Friday 23 October 2009

HAL ABUURKA HIRGALY IYO HABEENKII GABYAAYE

HAL ABUURKA HIRGALY IYO HABEENKII GABYAAYE

Madal Suugaaneed ay isugu yimaadeen dad weyne Faro badan oo isugu jiray Abwaano, Qalinley, Siyaasiyiin ka kala socotay Saddexda Xisbi Qaran, Arday iyo Marti sharaf faro badan oo Rag iyo Dumarba leh, ayaa Xalay Cawayskii ka dhacday Hoteelka la yidhaa Imperial ee Magaalada Hargeysa.

Cawayskan oo loogu magac daray Hal-abuurka Hirgalay, laguna Sharfayey ama lagu soo dhawaynayey Abwaan kamida hormoodka Wakhtigan ee dhanka Suugaanta, ayaa waxaa soo qaban qaabiy Ururka Hal-abuurka Somaliland oo ay ku midoobeen badi Abwaanda Facan ee ku kala nool Dacalada Dunida.

Munaasibaddan oo ahayd mid si heer sare ah ay usoo agaasimeen Wakiilada halkan u jooga Ururka Hal-abuurka Somaliland C/razaaq-Maayo iyo Saciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi), ayaa waxaa ka mid ahaa Waxyaabihii lagu soo bandhigay Maansooyin aad u qiimo badan, Sheekooyin Guurka ku saabsan, iyo Waliba Ciyaaraha Hiddaha iyo Dhaqanka oo ay kooxda SOCSA halkaasi ka cayaareen indhaha Dadkana aad usoo jiitay.

Abwaan Saciid Maxamuud Gahayr oo ahaa Xidhiidhiyaha Barnaamijka ayaa ugu horreyn halkaasi kusoo dhaweeyey Wakiilka Ururka Abwaan Cabdirazaaq-maayo. Waxaanu Maayo si kooban uga warbixiyey Wax qabadka iyo Himilooyinka Ururka, issagoo markii dambana Madasha kusoo dhaweeyey Abwaanka Loo asteeyey Habeenkan oo ahaa Abwaan Maxamuud Sh.C/laahi-Maaray (Gabyaaye).

Abwaan Maxamuud-Gabyaaye ayaa ugu horeyn u mahadceliyey dhammaan kasoo qaybgalayaashii iyo waliba Ciddii Agaasinka iyo isu duba ridka Hawshan lahayd, Waxaanu Abwaanku wakhtigoo Cidhiidhiye awgii uu toos u gudo galay Mid kamida Maansooyinkiisa faraha badan, taasoo la yidhaa “ILACYALAY”, Sida uu sheegayna uu kaga qayb galay Silsilad la yidhaa AFTI-QAAD oo uu bud-dhige ka ahaa Guddoomiyaha Ururka HIDDA DHAWR Abwaan Maxamuud Xuseen Qaalib (Wadani).

Maansada “ILACYALAY” oo ka hadlaysa siduu Abwaankuba ka dhawaajiyey Muran-diineedka ka dhex jira Kooxaha Faraha badan, siiba kuwa Bannaysanayabuu yidhi Dhiigga Dadka Islaamka ah, Waxaana Erayada Jiiftadan Gabyaaye ka mid ahaa:
Aminsame wadaniyoow
Islaamnimadu waa tay
U qireen adoomuhu
Amni iyo inay tahay
Bulsho udulubkeediyo
Ubadka iyo maatida
Iyo inta ugu itaal daran
Ammintay u daran tahay
Adhax ay ku cayntaan
Oon lagu unuun jarin

Amuurahan dhacaayiyo
Aafaadka maalmahan
Awlaxa nin rimiyaa
Ajal qaybinaayeen
Wixii laga ajoon jiray
Loo aabbo yeelayn….

Maansadan oo ahayd mid dadka aad usoo jiidatay, aadna ugu sacabinayeen, ayaa waxa uu Abwaanku usoo bandhigay si farshaxanimo leh, issagoo kaga hadlay waxyaabo badan aan Diin iyo Dadnmaba ku fiicnayn. Abwaanku Gabyaaye waxa uu ku wargaliyey dhammaan Hal-abuurka Somaliland kasoo qayb galka Silsilad Suugaaneed Cusub oo uu dhawaan Daah-furi doono Haddii Eebbe Idmo, taasoo siduu sheegay ka duwan Hilamadii Silsiladaha hore. Waxaanu wax yar ka ibo-bixiyey ujeedada iyo Bar-tilmaameedka Silsiladda, issagoo sheegay inuu ku axadhayo Siyaasadda Dalka. Waxaanu ugu dambayn halkaasi kusoo gudbiyey Magaca Maansada Bud-dhiga u ah Silsiladdaasi oo uu ku sheegay RAAD-RAAC.

