Saturday 24 October 2009

URURKA KAVYO OO QABTAY XAFLAD LAGU XUSAAYEY MAALINTA ISBADALKA CIMILADA ADUUNKA

URURKA KAVYO OO QABTAY XAFLAD LAGU XUSAAYEY MAALINTA ISBADALKA CIMILADA ADUUNKA

Ururka KAVYO Oo Qabtay Xaflad Lagu Xusayey Maalinta Isbadalka Cimilada Adduunka

KAVYO
Hargaisa ;25/oct/2009. Waxaa habeenkii xalay ahaa lagu qabtay xaflad balaadhan oo lagu xusayay maalinta is bedelka cimilada aduunka (Word Climate Change Day) magalada hargaisa .

Xafladaas oo ay soo qaban qaabiyeen ururka dhalinyarada mutadawicinta ee KAVYO waxaa ka soo qaby galay dad wayne aad u tiro badan oo ka kala socday ururada dhalinyarada ,ardyada jaamacadaha ,bulshada rayidka ah ,madaxda dawlada , asxaabta qaranka iyo culimo awdiinka magaalada.

Hadaba xafladan oo ah mid sanadkiiba hal mar la xuso kuna began caawa oo ay bishu tahay oct 24 laga xusana daafaha dunida loona \aqoonsanyahay maalin caaalami ah, xafladan oo lagu qabtay xarunta Ururka SOCSA eek u taala xaafada 26 june ayaa ugu horayn waxaa halkaas ka hadlay gudoomiyaha ururka dhalinyarada ee kavyo C/raxmaan axmed faarah ugu horayn gudoomiyuhu wuxuu u mahadnaqay dhamaan marti sharafta ka soo qayb gashay xuskan waxaanu uga mahadceliyay sida qiimaha iyo qadarinta mudan ee ay u soo ajiibeen ka soo qayb galka xuskan caalamiga ah, sidoo kale gudoomiyuhu wuxuu ka wa ramay xafladan caawa ay isugu yimaadeen iyo qiimaha ay leedahay waxaanu hadalkiisa ku bilaabay (xafladeenan caawa waxaynu ugu dabaal dagaynaa maalinta loo aqoonsanyahay in la xuso maalinta is bedelka cimilada aduunka, waxaynu ka wada war haynaa is bedelka ku yimid cimilada aduunka taas oo manta dunida si wayn looga hadalhayo shirar farabadana la iska yimid sidii \wax looga qaban lahaa ,waxaana loo baahanyahay inaga ka Somaliland ahaan in aynu inaguna dhinaceena ka shaqayno arintaasi).

Gudoomiyuhu wuxuu aad ugu dheeraaday sidii loogu baahanyahay in dhalinyaradu ay ka shaqayso deeganka waxaanu ku la dardaarmay dhalinyarada inay u huraan xoogooda sidii ay uga hortagi lahaayeen dhibaatooyinka lagu hayo deegaanka kuwaas oo sababi kara in dhulkani isku badalo lama dagaan iyo saxaare.

Sidoo kale waxaa isna mikirifonka la wareegay agaasimaha waaxda deegaanka ee hay’ada ka hortaga masiibooyinka dabiiciga ah ee NERAD Mudane; C/kariin Aadan cumar wuxuuna ka waramay qiimaha ay maalintani leedahay iyo sida loogu baahanyahay in la xuso waxaanu yidhi

(Runtii maaalintani waa maalin aad iyo aad u qiimo badan taas oo loo cayimay inay tahay maalinta is bedelka cimilada aduunka,xuskan waxaa loogu talo galay in lagaga wada hadlo dhibaatooyinka ka jira caalamka manta ee ay sababtay is bedelka ku yimid cimilada aduunka, waynu ognahay manta dunidii way sii kululaanaysaa qabawguna wuu sii faro badanayaa waxa u sabab ahina waa biniaadamka waxaaana loo baahanyahay in arintaas wax laga qabto oo laga wada hadlo sidii looga hortagi lahaa ) waxaanu intaa ku daray oo uu ku booriyay dawdawynaha reer somaliladn iyo bulsho wanta caalamkaba in dhamaantood ay ka wada shaqeeyaan ilaalinta deegaanka kana foojignaadaan wax alaale iyo wixii dhibaato u keenaya.

Waxa iyana halkaasi ka hadashay gudoomiye ku-xigeenka Dalada Dhalinyarada Somaliland ee SONYO Faysa Aw-Cali, waxaanay ka hadashay sida loogu baahanyahay in kor loo qaado barnaamiyada lagaga wada hadlayo deegaanka waxaana ka soo qaybgalayaasha xafladan kula dardaaarantay in la joogteeyo barnaamiyada lagaga wada hadlayo horumarinta deegaanka waxaanay ku dheeraatay sida loogu baahanyahay in la xuso maalintan qiimaha badan ee laga xuso dunida ,sidoo kale waxay soo qaaday in ururka KAVYO uu yahay ururka kaliya ee caawa Somaliland ka xusay maalinta n qiimaha badan taasina ay muujninayso sida dhalinyartan kavyo oo kale ay ugu heela n yihiin horumarinta deegaankooda waxaanay u rajaysay guul iyo inay hadafkooda gaadhaan.

