Wednesday 21 October 2009

XUKUUMADDA SOMALILAND OO QARKA U SAARAN INAY GURAN KARI WEYDAY CASHUURAHA DALKA

XUKUUMADDA SOMALILAND OO QARKA U SAARAN INAY GURAN KARI WEYDAY CASHUURAHA DALKA

Xukuumadda Somaliland oo qarka u saaran inay Guran kari Weydo Cashuuraha Dalka

Xisaabiyaha Guud oo ku Guuldaraystay in Madbacadda Qaranku u Daabacdo Juwano Cusub

Hay’addaha kala duwan ee xukuumadda u qaabilsan ururinta cashuuraha ayaa qarka u saaran inay ka dhamaadaan ama ka go’aan juwanada iyo buugaagta ay cashuuraha ku ururiyaan ka dib markii ay istaagtay shaqadii madbacadda qaranka oo u daabici jirtay

sida ilo xogogaal ahi Waaheen u xaqiijiyeen waxa walaac weyn ka muujiyay buugaagta iyo juwanada dhamaaday ee ay dawladdu cashuurta ku ururiso xisaabiyaha guud ee qaranka Bile Aw Deyr oo toddobaadkan gudihiisa kulan uu la yeeshay agaasimayaasha iyo shaqaalaha madbacada qaranka kaga dalbaday in ay sida ugu dhakhsaha badan ugu daabacaan juwanada

xisaabiyaha guud waxa uu u sheegay shaqaalahaasi inaan la hayn wax juwano ah toddobaadkan wixii ka danbeeya oo lagaga shaqeeyo ilaha dhaqaaluhu ka soo baxo ee dalka sida; dekedda berbera oo ah halka uu dakhliga ugu badani dalka ka soo galo iyo kastamada qaarkood. balse sida la sheegay waxa uu kala kulmay shaqaalaha madbacadda diidmo ay kala horyimaadeen,waxaanay u sheegeen inaan wax agab ah oo lagu soo saaraa oolin madbacadda isla markaana waxay intaa ku dareen inaanay hayn wax mushahar ah oo ay ku shaqeeyaan, muddo ilaa toddoba bilood ahna uu ka maqan yahay mushaharkoodii, iyagoo ka dalbaday xisaabiyaha inuu u doono. Taasina waxay waji gabax ku riday xisaabiyaha guud oo kaga huleelay fara madhnaan, waxaanu kulankaasi ku dhamaaday muran iyo natiijo la’aan.

Sidoo kale waxay mushkilad tan oo kale ahi soo foodsaartay hay’addaha dawladdaha kala duwan ee wax ka daabacda madbacadda qaranka, gaar ahaan dawladdaha hoose oo ay maamuladdooda lacagtu dul meehaanabayaan madbacada, iyadoo la sheegay toddobaadkan gudihiisa inay weyday dawladda hoose ee Hargeysi juwanadii ay ku urursan jirtay cashuurta maalinlaha ah ee ay kaga qaadaan lacagta meheradaha yar yar ee magaaladda. Taasoo sababtay in ay kharash dheeraad ah ku bixiyaan daabacaada buugaagtooda, iyadoo sida la sheegay ay maalin walba ku shubtaan mishiinka madbacadda shidaal gaadhaya soddon litir sidoo kalena ay guneeyaan shaqaalaha u daabacaya.

Waxa kale oo gabi ahaanba ay gabtay Madbacaddu Qaranku soo Saarista wargayska Dawladda ee Maandeeq oo loo waayey agabkii lagu daabici lahaa oo markii hore loo soo raacin jiray agabka ay wax ku daabacdo madbacadu.

Arrintan ayaa waxay khatar ku tahay ururinta cashuurta dawladda iyo dhokumantiyadda lagaga shaqeeyo xafiisyadda. Taasoo aanay ka daabacan Karin madbacad kale ilaa ogolaansho ay ka helaan Hanti dhawraha qaranka maadaama ay jirto Digreeto Madaxweynihii hore Marxuum Maxamed X Ibraahim Cigaal ku mamnuucay in madbacad kale laga daabaco dhokumantiyada dawladda si looga ilaaliyo inay gacmo kale u galaan

Mushkiladda ka aloosan madbacada qaranka ayaanay ilaa hada xukuumaddu xal u helin inkastoo ay u saartay guddi baadha dhibaatada curyaamisay shaqadda madbacadda, guddidaasoo ay ka mid yihiin wasiirka madaxtooyadda, Hanti dhawraha guud ee qaranka iyo guddoomiyaha Hay’adda shaqaalaha dawladda kuwaasoo ilaa hada aan wax xal ah u helin inay ka shaqaysiiyaan madbacadda

Madabacadda qaranka ayaa gebi ahaanba aan wax shaqo ah qaban,tan iyo markii ay shaqaalaha madabacadu sameeyeen shaqo joojin ay kaga cabanayaan mushahar la’aantooda iyo inaanay haynin agab ay ku shaqeeyaan.

Tani waxay qayb ka tahay maamul xumo ka jirta hay’addaha dawladda oo aan helin wax daryeel ah iyadoo malaayiin lacag ah oo aan la garanayn meel ay ka soo baxday xubno xukuumadda ka mid ahi ku isticmaalayaan meelo aan munaasib ku ahayn.

WARGEYSKA WAAHEEN


No comments:

Post a Comment