Sunday 25 October 2009

GUDOOMIYE SIILAANYO AYAA WARAYSI KU SHEEGAY IN RIYAALE AANUU KU WANAAGSANAYN BALANQAADKA.

GUDOOMIYE SIILAANYO AYAA WARAYSI KU SHEEGAY IN RIYAALE AANUU KU WANAAGSANAYN BALANQAADKA.

Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo ayaa madaxweyne Rayaale ku eedeeyey in aanu waxba ka fulin balanqaadkii uu ka balanqaaday heshiiskii ay lixda qodob ku kala sexeexdeen ee uu ka sheegay in la sii dayn doono dadkii lagu xidhxidhay mudaharaadyadii lagaga soo horjeeday talaabadii ay xukuumadu albaabada ugu xidhay xarunta golaha wakiilada, oo uu tilmaamay inaan hal qof laga si dayn isagoo ku tilmaamay inaanu madaxweynuhu balamada uu qaado waxba ka fulinin, isagoo intaa ku daray in xukuumadu ay hantidii qaranka ay u adeegsanayso kasbashada taageerada shacabka oo uu tilmaamay in shacbigu ay ka hor yimaadeen ololeyaal uu sheegay in lacago loogu adeegsanayay dhalinyarada caasimada, waxaanu sidoo kale Ax,med Siilaanyo golaha wakiilada ku hambalyeeyay talaabdii ay ku ansxiyeen xubnaha komishanka doorashooyinka cusub, oo uu si rasmiya u sheegay in xisbi ahaan ay la shaqayn doonaan.

Gudoomiyaha Kulmiye waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu xalay khadka Telephone-ka wargeyska Haatuf xog waraysi kula yeeshay, kaas oo uu si rasmiya ugu cadeeyay in xisbi ahaan ay soo dhoweynayaan komishanka doorashooyinka qaranka ee la ansixiyey isagoo Muj Siilaanyo arrinkaa ka hadlayana waxa uu yidhi “Golaha wakiilada talaabadaa ay ku ansixiyeen xubnaha komishanka doorashooyinka cusub waanu soo dhawyanyanaa waananu ku hambalyaynaynaa waajibaadkoodii ka saara, komishanka cusubna waxaanu ilaahay uga baryaynaa inuu ka dhigo kuwo xilkooda u guta si dhexdhexaadnimo ah dalkana ka suurto galiya doorasho xor oo xalaal ah wixii munaasabada dhaartooda ka dambeeyana waxaanu soo jeedinaynaa inay si toos ah u gudo galaan hawlahoodii qabanqaabada doorashada madaxtooyada, anaguna xibi ahaan waxaanu cadaynaynaa una balanqaadaynaa inaanu la shaqayn doono”

Gudoomiye Axmed Siilaanyo mar uu ka hadlayay arrimo ku saabsan lacago la sheegay in xisbiga Udub lacag u qaybiyey dhalinyaro ka tirsan xisbiga Kulmiye oo degan xaafado ka tirsan degmooyinka 26June iyo koodbuur ee magaalada Hargeysa, waxa uu yidhi “Waxaan aaminsanahay inay ku fashilmeen oo aanay ku guulaysanaynin dadweynaha iyo dhal;iyarada xaafadaha kala duwaninia waxay dareenkooda ku cadeeyeen sidii dhawaan ay cadeeyeen-ba inaan shillimaad lagu iibsan karin, xukuumadana ay nacasnimo weyn u tahay lacagtii dalka wax loogu qaban lahaa ee dhilyarada shaqooyin loogu abuuri lahaa ee lagagala dagaalami lahaa baddaha ay nafahood ku haligayaan, in nasiib daro ay si qaloocan u adeegsanayso waxaanay muujinaysaa siyaasad xumadooda faashilka ah iyo ujeedada qaloocan ee ay u adeegsanayaan dhaqaalhii dalka wax loogu qaban lahaa, waxaanse ku faraxsanahay gudoomiye ahaan in dhalinyaradii iyo waxgaradkii ummadu-ba ay iska garteen waxaan damiirkoodu munaasib ku ahayn, arrimahaana xukuumadu iyada ayaa ku ceebaysan”.

Gudoomiye Siilaanyo mar aanu weydiinay in madaxweynaha ay kala hadli doonaan inaan hantida qaranka lo adeegsanin iyo warbaahinta qaranka-ba ololaha doorashada madaxtooyada waxa uu yidhi “markasta madaxweynaha waanu kala hadlaa inaan hantida qaranka aanay u adeegsanin musuqmaasuq iyo ku takri fal nasib daro-se waxba kuma qaadanayo oo arrimhii aanu madaxweynaha kala hadalay ee uu ka balanqaaday munaasibadii aanu ku kala sexeexanay heshiiskii lixda qodob ahaa ee beesha caalamku ku soo talo bixisay in lagu soo afjaro khilaafkii dibu dhaca doorashada oo ku balanqaaday inuu sii dayn doono shacabkii lagu xidhxidhay mudaharaadada waxba kamuu fulinin qof kaliya uu sii daayayna ma jirto oo wali way xidhxidhan yihiin mushkilada madaxweynaha haysataana madaxweynuhu balamaha uu qaado kuma wanaagsana fulintooda”.

Mar aanu weydiinay Axmed Siilaanyo inay jiraan cid la soii daayay dadkii loo qabqabtay mudaharaadadaas iyo in wali xidhan yihiin, waxa uu ku jawaabay “madaxweynuhu hal qof oo uu ka sii dayay ma jirto wali sidii bay u xidhan yihiin dadweynahaasi xaq darada lagu xidhay, mana garanayo sababaha uu madaxweynuhu balamaha uu qaado uu u fulin waayo, kuwaas oo beesha caalamka iyo golayaasha qaranka madashii ay goob-jooga ka wada ahaayeen uu ka iclaamiyey”.

No comments:

Post a Comment