Wednesday 21 October 2009

GUDIDA FULINTA EE UDUB EE EMAARADKA CARABTA OO TALO U SOO JEEDIYEY WAKIILADA IYO MADAXWEYNAHA

GUDIDA FULINTA EE UDUB EE EMAARADKA CARABTA OO TALO U SOO JEEDIYEY WAKIILADA IYO MADAXWEYNAHA

الى فخامة رئيس جمهورية ارض الصومال المشرف حفظه الله
الى مجلس النواب جمهورية ارض الصومال الموقر

السلام عليكم ورحمة الله وبركات بعد التحية

waxaannu halkan ka salaamayaa dhammaan mareegaha madaxa bannaan
waxa kale oo aannu salaamaynaa dhammaan shacabka somaliland ee sharafta leh

waxaan salaamayaa golaha wakiillada intooda iimaanka qabta ee dhaartii fulisay

WAXAANNU IDINKULA DARDAARMAYNAA

inaad arrinka komishanka ku qiimaysan sida sharcigu dhigayo
inaydaan cidna u eexan cidna ka ee xan =inaydaan cidna u habran
inaad ku qiimaysan waddaniyad inaad aad uga baaraan tagtaan waa inaad dadka
xubnahan aqoonta gaarka ah u leh wax ka waydiisaan waa inaydaan ansaxin
xubin kasta oo buuxin wayda shuruudaha u yaalla xubnaha komishanka doorashooyinka

waxaannu idika waaninaynaa

inaad ka foojignaataan inay la mid noqdaan sidii kuwii hore ee dad iyo duunyaba
jeebka ku shubtay ee halaagga innoo horseeday ee rabbi innaga badbaadiyay
waa inaad nin walba markaad ansaxinaysaan kitaabka qur’aanka ku dhaarisaan in aanu
saddexda xisbi qaran aanu midkoodna u ee xan

madaxweynaha

mudane madaxweyne waannu ku salaamaynaa

mudane madaxweyne waxa kaa muuqata habacsanaan & caga jiid faradan oo ujeeddo badan
in badanbaad doorashada kaca jiidday oo aad adiga iyo komoshankii hore dib ugu dhigteen
sababo rakhiis ah oo aan caqliga shacabka reer somaliland qaadan kari waayeen
kana dagi wayday

mudane madaxweyne ummadda reer somaliland kaama yeelayaan cagajiid danbe
sidii aad ayaamihii dhaweyd had yeeshay ee ahayd kala shaandhayn aanad xaq
lahayn ee aad ku samaysay xibnihii ay soo xuleen labada xisbi qaran iyo golaha guurtidu

mudane madaxweyne waxa muuqata inaanad wali caga jiidkii kaa muuqdo sababtoo ah
waxa soo baxaya oo sheegaya qaar ka mid ah xubnaha aad soo xushay inaanay buuxin
karin shuruudihii laga rabay guddiga doorashooyinka qaranka haddii ay taasi rumowdo
oo lagugu soo celiyo waxa kula gudboon inaad si dhakhso ah u soo baddasho

si aynu uga soo kabanno dhibtii =khasaarihii =sumcad xumadii =cabsidii = khilaafkii
hay anna gadhsiiyeen komishankii hore ee ay ka madhnayd wax waddaniyad ahi

mudane madaxweyne ceeb maaha in lagu canaantaa =ceeb maaha in wax laguu sheegaa
mudane madaxweyne ceeb maaha inaad shcabka u tanaasushaa oo aad aqbashaa
fikradahooda kala duwan =taladooda =aaraadooda =aratiyadooda iyo himiladoodab

mudane madaxweyne dadkan adaa u madaxweyne ah mucaarid & muxaafidba
maaha inaad koox yar oo UDUB ah uun aad warkooda qaadato waa inaad ummaadda
u dhaxaysaa oo aad mucaaridkana warkiisa qaadataa oo aad kii danta dalka & dadkuba
ee ay danta guudi ku jirto u hogaansantaa maaha inaad danta guud ka hor marisaa dantaada
xataa hadday tahay kursiga aad ku fadhidid illayn kurisiga shacabkaa iska leh oo ayagaa
ciddii ay ugartaan saaraya sidii ay horaba adiga kuu saareen

(وقل اعملو فسيرى الله عملكم ورسوله) صدق الله العظيم

guddiga fulinta xibiga UDUB
1 DR abdirahmaan ahmad jama guddoomiye
2 ENG osman abdilahi mire g/k.xigeen
3 khadar aqli alaleh xoghaye
4 omar haji osman hubin
5 esa jama handuleh xubin
6 ahmad kahin mire xubin
7 abdi omar warfa xibin
8 abdi hasan barkhad xubin
9 mahamad migane dharar xubin
10 ali magan dualeh xubin
11 canab elmi jimaleh xibin

khadar aqli alaleh
xoghayaha ahna kusimaha afhayrnka
khadarsaw@hotmail.com
abu dhabi
UAE

No comments:

Post a Comment