Monday 26 October 2009

XAFLADII XIL WAREEJINTA BADHASAABKA GOBOLKA MAROODI JEEX OO MAANTA KA DHACDAY XARANTA GOBOLKAASI.

XAFLADII XIL WAREEJINTA BADHASAABKA GOBOLKA MAROODI JEEX OO MAANTA KA DHACDAY XARANTA GOBOLKAASI.

Badhasaabkii hore ee gobolka Hargaysa Xali Xasan Maxamuud{Cali Asad} oo maanta xilikii ku wareejiyey badhsaabksa cusub ayaa sheegay in mudo laba bilood ka hor ah uu madaxweynaha u gudbiyey warqad uu kaga dalbanaayo in uu xilka ka wareejiyo taas oo uu sheegay in uu ugu dambayntii ka aqbalay madaxweynu ,

Xafladii xil wareejinta oo lagu qabtay xarunta maamulka Gobolka Maroodi jeex, waxa ka soo qey galay Wasiirul dawlaha Arrimaha Gudaha, Wasiir Ku Xigeenka Arrimaha Gudaha, Guddoomiye Ku Xigeenka Gobolka Hargeysa, cuqaal iyo madax dhaqameed ka mid salaadiinta Gobolka.

Badhasaabka cusub gobolka Maroodi-jeex Maxamed Cabdi Daa’uud, ayaa u mahad naqay dadkii xafladaas isugu yimi, waxaana hadal uu halkaas ka jeedayiyay ku ammaanay, guddoomiyihii hore oo uu ka dalbaday inuu wixii waayo aragnimadiisa ah la garabtaagnaado. Waxaanu yidhi “Xafiiska waa xafiiskiisii Cali Asad tallo iyo waayo aragnimadiisana waa loo baahan yahay, sida uu Cali ii sheegay saxaafadu ilaa xalay nala hadlayeen. Madaxweynuhu afkiisa isagaa iiga sheegay in Cali xilkan ka cudur daartay oo uu yidhi Madaxweyne xilkan iga wareeji.Gobolkan Maroodi jeex waa gobol la wada leeyahay Somaliland oo dhami wada joogto, gobolku wuxuu u baahan yahay horumar, waana aanu dedaali doonaa sidii wax loo qaban lahaa,”Sidaa waxaa yidhi Maxamed Cabdi Daauud badhasaabka cusub ee xilka la wareegayey.

Sidoo kale xafladasi waxaa hadal ka jeediyey Badhasabkii hore ee gobolka Maroodi jeex Cali Xasan Maxamuud {Cali Asad} waxaanuu sheegay hadaladii la isla dhex maraayey ee ahaa in aniga iyo madaxweynuhu aanu isku dhacnay in aanay waxba ka jirin jaraaidada ka soo baxa dalkuna ay nin walba meeshuu jeclaa uu ula kacay arintan waxaana hadaladiisii ka mid ahaa

“Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex Waa xil culus oo eediisa leh waa caasimadii Somaliland oo ay degan yihiin shacbiga ugu badan oo wakhtiyada qaarkood nabad gelyada wax yeeli kara waxaan illaahay Badhasaabka cusub uga baryayaa inuu u fududeeyo wixii aad iiga baahatana waan kugu garab istaagi doonaa. Gobolkan intii aan xilka hayay muddo sadex sanadood ah waxa ka hoos baxay oo Gobolnimo loo magacaabay degmooyinkii Gabilay iyo Bali Gubadle. Waxaana imika hadhay shan degmo oo caasimada gudihiisa ah iyo lix degmo oo dibada Hargeysa ah.”

Cali asad waxa kale oo uu sheegay in uu xilala badan ka soo qabtay dalka sida Badhasaabkii hore wuxuu sheegay inuu si niyad sami ah ugu wareejinayo xilka Guddoomiyaha cusub, waxaanu sheegay in muddadii Somaliland ay jirtay aanu shaqo qaban muddo afar sanadood ah, isagoo tilmaamay inuu soo noqday Maayarkii Caasimada Hargeysa ahna Badhasaabkii Gobolka, Xoghayaha fulinta dawlada hoose Hargeysa, Agaasimaha maaliyada dawlada hoose Hargeysa, Agaasimaha cashuuraha bariga ah ee Berbera, Wasiir Ku Xigeenada Wasaaradaha waxbarashada iyo Macdanta iyo biyaha, Maareeyaha Wakaalada Biyaha Hargeysa iyo imika oo uu wareejinayo Badhasaabkii Gobolka Maroodi-jeex.

“Waxaas oo xil ah waxaan mar walba kala wareegayay rag muwaadiniin ah oo si kalsooniya iyo kal gacaltooyo ah iigu wareejinayay Aniguna waa inaan sidaasi si la mid ah u wareejiyaa,”kuwaasi waxay ka mid ahaayeen hadalkii uu Cali Asad ka jeediyey xaflada xil wareejinta labada badhsab ee Marodi jeex.

Sidoo kale waxaaxafladaasi ka hadlay madaxdii ka socotay wasarada arimaha gudaha Somaliland taas oo ay u kala wareejinayen xilka labada badhasaab ee midna tagaayey midna xilka la waregaayey.

Warqabdka Togaherer

Hargasaysa


No comments:

Post a Comment