Monday 26 October 2009

SULDAANKA GUUD EE BEESHA HABAR AWAL AYAA XILKII SULDANIMO U WAKIISHAY WALAAKII.

SULDAANKA GUUD EE BEESHA HABAR AWAL AYAA XILKII SULDANIMO U WAKIISHAY WALAAKII.

xasan suldan iyo  cabdiras-weynSuldaanka Guud ee beesha Awal ayaa suldaan Cabdi risaaq suldaan Cabdilaahi suldaan Cabdirahmaan ayaa u wakiishay xilkii saldanadnimo walkii Xasan Suldaan Cabdilaahi suldaan Cabdirahmaan , suldaanku waxa uu sheegay in uu in mudo ah qorbaha ku maqnaa hadeertona uu u yimid geeridii ku timid awawgii Maxamed Suldaan Diiriye oo uga wakiil ahaan jiray saladanada . qoraakii uu ku wakiishayna sidan ayuu u qoranaa.
Suldaan xasanwaynBismilaaahi raxmaani raxiim: Almxamdu lilaahi wa salaatu wa salaamu calaa sayidinaa muxammed,salalaahu calayhi wa salam. Waxaan ilaahay uga mahad naqayaa inuu inaga yeelay umad islaam ah oo uu inaga fadilay umadaha kale. Waxaan ilaahay uga mahad naqayaa nabad galyada uu inoo sugay,xasiloonidanada uu inagu galadaystay iyadoo ay dalal badan oo gobolka ah ay ka aloosan yihiin dagaalo iyo dhibaato. Waxaan ilaahay ka baryayaa inuu inoo adkeeyo amaanka inaga hayo cadawgeena wadankeenana ka yeelo badhaadhe,barwaaqo iyo kii lagu soo hirto. Ducadaa ka dib:- Maantaa oo bishu tahay October 26, 2009 anigoo ku hadlaya magacayga iyo ka beelaha subeer Awal waxaan halkan ka jeedinaayaa warmurtiyeed ku saabsan arimaha taajka kuldaanka guud ee beelaha subeer Awal. Waxaynu ka wada dharagsanahay taariikhdii iyo maraaxilkii kala duwanaa ee ay soo martay saldanadani,oo ka mid ah kuwa ugu faca wayn leh saldanadaha Somaliland tan iyo intii la I caleema saaray oo ku beegnayd 28 June 1988kii kadib geeridii aabahay suldaan C/laahi suldaan C/raxmaan suldaan diiriye. Waxaan talo wadareedka beeleed ka dib u amba baxay qurbaha si aan u dhamays tiro waxbarashadaydii sare ee jaamacada waxaan mudadaa xilkii u sii wakiishay oo ka hawl galay labadii marxuum ee kala ahaa suldaan Saxardiid iyo suldaan Max’ed naxariistii jano ilaahay ha ka waraabiyo labadoodabe. Sidaad ka war qabtaan waxaan in mudo ahba ku sugnaa qurbaha hadana waxaan u imid tacsidii geeridii kadiska ahayd ee ku timid awawgay suldaan Max’ed suldaan Diiriye ilaahay naxariistii jano ha ka waraabiyo e’. Mar hadii ay aniga I saaraan tahay caleentii saldanadda subeer Awal hase yeeshee aan qurbo-joog ahaa mudo dheer hawlo iyo qabyo badana ii taalo dibada,waxa lagama maarmaan noqotay inaan ku laabto qurbaha si aan ugu soo tabaabushaysto gudashada xilkaygii. Mudadaa aan maqanahay waxay ‘vacuum” ama fooggo. Si aan uga ilaaliyo inaanay jagadu marnaba banaanaan ayaan mar labaad wada tashi la yeeshay beelaha subeer Awal “gudo iyo dibadba”. Anigoo si gaar ah ula sii tashaday qoyska talada haya ee reer suldaan si looga taliyo sidii loo dabooli lahaa foogadaasi ka imanaysa maqnaanshahayga ku meel gaadhka ah,kadib markii aan dhagaystay talobixintii qaybaha kala duwan ee dadkii aan la kulmay hadii ay culimo tahay iyo hadii ay dhaqan tahayba una istikhaaraystay(siday diinteenu ina fartay)waxaan go,aan ku gaadhay sidan soo socota:- 1)laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 26 October 2009 waxaan u magacaabay walaalkay Xasan suldaan C/laahi sudaan C/raxmaan inuu sii hayo xilka saldanada guud ee subeer awal anigana uu wakiil iga yahay 2)waxaan ilaahay uga baryayaa inuu ku garabgalo xilkaasi culus oo aan aniguna si toos ah ugala socon doono xaalad wal oo soo korodha. 3)waxaan u soo jeedinayaa dhamaan madax-dhaqameedyada soomaaliland,xukuumada iyo axsaabta qarankuba inay sidaa u ogaadaan una fidiyaan taageeradii looga bartay. Wa bilaahi tawfiiq. Allaa mahad leh. Suldaan C/risaaq suldaan C/laahi suldaan C/raxmaan Suldaanka

No comments:

Post a Comment