iyaga oo naga xoog badnaa oo naga tiro-badnaa waxaanu kaga guulaysannay hiilka Eebbe, xaq-u-dirirkii aanu ahayn iyo niyaddayadii birta ahyd. Gurmad waxa noogu sokeeyay Laan-qayrta oo galbeed naga xigtay iyo Gubad-daalaco oo bariga naga xigtay. Labaduba waa ay naga fogaayeen. Soomaalidu waxay ku maah-maahdaa: Geesi il buu diriraa. Dantu waxay nagu qasabtay in Mujaahid kastaaba wixi rasaas qoriga ugu jiray uu madhxiyo, beekhaamiyo oo uu si tashiilan u adeegsado si aanu gacanta cadawga ugu dhicin.

Cadawga meesha marayay waxba iskagama kaaya tirin, waxaana taa kuu caddaynaysa halka uu nagu soo doontay iyaga oo 26km gudaha u soo galay dalka Itoobiya. Ujeeddadoodu waxay ahayd in ay burburiyaan oo ay cagta mariyaan ciidankaa Sayid Cali ee xuddunta u ahaa cududdii hubeysneyd ee SNM.”

Haakah! Ma tidhaahdeen oo warankaa Burco-duurrey iyo warkeedii ma idiin baxay. Bal hadda aan sheekada yar hakinnoo oo dib u guurno 25-kaa sannadood oo tagno 25/10/1984kii. Aan daalacanno warbixintii Ibraahin Kood-buur maalintaa ka qoray dagaalkaa meesha Xabashi la yidhaahdo ka dhacay, bal se Burco-duurrey ku can-baxay. Warbixintan iyada oo teeb ku garaacan oo sawiran ayaan ka qaaday Mujaahid cabdi-shanaad. Waxaan idiin ku soo minguurinayaa sidii uu Ibraahin Kood-buur maalintaa u garaacay isaga oo Diri-dhabe ku sugnaa.

Warbixinta Ibraahin Kood-buur inta aanan bilaabin, Naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e’ aan ka ambo-baxo weedhaha ugu danbeeya ee warbixintani ku dhammaato, waxaanu qoray Ibraahin Kood-buur, 25/10/1984kii:

“Taariikhdu markii ay ahayd 19/10/1984kii ciidammadii SNM ee ka kala yimid Dugsigii tababarka ee Awaare, Laan-qayrta iyo Dhooba-guduud waxay weerareen cadawga oo joogay Qol-buulalle goor habeennimo ah. Khasaarihii cadawga gaadhay oo aad u weynaa weli lama soo tiro-koobin, ciidammadeennana waxa ka shahiiday Mujaahid Maxamuud Siciid Daa’uud.”

Sow tii uu Hadraawi lahaa:

“Fidmo looma sacab-tumo,

Hadday sii fogaatana,

Ninka cararay waa fule,”

Aan ku noqonno shahiid Ibraahin Kood-buur iyo warbixintiisii Burco-duurrey ee 25/10/1984kii, waxaanaynu u soo gaabsanaynaa sidan hoos ku qoran:

SOMALI NATIONAL MOVEMENT

Flimsy Fayl Dire Dawa

Oct. 25/1984

Guddoomiyaha SNM

Dire Dawa

Uj: warbixin dagaal

17kii Oct. 1984 saacaddu markay ahayd 2.45 galabnimo, Guutada Sayid Cali oo deggenayd Kaam xabashi, waxa soo weeraray cadaw watay 24 gaadhi oo kala ah:

10 gawaadhida gaashaaman ah, 4 jiib, 2 Zuu, 2 Shilke, 2 Toyota oo ay saarnaayeen qoryaha ‘Brown’ iyo ‘Gerinove’ iyo 4 baabuur oo waaweyn oo ‘Ife’ ahaa.

Ciidanka cadawguna wuxu ka koobnaa 500 oo askari oo aad u hubeysnaa.

Ciidankeennu wuu ka digniin helay cadawga oo wuxu ugu diyaar-garoobay meel keymo xidhan leh. Ciidankeennu wuxu gaashaanka u qabtay oo uu dib u celiyay Raacii 1aad iyo Raacii 2aad ee cadawga oo uu ka dhigay wax dhintay, wax dhaawacmay iyo wax baxsaday, gaadiid bandanna waa laga gubay.

(La soco………………)

No comments:

Post a Comment