Wednesday 21 October 2009

ONLF OO SHEEGATAY IN AY GUULO KA SOO HOOYEY DAGAALADII U DAMBEEYE

ONLF OO SHEEGATAY IN AY GUULO KA SOO HOOYEY DAGAALADII U DAMBEEYE

Jabhadda ONLF ee ka dagaalanta gudaha Wadanka Ethiopia gaar ahaan gobolka Ismaamulka Soomaalida ee Ethiopia ayaa waxaa ay sheegtay maanta oo arbaca ah in ay dileen Askar fara badan kuwaas oo ka mid ah Ciidamada Wadanka Itoobiya ka dib marki u dhex maray dagaal aad u qaraar.

Xussein Maxamed Nuur oo ah Xogheyaha Warfaafinta ee Jabhadda ONLF oo la hadlaayay Wakaaladaha wararka ayaa sheegay in ay dileen boqolaal Askari ka dib marki ay dagaalyahanada ONLF ay iska difaaceen Ciidamada Ethiopiakuwaas oo u sheegay in ay weerar ku soo qaadeen.

Xogheyaha Warfaafinta ayaa sheegay in dagaalkaas u ku dhexmaray Bariga Wadanka Ethiopia degaano hoostaga isla mar ahaanta ay sidoo kale tibaaxay in ay gacanta ku dhigeen Saraakil ka tirsan Ciidamada Ethiopia oo nool ayna iminka gacanta ku hayaan.

Wuxuuna diiday in u tafaasil dheeraad ah ka bixiyo qaabka u dagaalka u dhacay iyo halka ay ku dambeeyeen Saraakiishaas u sheegay in ay qab qabteen.

Ugu dambaynti wuxuu beeniyey warar sheegaaya in Sarkaal ka tirsan Jabhadda ONLF oo isku dhiibay Dowlada Ethiopia.

Sidoo kale ma jirto wax hadal ah oo ka soo yeeray Dowlada Wadanka Ethiopia oo ku sabsan hadalka ka soo yeeray Jabhadda ONLF oo ah in ay dileen boqolaal ka tirsan Ciidamada Wadanka Ethiopia.

No comments:

Post a Comment