Saturday 24 October 2009

ASTAAMAHA GOBOLADA IYO DEGMOOYINKA

ASTAAMAHA GOBOLADA IYO DEGMOOYINKA

Gobolada iyo Astaamahooda:-
qoris
Sidaynu ka warhayno waxa aad u soo badanaya Gobollo, iyo degmooyin cusub.Haddaba gobolaasi iyo degmooyinkaas waxa dhibaato ka haysataa sidii ay astamo u samaysan lahaayeen.Waxa fiican in aad ogaataan in gobol iyo degmo waliba magac leedahay, si haddaba ay kuugu fududaato sidaad ASTAAN u samaysan lahayd waxaad isku daydaa in aad magaca iyo ASTAANTU is waafaqaan tusaale:-
1. Gobolka Oodweyne- ASTAAN haw nqoto OOD ama dhirta nooca aad uga baxa.
2. Gobolka hawd –ASTAAN haw noqoto dhirta hawd ka baxda amaba ciidda cassi.
3. Goblka Gabiley-ASTAAN haw noqoto Gabiyo ama beero.
4. Gobolka Saaxil-ASTAAN haw noqoto xeebta,dhulka ama dhirta gubanka.
5. I.W.M.
Intaasi waxay ahayd tusaalooyinka Gobolada qaar, Markaas intaad Libaaxyo,doofarro, iyo qoryo rasaasi ka dhacayso ula bixi lahaydeen waxa fiican inaad magacaas gobolka ama degmada ka baadhataan ASTAAN waa haddii aad magaca Gobolka ama degmada markii horeba aad ku qanacsanayd.Haddii aanad markii horeba ku qanacsanayn dee yeel sidii aad magaca Gobolka ama kan degmada aad u beddeli lahaydeen.
Markii hore ee aynu tuulooyinka ama magaalooyinka magacyada u bixinaynay waxaynu ugu bixinaynay calaamadaha ay meeshaasi leedahay iminkana calaamadihii aynu ku naqaanay meeshaas yaynaan dhaafin.ASTAAN(LOGO/SHICAAR) waa wax meeshaas markiiba lagu soo baadi sooci karo.Haddii aan arko ASTAAN beer ku saabsan markiiba waxaan garanayaa in ay Gabiley iyo aageedaas tahay.Haddii aad ASTAAN ka dhigato BAKAYLE,LIBAAX,GORAYO,DAAYEER IYO DOOFAAR waxaan markiiba iswaydiinayaa waar meeshaas xayawaanka noocaasi ku nool yahay waa halkee.
Waxaan ku leeyahay ASTAANTA meesha aad u doonayso ka dhex baadh, iskuna day in aad ASTAAN fiican oo aan hadhow la beddelin hesho.
Wa billaahi al-tawfiiq.
Warsame.

No comments:

Post a Comment