Qalinlaha Caanka ah ee qoray Buugaagta ay ka mid yihiin Sirta Guurka Barbaarsame iyo Nabaadiino Xassan Cabdi Madar oo isna ka mid ahaa Marti sharafta, ayaa hadal kooban ka jeediyey, waxanu Mahad celinta guud iyo ta gaarba kadib uu si kooban uga warramayey Muhimadda uu Qoraalku u leeyahay Bulshadeena, issagoo tusaalooyin wax ku ooll ah soo qaatay. waxaanu Qoraagu ku boorriyey Jiilka soo koraya inaanay Suugaanta ka dhigan oo kaliya Madadaalo meel lagaga kaco, laakiin ay Qoraan oo ay Kaydiyaan, Si buu yidhi aanay Taariikhdeena iyo Afkeenuba u Hallaabin.

Waxa iyaguna Madashaasi ka hadlay Siyaasiyiin iyo Masuuliyiin ka kala tirsan Saddexda Xisbi Qaran, waxaana ka mid ahaa Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Cali Sheekh Maxamed, Guddoomiyaha Waqooyiga Maraykanka ahna Xubin ka mida Golaha Fulinta ee Xisbiga UCID Eng Kayse Cali Geeddi, Iyo Xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland ahna Mudane kasoo baxay Xisbiga KULMIYE Cali Maxamed Xassan (Cali-mareexaan). Waxaanay Masuuliyiintaasi dhammaantoodba ay Carrabka ku dhufteen kana hadleen Qiimaha uu leeyahay Afkeena Hooyo iyo Suugaanteena Hodanka ah, Waxaanay ku boorriyeen Dhalinta wakhtigan inay Awoodda saaraan ilaalina Hiddaha iyo DHaqankeena Suuban, Garwaaqsadaana Lama huraanku inuu iyaga yahay.

Masuuliyiintan oo sida laga filan karaba Biyo Hoostood iska arkaya, ayaa midiba danahii Xisbigiisa uu hoosta ka dhiibtay, iyadoo Madashaasi ay isu duur xuleen, weerar Suluulxin iyo Weerar celis la mid ahina uu Madashaasi ku dhex maray Masuuliyiinta Labada Xisbi ee UDUB iyo KULMIYE.

Abwaan Saciid Ibraahim Dool ( Saciid-Guray) oo ka mida Ururka Hidda Dhawr ayaa halkaasi ka jeediyey Maanso aad u qiiro badan oo la yidhaa Dhagaraha Jacaylka, taasoo ka hadlaysa ama uu kaga hadlayo Dhacdo Fool xun oo uu la kulamay, taasoo ahayd Ilmo yar oo uu ku arkay Dooxa Hargeysa iyadoo lagu soo tuuray Wakhti Wakhtiyada kamida. Waxa kale oo Abwaankani Carrabaabay Maamhmaah hirgashay oo ah “ Raggu waa Raggiisii, Rayina waa Ninkii hela”, taasoo dad badani is waydiin jireen Cidda Curisay ama heshay, waayo waxay Difaac u noqonaysaa Faca wakhtigan iyo Fankooda, waxayn Burinaysaa Maahmaah jirtay oo ahayd “ Raggu waa Raggii hore, hadalna waa intuu yidhi”

Daadihiyaha Barnaamijka Mr Hargeysaawi oo dadka aad uga qosliyey, Su’aalo Aqoon badani ku dheehantahayna halkaasi ka waydiinayey, ayaa Doorkan waxa uu Su’aal aad u qiimo badan oo dadku lasoo ruqaansadeen uu waydiiyey Mujaahidka Qoraaga weyn Boobe Yuusuf Ducaale, Su’aashaasoo ahayd Boobow Goormay kuugu darnayd?
Waxa uu Boobe tibaaxay in Ammintaasi ahayd wakhtigii halganka SNM , taasoo uu sheegay inay ahayd Goortii ugu darnayd, isagoo xusay in Nin kamida Mujaahidiintii uu ku toogan gaadhay Hal Sigaara oo uu u diiday.

Boobe Issagoo Ninkaasi galaafan gaadhay Naftiisa ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi oo hadaladiisii ka mid ahaa “ Nin toogtay Nin ayaa Maxkamad lasaarayey kaasi oo ahaa kii Bambada ila raadinayey, ayaa Subaxdii markuu toosay intuu galay Makhaayad yidhi Qureec Beera isiiya, kii Makhaayadda haystayna waxuu yidhi wuu dhammaaday, dabeedna waxa uu yidhi sowka ka halkaa fadhiyaa Cunaya, Kaasaa ugu dambeeya Beer ayuu Hudheelihii ugu jawaabay, Dabeed intuu Qorigiisii Afjeexa ahaa lasoo baxay ayuu dhafoorka ka toogtay, Markii la ii sheegay inuu ninkani yahay kii anna Xalay Bambada ila raadinayey ayaan Muraara dillaacay” intaasi markuu yidhi Boobe ayey Dadkii isku dareen Sawaxankii sacabka.

