Wednesday 28 October 2009

CIIDAMADA QARANKA EE S/L OO BAABIYEY MADAAR LAGA XAADHAYEY BUUHOODLE(SAWIRO)

CIIDAMADA QARANKA EE S/L OO BAABIYEY MADAAR LAGA XAADHAYEY BUUHOODLE(SAWIRO)

Ciidanka Qaranka Sl ee Jiidda Buuhoodle oo uu horkacayo Col. Axmed Maxamed Aadan Guul ( Dalbac) ayna weheliyaan saraakiisha ay ka mid yahiin Col Ismaaciil Xaashi Huruuse, Col Maxamed Sh cabdi Dabcasar (Tuur) & Capt Cali Ducaale ayaa waxa ay saaka socdaal ku kala bixiyeen daafaha magaalada Buuhoodle, halka sidoo kalena ay tageen goobtii laga xaadhayey maalmahan garoonka diyaaradaha inkastoo xiligaasi aanay la kulmin wax dadweyne ah oo la xusi karo oo goobtaasi joogay ( Daawo sawirada).

Ciidanka Qaranka ayaa beryahanba ka waday deegaanka hawlo lagu xoojinayo barnaamijka rajo soo celinta Buuhoodle ( Buhotle Restore Operation) waxana ay maanta oo dhan wadeen barnaamij wacyigelin ah oo dadweynaha deegaanka loogu sheegayo inay isdejiyaan, ka dib markii ay dadka qaarkii werwer ka muujiyeen raxanta gawaadhida dagaalka ee gelbinaysay saraakiishani.

Col. Dalbac & Col Tuur

Saraakiisha Ciidanka qaranka & Askar

Saraakiisha Ciidanka oo Joojunaya Xaadhitankii Air-Port-ka

Gawaadhida Dagaalka ee Ciidanka qaranka oo Buuhoodle Jooga

Allhawd.com

No comments:

Post a Comment