Waxa isna halkaasi ka hadlay guleed xasan dirir oo ku hadalayey magaca ka soo qayb galayaasha, waxaanu ka hadlay sidas loogu baahan yahay in la xuso maalintan oo kale, waxaanu bogaadiyey ururka soo qaban qaabiyey xuskan ee KAVYYO, waxaanu yidhi ( runtii waxa wax ilaahay loogu mahad naqo ah in dhalinyar sida KAVYO ah oo ka shaqaynaysa horumarinta deegaanka, runtii waa markii ugu horaysay ee somaliland laga xuso maalintan, waxanan halkan uga mahad naqayaa ururka soo qaban qaabiyey xuskan)

Waxa kale oo iyaguna halkaasi ka hadlay Mukhtaar Cabdi Jaamac iyo Mustafe Maxamed Xasan, waxaanay xuseen sida looga baahan yahay in dhalinyartu uga shaqayn lahayd hormarinta deegaan ka, waxaanay kula dardarmeen ka soo qayb galayaasha xuskan inay weeleeyaan aqoonta ay ka korodh sadeen barnaamijkan.

Waxa xafladan soo xidhay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Horumarinta Reer Miyiga iyo Deegaanka Mudane Jaamac Maxamed C/laahi (hilaac) waxaanu agaasimuhu si qotodheer uga hadlay qiimaha ay lee dahay munaasibadani, waxanu yidhi (marka hore waxa aan u mahad naqayaa ururka soo qban qaabiyey xuskan aynu caawa joogno, runtii markii iigu horaysay ee aan ka soo qayb galo xus habeen la qabanayo, waxa manta dunida si wayn looga hadal hayaa is- badalka ku yimid cimilada adduunka, inakana saamayn wayn ayey inagu yeelatay, waxaana loo baahan yahay inaynu ka wada shaqayno sidii aynu uga hortagi lahayn wax yaalaha dhibaataynaya deegaan keena).

Ugu danbayn Agaasimaha ururka KAVYO, Mudane C/risaaq Xuseen Jaamac , waxaanu u mahadnaqay Ururka SOCSA iyo ee marti galiyey Xafladan, waxa kale oo uu u mahdnaqay wargayska Haatuf oo hadh iyo habeen u heelan sida uu dha linyada u dhiirgalin lahaa uguna soo qori lahaa waxqabadkooda, sidoo kale agasimuhu wuxuu u mahadnaqay shabakadaha waraka ee ay ka mid yihiin (Haatuf..net, Oodweynenews,Hadhwanaagnews,Ramaasnews,Togaherer,Maroodi jeex,gabiley iyo cidkasta oo ka qayb qaadata inay baahiso wararka kavyo.

CONTACT: kavyo.org@hotmail.com

1 comment:

  1. HALKAN HALKAN KA DIB MARKII DADKA MAGAALADA

    TESTIMONY SIDA AAD U HELI KARTAA HADDII AAD KA QAADO GURIYEYNTA GOOBAHA SHAQAALAHA IYO HORUMARINTA SHIRKADDA CIIDAMADA WAXAAN BADAN KA BADAN YAHAY MIDNIMADA IYO WAXAAD KA HELI KARTAA SHARCIYADA.
    ,
    Magacaygu waa Abdullah Waxaan ka socdaa magaalada Kismaayo waxaan raadinay shirkad dhab ah amaahda ah 5tii bilood ee la soo dhaafay, si aan u iibsado guri
    Dhammaan wixii aan helay waxay ahayd faragelin khiyaamo ah oo iga dhigay inaan ku kalsoonaado iyo dhammaadka
    Maalintii, waxay igu qaadeen lacagtayda aniga oo aan wax walba soo celin
    rajadaydii way luntay, waan wareeray oo aan niyad jabay, marnaba ma dooneynin inaan wax ka qabano shirkadaha amaahda internetka, sidaas darteed waxaan lacag ka amaahday
    saaxiib, waxaan u sheegay wixii dhacay oo dhan, waxayna tiri inay i caawin karto, taas
    Waxay ogyihiin shirkad deyn ah oo iga caawin karta wax kasta oo amaah ah
    Iyada oo loo baahan yahay dulsaar aad u hooseeya oo ah 2%, oo kaliya waxay heshay a
    Amaahda, waxay igu amartay sida loo dalbado amaahda, waxaan sameeyay
    sida ay ii sheegtay, waxaan ku codsaday Emailka (albakerloanfirm@gmail.com) weligay ma rumaysan laakiin waan isku dayay
    Aad ayaan u yaabay inaan helay deynta 24 saacadood gudahood, ma rumaysan karo,
    Waxaan ku faraxsanahay mar kale hodan, waxaanan ku mahadsanahay deynkaas
    Shirkadaha sidan oo kale ah ayaa weli ku jira khiyaamadan oo dhan meelo badan,
    fadlan halkan waxaan kugula talinayaa dadkaas inay u baahan yihiin deyn si ay u tagaan
    (albakerloanfirm@gmail.com) waligood kuma guulaysan doonaan, iyo
    noloshaadu waa isbedeshaa sida aan sameeyay. Xiriir xiriir ah (albakerloanfirm@gmail.com) maanta oo aad deyn ka qaadato, Ilaahay ha u ducee Albaray shirkad si ay u bixiyaan deyn dhab ah.
     Hubso inaad la xiriirto shirkad Albaka ah amaahdaada deyn ahaaneed sababtoo ah waxaan si dakhso ah uga helay shirkadan iyada oo aan lahayn walbahaar.

    ReplyDelete