Tuesday 20 October 2009

WALI MA ARAGTAY, AMA MAQASHAY MAQDARAD-ILKEED ??

WALI MA ARAGTAY, AMA MAQASHAY MAQDARAD-ILKEED ??

Weli Ma Aragtay, Ama Maqashay Maqdarad-ILkeed?
Meel shirb lagu qabtay oo ay ka soo qaybgaleen Wasiir, Xildhibaano, Saraakiil sare, Maal-qabeenno, Aqoonyahanno, Oday dhaqameed iyo Dhalinyaro, ayaa waxa in uu leeyahay maqadarad Ilkeed kaga dhawaaqay abwaan Macallin Gaaxnuug, oo ka mid ah hal-abuurada kaalinta weyn ka ciyaaray silsiladii caanka ahayd ee Deelley, laakiin cidi ugumay may iman maqdaradii Ilkaha, Macallin Gaaxnuug isaga oo ka hadlaya in loo iman waayay kuna halqabsanaya Lug-Gooyo (AHN) iyo Ibraahim-Gadhle (AHN), ayuu tiriyay gabaygan:

Lugooyow aduunyada markaan, dayay abwaabteeda
Intaan anigu joogiyo intii, oday ka sheekeeyay
Ilko laysu saaraa u weyn, deeqda aadmiga’e
Gawskii itaal gabay marbuu, dib u adkaadaaye
Haddaan qaadka uusmiiran jiray, eegga raamsadaye
Ma adeegto mooyiyo tibtaad, igu ogeydeene
Abwaankii Gadhliyo Yoonis baan, aad u mahadshaaye
Hayeeshee akbaartii kalaan, ibir ka joogaaye
Maan arag indheergaratadii, ubuxu saarnaaye
Nimankii maqdaradii ilkaha, iigu iman waayay
Ehel iyo sokeeyiyo ma nihin, ul iyo diirkeede
Ma Amxaaraday iga xigaan, waa amuur culuse?

Waxa gabaygaa ka jawaabay Lugooyo oo wakhtigaa Jabuuti joogay, isaga oo ka faa’iidaystay laba qalad, oo Macallin Gaaxnuug galay.

Waa marka hore, e Macallin Gaaxnuug inamo yar yar oo uu dhali karo, ayuu weydiistay in ay ilkaha u saaraan.
Waa mar labaadka’e, Itoobiya oo wakhtigaa hiil iyo hoo’ba SNM la garab joogtey, dadkeedana soo dhaweysey ayuu Macallin Gaaxnuug ku sheegay cadow iyo shisheeye, jawaabtii Lugooyo-na waa tan

Gaaxnuug afkaaga ku diley, eedna soo duwaye
Mar haddii Awow lagu yidhaa, gawsna kugu oollin
Awlaadso mooyee ma lihid, aayatiin kale’e
Oday inamadiisii inkirey, lama ammaaneyne
Nimankaad indheergarad hurdiyo, ibir ka soo qaaday
Ma ogtahay Riyooliyo Xirsaa, kuu ardaa xiga’e
Iyaguna maqdaradii ilkaha, kuugu may imane
Af dhintoo af nool loo dilaa, waa Allow sahale
Waa xaajo uguboon la arag, Abadan Xaawaaye
Nin abaal ku taray kaama geyo, ereyga quudheede
Ma Amxaaradaa lagu gafaa, ubadka noo haysa?

Gaaxnuug waxa uu yidhi “Waxa aanu aniga iyo AHN Ibraahim-Gadhle meel aanu ka marno weynay tuduca ah

Af dhintoo af nool loo dilaa, waa Allow sahale


Siciid Maxamuud Gahayr

Education and Research Academy “ERA”

002522 4428604

saedmgahair@hotmail.com

Hargeysa

No comments:

Post a Comment