Thursday 22 October 2009

BURCAD BADEEDA SOMALIDA AYAA AFDUUBTAY MARKAB LAGA LEEYAHAY BANAMA

BURCAD BADEEDA SOMALIDA AYAA AFDUUBTAY MARKAB LAGA LEEYAHAY BANAMA

Burcad badeeda Soomaalida ayaa maanta afduubay markab nooca xamuulka qaada oo wata calanka Panama, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan hay’ada badmareenada ee bariga Afrika.

Andrew Mwangura oo ah madaxa xafiiska badmareenada bariga Afrika ayaa sheegay in markabkan oo lagu magacaabo MV Al Khaliq laga qafaashay meel ka baxsan biyaha Soomaaliya isagoo ku sii jeeday dekeda Mombasa ee dalka Kenya. Markabkan waxaa la socda 26 shaqaale ah oo isugu jira 24 Hindi ah iyo 2 Myanmar ah.

Burcad badeeda Soomaalida ayaa sidoo kale maanta weerar ku qaaday markab kale oo watay calanka Talyaaniga meel ka durugsan biyaha Soomaaliya kaasi oo lagu magacaabo Jolly Ross, hase ahaatee markabkaasi oo qaadkiisu dhamaa 32,000 tone waa uu ka badbaaday burcad badeeda, sida uu sheegay Andrew Mwangura.

Burcad badeeda Soomaalida ayaa todobaadkan kordhiyey weeraradooda burcad badeednimada ee ay ku qaadayaan maraakiibta gooshay xeebaha ku dhow dalka iyo kuwa ka baxsanba.

Labo maalmood ka hor waxay burcad badeedu qafaalatey markab laga leeyahay China kaasi oo hadda ku soo jeeda xeebaha Waqooyi ee Soomaaliya.

Axmed Kulan

Moqdisho

No comments:

Post a Comment