Friday 23 October 2009

ALSHABAAB OO GOODIYAY KAMPALA IYO BUJUNBURA IYO UGANDA OO KA JAWAABTAY HANJABADA SHABAABKA

ALSHABAAB OO GOODIYAY KAMPALA IYO BUJUNBURA IYO UGANDA OO KA JAWAABTAY HANJABADA SHABAABKA

Kooxda Al-Shabaab ee sida aadka uga soo horjeeda DFKM ah ee Soomaaliya isla markaana ka dagaalanta gudaha Wadanka Soomaaliya ayaa waxaa ay hanjabaad kulul u jeedisay Wadamada Uganda iyo Burundi

Sarkaal ka tirsan Ururka Al-Shabaab oo Shir Jira’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa ku hanjabay in Kooxda Al-Shabaab aysan u duulqaadan doonin waxyaabaha ay samaynaayan Ciidamada nabad ilaalinta ee ka socda Wadamada Burundi iyo Uganda ee ku sugan gudaha Wadanka Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Caasimada ee Muqdisho.

Sarkaalkaas oo lagu Magacaabo Sheikh Cali Maxamed Xussein oo Saxaafiyinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in ay weeraro ku qaadi doonaan Caasimadaha Wadamada Uganda iyo Burundi.

”Waxaana oohin ka keensin doona dadkooda,waxaan weerari doona Bujumbura iyo Kampala.dagaalkeena waxaan gaarsiin doona labadaas Caasimadooda,waxaanu gaarsiin doona jab xoogan”,ayuu yiri.

Waxaa u sheegay in ay sii xun uga caroodeen waxaa u ugu yeeray xasuuqi shalay ay Ciidamada nabad ilaalinta ee AMISOM ka geysteen Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho halkaas oo ay ku duqeyeen madaafic ka dib marki Kooxaha Mucaaradka ay iyaguna duqeyn u geysteen garoonka diyaaradaha xilli u halkaas ka duulaayay Madaxweynaha DFKM ah ee Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed oo u ambabaxay Magaalada Kampala ee Caasimada Uganda.

Ma jirto ila iyo iminka wax jawaab ah oo ay ka bixisay wadanka Burundi hanjabaada kulul ka soo yeertay Kooxda Al-Shabaab, balse isagu waxa ka jawaabay Wadanka Uganda .

Dagaaladi iyo duqeymihi shalay ay is dhaafsadeen Ciidamada nabad ilaalinta ee AMISOM iyo Kooxaha Mucaaradka ayaa la soo sheegaaya in u sababay dhimasho dad gaaraya 30-qof dhaawac dad ka badan 60-qof sida ay ku warameeen Saraakiisha Caafimaadka.

Dowlada Wadanka Uganda ayaa waxaa ay ka jawaabtay hadal ka soo yeeray Kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta gudaha Wadanka Soomaaliya in ay weerari doonto Wadamada Burundi iyo Uganda.MUSAVENI

Madaxweynaha Wadanka Uganda Yoweri Museveni oo galabnimadi maanta Saxaafada kula hadlay Magaalada Kampala ee Caasimada Uganda waxaa u sheegay in hanjabaada Al-Shabaab aysan saamayn ku yeelan doonin amaanka Uganda.

Waxaana u sheegay in hadii ay isku deyaan in ay soo weeraraan Wadankiisa,ay Dowladiisa jawaab deg deg ah ka bixin doonto isla markaana ay sii adag ula dagaalami doonto Kooxda Al-Shabaab.

”Marnaba yeeli mayno in ay nasii weeraraan Al-Shabaab,hanjabaada ay soo saareen ma ahaan mid saamayn nagu yeelan karta”,ayuu yiri isagoo sii caro leh ka jawaabayay Su’aal ahayd sida uu arko hanjabaada ka soo yeertay Kooxda Al-Shabaab.

Waxaana u ugu dambaynti sheegay in ay Xukumada Uganda ay sii wadi doonto howlaha nabad ilaalinta ay ka wado gudaha Dalka Soomaaliya,iyadoo u diiday in u ka hadlo duqeymihi shalay ka dhacay gudaha Magaalada Muqdisho oo ay ku dhinteen dad aad u tira badan oo rayid ah oo lagu eedeyey in ay ka dambeeyeen Ciidamada nabad ilaalinta ee AMISOM ee ku sugan Magaalada Muqdisho.

Kooxda Al-Shabaab ayaa ku hanjabtay in ay weerari doonto Magaalooyinka Kampala iyo Bujumbura ka dib marki ay ku eedeyeen in Ciidamada AMISOM ay shalay xasuuq u geysteen dad rayid ah ka dib marki ay Madaafiic ku garaaceen Suuqa weyn ee Bakaaraha.

Axmed Kulan

Muqdisho

1 comment:

  1. HALKAN HALKAN KA DIB MARKII DADKA MAGAALADA

    TESTIMONY SIDA AAD U HELI KARTAA HADDII AAD KA QAADO GURIYEYNTA GOOBAHA SHAQAALAHA IYO HORUMARINTA SHIRKADDA CIIDAMADA WAXAAN BADAN KA BADAN YAHAY MIDNIMADA IYO WAXAAD KA HELI KARTAA SHARCIYADA.
    ,
    Magacaygu waa Abdullah Waxaan ka socdaa magaalada Kismaayo waxaan raadinay shirkad dhab ah amaahda ah 5tii bilood ee la soo dhaafay, si aan u iibsado guri
    Dhammaan wixii aan helay waxay ahayd faragelin khiyaamo ah oo iga dhigay inaan ku kalsoonaado iyo dhammaadka
    Maalintii, waxay igu qaadeen lacagtayda aniga oo aan wax walba soo celin
    rajadaydii way luntay, waan wareeray oo aan niyad jabay, marnaba ma dooneynin inaan wax ka qabano shirkadaha amaahda internetka, sidaas darteed waxaan lacag ka amaahday
    saaxiib, waxaan u sheegay wixii dhacay oo dhan, waxayna tiri inay i caawin karto, taas
    Waxay ogyihiin shirkad deyn ah oo iga caawin karta wax kasta oo amaah ah
    Iyada oo loo baahan yahay dulsaar aad u hooseeya oo ah 2%, oo kaliya waxay heshay a
    Amaahda, waxay igu amartay sida loo dalbado amaahda, waxaan sameeyay
    sida ay ii sheegtay, waxaan ku codsaday Emailka (albakerloanfirm@gmail.com) weligay ma rumaysan laakiin waan isku dayay
    Aad ayaan u yaabay inaan helay deynta 24 saacadood gudahood, ma rumaysan karo,
    Waxaan ku faraxsanahay mar kale hodan, waxaanan ku mahadsanahay deynkaas
    Shirkadaha sidan oo kale ah ayaa weli ku jira khiyaamadan oo dhan meelo badan,
    fadlan halkan waxaan kugula talinayaa dadkaas inay u baahan yihiin deyn si ay u tagaan
    (albakerloanfirm@gmail.com) waligood kuma guulaysan doonaan, iyo
    noloshaadu waa isbedeshaa sida aan sameeyay. Xiriir xiriir ah (albakerloanfirm@gmail.com) maanta oo aad deyn ka qaadato, Ilaahay ha u ducee Albaray shirkad si ay u bixiyaan deyn dhab ah.
     Hubso inaad la xiriirto shirkad Albaka ah amaahdaada deyn ahaaneed sababtoo ah waxaan si dakhso ah uga helay shirkadan iyada oo aan lahayn walbahaar.

    ReplyDelete