Monday 26 October 2009

Ilmo Yar oo la sheegay inuu Qof Dad qal ahi Dhaawacyo u gaystay oo Csbitaalka Hargeysa iyo Nabarrada ku yaal.

Ilmo Yar oo la sheegay inuu Qof Dad qal ahi Dhaawacyo u gaystay oo Csbitaalka Hargeysa iyo Nabarrada ku yaal.

news

Ilmo Yar oo la sheegay inuu Qof Dad qal ahi Dhaawacyo u gaystay oo Csbitaalka Hargeysa iyo Nabarrada ku yaal.

“Gacan-ku-dhiigluhu dayay waxa uu isku dayay inuu kala gooyo xididada halbowlayaasha dhiiga ee Madaxa gala, afka ayuuna ula tagay si uu dhiiga u Cabo”.

Hargeysa()-Nin loo malaynayo inuu

Rooda Ibraahim Xuseen oo ah ilmo Sideed Jir ah ayaa la sheegay in Nin dad-qal ahi dhaawacyo si arxan darro u geystay, isaga oo adeegsanaya afkiisa iyo waxyaabo kale.

Falkan oo ka dhacay deegaanka Xaabaale ee koonfurta nawaaxiga Madaarka Hargeysa ayaa Gabadhan yar oo lagu daweynayo Cisbitaalka Edna Maternity Hospital waxa ay dhaawacyo cul-culus kaga yaalaan Wajiga, Qoorta iyo Madaxa, iyada oo gacan-ku-dhiiglihii falkan geystayna uu baxday.

Weriye ka tirsan Shabakadda Sallaxleynews oo tegey cusbitaalka lagu dawaynayo Gabadhan yar (Edna Maternity) ayaa indhihiisa ku soo arkay nabarro naxdin leh oo ka muuqda gabadhan yar, iyadoo xataa qoorteedu ku sigatay inay kala go’do.

Dr Deeq Siciid oo ka mid ah Dhakhaatiirka Cisbitaalka Edna Maternity Hospital oo weriyuhu arrintan wax ka weydiiy ayaa ka dayriyey xaalada Caafimad ee Ilmahan yar waxana uu sheegay in Ninkani isku dayey inuu kala gooyo Xididda halbowle-yaasha dhiigeeda. ‘canka (dhabanka) oo dhana waa la gooyay oo wuu maqan yahayba, raqabaduna way go’antahay, Madaxa” ayuu yidhi Dr. Deeq Siciid oo ka war bixinayay xaalada gabadha yar,

Waxaanu wax laga xumaado ku tilmaamay falkan naxdinta leh ee loo geystay Ilmahan,

“Waxa Cisbitaalka Edna la keenay 6:30 makhribnimo gabadh yar oo laga keenay Madaarka Hargeysa dabadiisa, gabadhaas yar oo uu qof isku dayay inuu dilo, una gaystay dhaawacyo cul-culus oo wajiga, qoorta iyo madaxaba leh, la iskuna dayay in la gooyo xididada halbowlayaasha dhiiga ee Madaxa galla. qofkana waxa la sheegay inuu afka ula tagay si uu dhiiga u cabo, markaa dadku markay ilmaha yar heleen, ilmaha ayuun bay soo qaadeen, waxaana la yidhi ninkiina wuu baxsaday, markaa waxa muhiim ah in cidii ay khusaysay ay wax ka qabato, waayo waxani muddo ayuu soo noqnoqday, markaa waa arin muhiim ah in dadka dambiyada noocan ah galaya la soo qabto oo la dabo galo.”.Sidaa ayuu yidhi Dr. Deeq

Digtoorku waxa uu sheegay in dhaawacyada inantan yar ku yaala loogu gaystay walax uu ku sifeeyay inuu saawir yahay waxaanu yidhi “Inantu way nooshahay, laakiin xaaladeedu waa xaalad aad u halis ah. Nabadarada Inanta yar ku dhacay, waxa loogu gaystay wax aan isku sinayn oo afkiisu karkaran yahay, canka (dhabanka) oo dhana waa la gooyay oo wuu maqan yahayba, raqabaduna way go’antahay, Madaxa nabar ayaa kaga yaala, adigu si axmaqnimo ah ayaa la iskugu dayay in inanta yar nafta looga gooyo. Dadkuna waxay noo sheegeen inuu qofku doonayay inuu dhiigeeda cabo”.

Aabaha Rooda-yar oo Ibraahim Xuseen, oo aanu isaguna kula kulanay Cisbitaalka, ayaa isaguna yidhi “Warkan waxa anaga la noo soo sheegay salaadii makhrib ee meesha inanta yar lagu cunay maanaan joogin, ee qofbaa qashay ayuun baa la nagula soo hadlay oo la noogu sheegay warka.”.

Si kastaba ha ahaatee, falkan foosha xun ayaa si weyn loogu hadal hayaa goobaha la isugu yimaado iyadoo dareeno argagax leh laga muujinayo, waana falkani dadka dib u xusuusinayaa laba sanadood ka hor falal noocan oo kale ah oo loo gaystay laba Carruur ah, kuwaasoo nin qaba cudurka Juudaanku ka dalooliyay dhuunta, isla markaana uu Dhiiga ka jaqay xididka Halbowlaha, Ninkaas oo markii dambe ciidamada amnigu gacanta ku dhigeen isagoo ku sugan degmadda wajaale

Waxaana cabsi laga qabaa saamaynta falalkan qudh gooyada ahi ku yeelan karaan xasiloonidii iyo amniga ay Somaliland ku caano maashay.

Sallaxleynews Desk

Hargeysa, Somaliland

No comments:

Post a Comment