Kooxda Dhalinyarada Hiddaha iyo Dhaqanka ama aan idhaahdo Jiibta iyo Jaanta ee Somaliland Culture and Sports Association loona soo gaabiyo SOCSA, ayaa halkaasi Wacdaro ka dhigay, waxaanay kusoo bandhigeen Cayaaraha Qoob ka yaarka, Sida Cayaarta Saylicida oo aad loola dhacay. Waxaanay kooxdaasi soo jiiteen dhammaan dareenkii Daawadayaasha, kuwaasoo aad ugu dhaygagay Habka ay isula helayaan Jiibta iyo Jaanta. Waxaanay Dadweynihii halkaasi isug yimi ay isu dareen Sacab aan kala go’lahayn.

Ugu dambayntii waxaa Barnaamijkaasi soo afmeeray Hal-abuurka weyn Dhaqan yaqaan Muuse Cali-Faruur, Abwaanka oo laga Codsaday inuu ka hadlo Guurka ayaa Madashaasi si ballaadhan oo Mug leh uga Ibo-bixiyey Guurka iyo Noocyadiisii kala duwanaa. Waxaanu intaasi kagadaal raaciyey Ifafaalo Fiican oo uu ka bixiyey Zamanka innagu soo foolka leh iyo waliba Wakhtigan xaadirka ah Barwaaqada ka jirta Miyiga Hawdka oo lagu xasuusan karo Waayo-waayo, Markaad aragtid Nimcada taala iyo Dhirta noocyadeeda kala duwan ee Meelahaasi ka baxday.

Diyaariye: C/salaam Cusmaan Cumar-jeex (Abu-Hurayra).
E-mail: Salaanmuctasim@hotmail.com
Hargeysa, Somaliland

HAL ABUURKA HIRGALY

1 comment:

  1. HALKAN HALKAN KA DIB MARKII DADKA MAGAALADA

    TESTIMONY SIDA AAD U HELI KARTAA HADDII AAD KA QAADO GURIYEYNTA GOOBAHA SHAQAALAHA IYO HORUMARINTA SHIRKADDA CIIDAMADA WAXAAN BADAN KA BADAN YAHAY MIDNIMADA IYO WAXAAD KA HELI KARTAA SHARCIYADA.
    ,
    Magacaygu waa Abdullah Waxaan ka socdaa magaalada Kismaayo waxaan raadinay shirkad dhab ah amaahda ah 5tii bilood ee la soo dhaafay, si aan u iibsado guri
    Dhammaan wixii aan helay waxay ahayd faragelin khiyaamo ah oo iga dhigay inaan ku kalsoonaado iyo dhammaadka
    Maalintii, waxay igu qaadeen lacagtayda aniga oo aan wax walba soo celin
    rajadaydii way luntay, waan wareeray oo aan niyad jabay, marnaba ma dooneynin inaan wax ka qabano shirkadaha amaahda internetka, sidaas darteed waxaan lacag ka amaahday
    saaxiib, waxaan u sheegay wixii dhacay oo dhan, waxayna tiri inay i caawin karto, taas
    Waxay ogyihiin shirkad deyn ah oo iga caawin karta wax kasta oo amaah ah
    Iyada oo loo baahan yahay dulsaar aad u hooseeya oo ah 2%, oo kaliya waxay heshay a
    Amaahda, waxay igu amartay sida loo dalbado amaahda, waxaan sameeyay
    sida ay ii sheegtay, waxaan ku codsaday Emailka (albakerloanfirm@gmail.com) weligay ma rumaysan laakiin waan isku dayay
    Aad ayaan u yaabay inaan helay deynta 24 saacadood gudahood, ma rumaysan karo,
    Waxaan ku faraxsanahay mar kale hodan, waxaanan ku mahadsanahay deynkaas
    Shirkadaha sidan oo kale ah ayaa weli ku jira khiyaamadan oo dhan meelo badan,
    fadlan halkan waxaan kugula talinayaa dadkaas inay u baahan yihiin deyn si ay u tagaan
    (albakerloanfirm@gmail.com) waligood kuma guulaysan doonaan, iyo
    noloshaadu waa isbedeshaa sida aan sameeyay. Xiriir xiriir ah (albakerloanfirm@gmail.com) maanta oo aad deyn ka qaadato, Ilaahay ha u ducee Albaray shirkad si ay u bixiyaan deyn dhab ah.
     Hubso inaad la xiriirto shirkad Albaka ah amaahdaada deyn ahaaneed sababtoo ah waxaan si dakhso ah uga helay shirkadan iyada oo aan lahayn walbahaar.

    ReplyDelete