Wednesday 28 October 2009

AIRPORT KA BUUHODLE MA AHA KINIISAD LA TAKOORAYO EE WAA HORUMAR SOO KORDHAY

AIRPORT KA BUUHODLE MA AHA KINIISAD LA TAKOORAYO EE WAA HORUMAR SOO KORDHAY

QALINKII
BUHOODLE yaan laga dhigan meel siyasadeeda la isku riixo ama meel kubada lagu ciyaaro. iskuma xidhna magalada buuheedle hurumarinteeda iyo arimaa siyasadu buuheedle wuu u bahanyahay AIRPORT wana deegan baladhan oo an ka marmi karin garoon diyaradeed waxana ku xeeran deegano an ka marmayn in dadkooda qurbaa jooga ka soo dagaan ama hayadda calamagi ah ka soo dagaan .

Sidaa daradeedna buuhoodle waa magalo somaliland marnaba ka marmi mayso gagi diyaradeed waxa dadka qurbaa jooga dhibaya diyarad fadhiisanaysaa hargiasa ama garoowe tasina waxay keentay in dadka reer togdheer ee howdka dagaa ay qofkooda ka yimada qurbaa uu malmo ama wakhti badan u soo socdo deegankiisa.

markaa way ubahantahay deeganka buuhoodle gagi ay diyaraduu fadhiistaan dadka reer buuhoodlana yan la fogayn oo hurumarka laga horjoogsan siyasiyiinta ka soo jeeda buhodle ee marba meel u yacayana waxa an odhan lahaa shinbir duul duul badani aflibaax bay gashaa ee iska daaya yacyacida aad marba dhan ka soo yaacaysaan oo siyasada deegankaa howdka fadhiisiya oo xaga hurumarka uun ka eega iyo dib udhiska.

Hadii garoon diyaradeed laga dhiso buuhoodle waxa ka faa’iidaya dadka qurbaa jooga ee ka soo jeeda howdka somaliland sida DAGMADA BALIDHIIG.QURULUGUD, COODANLE,iyo ilaa 100 tuulo oo kuyaala howdka somaliland, waxa somliland ay ku balantay in an laga hor iman dib udhiska soo kordha meel kasta oo somliland kamida,waxan maqalkan ku gabagabaynayaa AIRPORT KA buuhoodle kinsad maha diin gaara wada ee waa hurumar soo kordhay yan siyasad laga dhigin . ee halaga tashado doorasho xalaala oo ka dhacda somaliland.

maha dadka somaliland in marba meel lagu jahwareersho sida caruur la sasabaayo ee yan garoonka buuhoodle mushkilad laga dhigin

wabilahi towfiiq,

Saleebaan mohamud dhiidhi(dhagawayne)

No comments:

Post a Comment