Wednesday 21 October 2009

AYAMAHA MIDIBA WAX BAY CAAN KU TAHAY, EE MAANTA WAA TII MADOOBAYD!!

AYAMAHA MIDIBA WAX BAY CAAN KU TAHAY, EE MAANTA WAA TII MADOOBAYD!!

HTMLVisualshotaly weyn

AAMAHA MIDIBA WAX BAY CAAN KU TAHAY, EE MAANTA WAA TII MADOOBAYD!!
Kala mudan, kala nasiib wacan, caansan oo kala khayr iyo barako badan ee maanta oo ah 21/10/2009, waxa 40 sano laga joogaa maalintii uu seefta la booday jaahilkii afka weynaa ee lagu magacaabi jiray ina bare ee ka kacay koonfurta dalka taas oo ahayd taariikgdu 21/10/1969kii markii isaga iyo askartii la socotay ay ku hamuumeen xukunka ee ay ku dhigeen inqilaab xukuumaddii markaas jirtay ee uu ka madax ahaa AL-LE ha u naxariisto’e MAXAMED X.IBRAAHIM CIGAAL, ka dib markii ay majeerteenku dileen MADAX-WEYNIHII CABDIRASHEED CALI SHARMAAKE 15/10/1969kii, sababta oo ah muxuu ra’isal wasaare reer waqooyiga ee nin reer koonfureed ah u siin waayey siddii kuwii ka horeeyey isaga oo kala ahaa AADAN-CADE IYO CABDI ABAAR X. XUSEEN, waa maalintii sababtay, in uu afku bedelo qu’raan isaga oo sameeyey xeerka qooyska oo yidhi raga iyo dumarku way siman yihiin, taas oo ka soo hor jeeda diinta islaamka, laayey culumaddii tidhi wax jira maaha, eei sla subixiiba, diyaaradahii uu kiciyey ee ahaa sancada RUUSHKA MIIG 17 si uu ugu handado dadka ay isku duqeeyeen hawada, kuna soo dhaceen xaafada waabri ee ka soo horjeeda BAAR CAGA-WEYNE, halkaasna ay wax ku yeeleen dad fara badan oo aan waxba gaysan wax sii tafaafulay AL-LE ha u naxariisto’e ABWAAN QAASIM oo 7 cisho horteed tiriyey tixddii dheerayd ee hayd guhaanka, aniga oo in yar ka soo qaatay oo hudhmo ah waa tan:-
Sufurtaa madoowee dayaxa, saaran baan garane,
dhiig buu sidaa waqalkan, aad sagalka moodaayee,
siigadan dhacaysaa rag, bay sababi doontaaye,
siddii aan ILAAH ku arki, jiray way ku socitaaye,
wrsan geli suldaan iyo, ma jiro boqor la sooraaye,
seeftiiabgaalbay dul taal,saawirta ahayde,
habar gidir sinsaaradi ku timi, sigay ugaaskiiye,
anakiyo saleebaanaddii, way na sidataaye,
saamee dhamaantii isaaq, saeben colaadeede,
waa sebenaddii bucur-bacayr, sananka muuqdaaye,
Tixdu way faraha badan tahay waxanse uga jeedaa waa maalin aanu ilaawi karin qof kasta oo jiray amase caqli lahaa wakhtigaas uu shaydaanku maamulka khasabka ku haystay, waa maalintii abuurtay dagaalkii lagu hoobtay ee AXMAARADA sqnadaddii77/78kii ee umada somaliyeed ay adhaxda kaga jabtay, guul daraduna ka raacday ee degdeg u yeedhdy HEESIHII i-bixi-yoow i-bixi ( riwaayaddii galbeed waa la xoreeyey ee waarsaa gaagixisay), waa tii ay ka dhacday indha gubi, ee askariba gees u dhaqaaqay inta uu qoriggii tuuray habeenkii ay jigjiga ruushka iyo kuuba naas dheer ay 3ddii habeenimo diyaaro baarashuud ku wada taangiyo ka soo dul dejisay dhamaan cirka ku beegan hawada jigjiga iyo hareera-heeda oo dhan, badeena aynu fanka jeedinay, siddii jinac duulaanka isu daba galay,
markii aynu ka soo baxanay-na waakii warmaha ku jeediyey umada, in kasta oo majeerteen is yidhi maanta baad mar kale gacanta ku dhigi kartaan xukunka, oo uu soo miliq-saday umula dooxii cabdilaahi yuusuf iyo ciro, waa kii kashfmay inqilaab-kaasi ee la soo qabatqay ciro , dabeedna badhka la geeyey, cabdilaahi waakii u baxsaday itoobiya, sameeyey jabahada aan weli-geed dagaal gelin, akkhir-kiina uu xidhay miigste markuu arkay in uu u yimi meesha badbaado ee aanu waxba yeeli karin afka, intaas dabadeed waa tii markii ay dhalatay jabhaddii weynyd S.N.M ee ay bilaa bisin ku liqday afku ciidankii uu lahaa sidu u dhamaa, ee xabaala-hoodu noqdeen calooshii dhurwaaga, ee haad iyo habaqle-ba ay ka haageen, kana dambaysay calanka aan maanta dugsanayaa, ee nabada iga dul babanayaa,, waa maalintyii sababtay in aan ka hoos baxo kuwii aan dadka ahayn ee dhuunta iska aslay, ee maraqa xaruurtooda is cabsiiyey, dhiiga isugu fool dhaqay , isugu yeedhay cadawggii uguweynaa ilaa imikana diintii uu mid-ba-mid ku sheegaayo gaal, waa maalintii aan dhoosha ka qoslaayo, oo aan ogahay in aanay wax ay yihiin jirin, waa maalin aan qayrkay dhinac galay, waa maalin uu aduunku iqiray, iyana laga saaray buuga bani’aadamka, mwaa maalin aan dhulka soo dhigay ciidankii afku sameeyey ee afrika ugu xooga weynaa.
Wxan lee-yahay umada reer somaliland meel ay joogtaba dib u xasuusta maanta dhibaataddii ay ina soo gaadh-siisay iyo qaxii ay inagu keentay, duqayntii diyaaraddii hargaysa ka kacday ay halkii ay ka haaday dib u duqaysay, nabada isyo is xukunku yaanu inooga darin, qadan ka bood yaan la noqon, yaan la isu jebin cadawga ina geele kuwa uu dabada ka wado waad ogtihiine, yaan la noqon dhooy-laawa-yaal aan doocna garanayn sida reer koonfureedka is xaaqay, oo joojiya isu fiirsadka, wixii khaladan halgu saxo miyir aanay gacani la socon, wada hadal, is faham,is maqal, iyo bilaa cuqdad.
*N.B. Dharaartaan asaagay dhinac galay, een ku dherersaday saw ma soo dhicin.
abdi-shotaly,

No comments:

Post a Comment