Saturday 24 October 2009

Madaxweyne Rayaale Oo Dalka Xukumyey 7 Sano Iyo Badh Halkii La Sugayay Inuu Soo Bandhigo Waxqabad Loolanka Doorashada Uu Ku Galo Ayaa Waxa Uu Ajande K

Madaxweyne Rayaale Oo Dalka Xukumyey 7 Sano Iyo Badh Halkii La Sugayay Inuu Soo Bandhigo Waxqabad Loolanka Doorashada Uu Ku Galo Ayaa Waxa Uu Ajande Ka Dhigtay Xisbi Hebel Baa Laga Soo Baxay

FAYSAL CALI WARAABE

Guddoomiyaha Ucid Oo Uga Digey Xukuumada In Hantida Qaranka Ay U Adeegsato Ololaha Doorashada Madaxtooyada, Shaacana Ka Qaaday In Xisbigooda Ay Ka Mamnuuci Doonaan Dadka Maalin-Ba Xisbi Ku Biira

“Madaxweyne Rayaale Oo Dalka Xukumyey 7 Sano Iyo Badh Halkii La Sugayay Inuu Soo Bandhigo Waxqabad Loolanka Doorashada Uu Ku Galo Ayaa Waxa Uu Ajande Ka Dhigtay Xisbi Hebel Baa Laga Soo Baxay, Musharaxiinta Udub Ayaa La Khiyaamaynayaa Oo Jar Looga Talaabsanaya” Gudoomiyaha Ucid Waraysi Khaasa

- Gudoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa madaxweyne Rayaale uga digay in hantida qaranka uu u adeegsado loolanka doorashada madaxtooyada, kuna baaqay in barnaamij wax qabad ay xisbiyada siyaasiga ahi usoo bandhigaan ummada, isagoo intaa ku daray inaanay wax xikmad ahi ku jirin in dadka lagu jaahwareeriyo abaabulo iska soo horjeeda, oo xisbiyadu ay ku kala hororsadaan kooxo dadweyne ah oo uu ku tilmaamay weji ku macaash ay UCID-ahaana ka mamnuuci doonaan in xisbigooda ay ku so biiraan shqsiyaadka dhaqanadaasi ku sifoobay si weyna uga digay, in xukumadu ay bulshada dhalinyarada u adeegsato hantida ka so baxday cashuuraha dalka.

Gudoomiyaha UCID waxa uu sidaas ku sheegay mar uu xalay wargeyska Haatuf khadka Telephone-ka xog-waraysi khaasa kula yeeshay, kaas oo uu kaga hadlay xafladaha ay xisbiyada siyaasadu iska barbar qabtaan ee beryahan-danbe caadada u noqotay in bulshada qaarkeed TV-ga qaranka taageero looga radiyo xisbiga Udub, oo uu ku tilmamay in xukumadu barobagandaha axsaabta mucaaridka ay u adeegasato TV-ga ay gacanta ku hayso, waraysigasiua waxa uu u dhacay sedan:

S. Sideed u aragtaa wararka sheegaya in xukumadu ay taageero dhaqaale ay kalsooni ugu doonayso xisbiga Udub oo la sheegay in beryahan danbe in bulshada dhalinyarada ee ku dhaqan caasimada Hargeysa in lacago loo qaybiyey.

J. Madaxweyne Rayaale oo dalka xukumayey muddo 7sano iyo badh ah oo laga sugayey inuu ummada u soo bandhigo wax qabad uu ku galo tartanka doorashada ayaa waxa nasib daro noqotay in xukuumadiisu ay ajande ka dhigato xisbi hebel baa laga soo baxay oo hebel baa lagu soo biira, waxaan qabaa in raga abaabuladaas samaynayaa ay khiyaamaynayaan oo ay jar uga talaabsanayaan madaxweynaha iyo ku xigeenka, oo dhaliyaradaas la leeyahay xisbiyo ayay ka soo baxeen waa kuwaa badda isku guraya ee bilaa camalka ah, anagu xisbigayaga waanu ka mamnuucaynaa dad yidhaahda xisbi hebel baanu ka soo baxnay inay ku soo biiraan waxaanan u arkaa in musharaxiinta Udub uun lagu khiyaamaynayo oo been lacag lagaga qaadayo wax suurto-gal ahna maaha in ummada lagu khiyameeyo cashuurtii wax loogu qaban lahaa, hadaan anigu ahay musharaxii reer Hargeysana aqbali mayno in dhalinyarada la iskaga horkeeno cashuurtooda ay ka qatan yihiin in loogu adeegsado sidii dhexdooda la isaga horkeeni lahaa, madaxweynahana waxaan leeyahay waxa anshax xumadaas oo dhan soo abaabuulaya masuuliyiinta xukuumadaada iyo TV-ga magaca qaran sita ee sida xun lo isticmaalayo ee wax ka qabo ummadana usoo bandhig wixii aad 7-da sano iyo badhka aad kursiga fadhiday cashuurtii aad ka qaaday ugu qabatay, taageeradaada oo aad u adeegsato dhaqaalaha dalkuna waxay badhi furaysaa heshiiskii lixda qodob ee aynu kala sexeexanay ee aynu kuwada balan qaadnay inaynu wada shaqayno si doorasho xalaal ah oo wanaagsani inoogu dhacdo.

S. Mala odhan karaa xisbiyadiina siyaasada oo halkii la idinka filayey in ummada u soo bandhigtaan barnaamijyo ay idinku doortaan inaydun idinku sabab u tihiin jahawareerkan sababay in maalinba ay xisbi ku cararaan bulshadu?

J: Ummadd ahaan ayay inoo ceebaynaysaa oo siyaasadda wadankeena ayay sawir xun ka bixinaysaa dakan inta la soo abaabulo oo odhanaya xisbi hebel abaanu ka baxnay ee maalinta kalena odhanaya been ayay ahayd oo kamaanu bixin, xisbiyadu waa in ay keenaan Barnaamijyadii waxqabad ee ay ummadda ku hogaamin lahaayeen, laakiinse wax xigmad ah oo ku jirtaa ma jirto, KULMIYE ayanau lka soo baxnay iyo UDUB baanu ka soo baxnay anaguna xisbi ahaan dadka weji ku macaashka ah ee yidhaahda xisbi hebel abaanu ka soo baxnay ee kolba xisbi hebel ku soo biira waanu kamamnuucaynaa in ay xisbigayaga ku soo biiraan, madaxweynahana waxa aan u soo jeedinayaa inuu ummadda u soo ban-dhigo wixii uu muddadaasi uu kursiga fadhiyey uu ummadda u qabtay anaguna waxa aanu soo bandhigi doonaa waxa aanu u qaban doono ummadda, TV-ga magaca qaran sittta ee loo addeegsado Dacaayadaha ee UDUB-baa lagu soo biiray mooyaane aan barnaamujyo kale siidaynina dadweynuhu waa ay ka niyad jabeen oo maba daawadaan, Madaxweynuhuna waa in uu wax ka qabto TV-gaa ummadda cayda ku ah.

No comments:

Post a Comment