Monday 26 October 2009

WAFTI UU HOGAAMINAYO WASIIR KU XIGEENKA CADAALADA OO KORMEER KU SOO MARAY DEEGANADA SANAAG IYO FADHIISAMDA CIIDAMADA MAARIINSKA EE XEEBAHA S/LAND

WAFTI UU HOGAAMINAYO WASIIR KU XIGEENKA CADAALADA OO KORMEER KU SOO MARAY DEEGANADA SANAAG IYO FADHIISAMDA CIIDAMADA MAARIINSKA EE XEEBAHA S/LAND

talwasiir ku xigenka Caddaaladda iyo wefti u hogaaminayo oo kormeer hal usbuuc ah ku soo maray Deeganada Gobolka sanaag iyo weliba fadhiisimaha ciidamada mariiniska ee ilaalada xeebaha S/land.

Wasiir ku xigeenka Wasaarada Cadaalada Somaliland Yuusuf Ciise Ducaale (Tallaabo), ayaa kormeer shaqo oo qaatay lix maalmood ku soo maray deegaamo ka tirsan Gobolka Sanaag, gaar ahaan degmooyinka Xiis Maydh Shalcaw iyo Laasasurrad, iyadoo safarka Wasiir ku xigeenka ay li weheliyaan Taliyaha Mariiniska Ilaalada Xeebaha Gobolka Sanaag iyo Taliyaha Qaybta gobolka.

weftiga ayaa ugu horyen safarkooda ka bilaabay magaalo xeebeeda Maydh iyagoo kulanno la yeeshay ciidamada mariiniska ilaalada xeebaha ee gobolka Sanaag, madaxada degmada Maydh iyo dhamaan qaybaha bulshada ee halkaa ku dhaqan, iyadoo maamulka degmada iyo dadweynuhuba ka dayriyey dhibaatooyinka baahiyaha bulshada oo aad u liita, sida caafimaadka, waxbarashada iyo biyaha.talabo

wasiirka ayaa u ballan-qaaday dadweynaha iyo madaxda degmadaba in wixii xukuummad ahaan ay awoodi karaan ay si dhakhso ah u soo gaadhsiin doonaan, islamarkaana ay ku wargelin doonaan Hay’;adaha deeqaha bixiya.

uu wasiirku xusay inuu wax ka qaban doono arimaha ladagaalanka budhcadbadeeda iyadoo xukuumaduna ay wax ka qabn doonto waxaana uu ay socdaal kooda ku soo mareen degaamada magaalo xeebeed yada.

Tallaabo1_2

Cutubyo kamida guutooyinka mariiniska ilaalada xeebaha gobolka sanaag ee ku sugan tuullooyinka uu wasiir kuxigenku soo maray, ayaa si weyn u soo dhaweeyey wasiir-ku-xigeenka iyo weftiga uu hoggaaminayey, iyagoo siinayey sallaan sharaf ugu daynbayna waxay weftigu soo mareen magaalooyinka laasasurad iyo Shalcaw oo ay soo dhawayn sare kala kulmeen bulshada halkaa ku dhaqnaa socdlaaka ayaa waftida wasiir ku-xigeenka qaadatay mudo 6maalmooda waxaana ay soo mareen meel god ah oo laga qodayey macdan yadoo loo iibgeeyo dhinaca maamul goboleedka p/land waxaana uu wasiirku sheegay cidii lagu qab to in laga qaadi doono talaabo sharciga waafaqsan ayna keeni doonaan ciidamo ilaaliya.

weriye :c/naasir khaalid Siciid

Togaharer News

Ceerigaabo

No comments:

Post a Comment