Saturday, 24 October 2009

QAAR KA MID AH GANACSATADA SUUQA HOOSE EE LAASCANOD OO KA BANAAN BAXAY WAXQABAD LAANTA DAWLADA HOOSE.

QAAR KA MID AH GANACSATADA SUUQA HOOSE EE LAASCANOD OO KA BANAAN BAXAY WAXQABAD LAANTA DAWLADA HOOSE.

Banaan bax ay soo qaban qaabiyeen haweenka ka ganacsada suuqa khudaarta ee magalada laascaanoo ee gobolka sool ayaa waxaa ay si wayn ugaga cabanayeen wax qaba la’aanta dawladda hoose ee magalada laascaanood oo ay sheegeen inaysan bulshada dan yarta ah waxba u qaban.

Haweenka banaan baxa sameeyey oo socod ku soo maray qaar ka mida wadooyinka magalada laasxaacanod taasi o ay sheegeen inaysan waxba ugu qaban canshuuraha ay ka qaado dadkaasi iyadooo ay sheegeen in goobihii ay ku ganacsan jireen ay ka dhalatay daryeel xumo caafimaad oo ay sheegeen inay dhalatay ka dib markii ay roobab lixaad leh ay ka hooreen guud ahaan magalada iyo nawaaxigeeda iyadoo markaasi dalwladii hoose ee hawshan ku shaqada lahaydna aysan marna wax ka qaban nadaafad xumada deegaanka soo waajahday.

Maaha markii ugu hoaraysay oo ay sidan oo kale ay banaanbax u dhigaan qaar ka mida ganacsatda magalada laascaanood oo ay ku hormudaharaadaan dowlada hoose iyadoo ay kaga cabanayaan wax qabad xumo, balse dawlada hoose ayaan iyadu ilaa iminka wax jawaab ah aan ka sooo saarin cabashooyinkan ka soo yeedhaya shacabka.

Ugu dambayntii waqtiyadan oo kale ayaa waxaa badanaa ay dadku ka cawdaan nadafad xum daran oo soo waajahda taasi oo ka dhalata biyaha wasaqda ah ee fadhiista meelaha magaalada dhexdeeda ah.

Wariye Axmed Saakin faarax
Togaherer.com/lasanod
axmedsaakin@hotmail.com

No comments:

Post a Comment