Monday 26 October 2009

Dhoolatuskii Dr. Cabdi Aw Daahir Iyo Gabbashadii Wasiirka Daakhliga Cabdilaahi Ciro iyo Wacdarahii Qurbe Jooga Midland

Dhoolatuskii Dr. Cabdi Aw Daahir Iyo Gabbashadii Wasiirka Daakhliga Cabdilaahi Ciro iyo Wacdarahii Qurbe Jooga Midland

kabadhe weynWaxa magaalada Birmingham sabtidii 24 bisha soo gaadhay wasiirka arimaha gudaha Jamuuriyda Somaliland C/laahi Ismaaciil Cali Ciro kalana kulmay waji gabax baahsan isagoo ka baaqsaday inuu la kulmo jaaliyada Somaliland ee gobolka galbeedka midland hasa yeeshee kaliftay in lagu qariyo qayb ka mid ah magalada Birmingham waxa la kulmay seedigii iyo nin ay isku kalaas ahayeen oo degan magalada Birmingham iyo sadax qof oo ah taageerayaasha doonnida dagaysa ee UDUB .

Hadaba waxaan iswaydiiyey waar wasiirku muxuu ka baqay ee kalifay in uu la kulmo jaaliyada uu u yahay wasiirka ?ta waxa ka jawaabay madal ilyartu isqabatay oo ka mid ah goobaha ay dadka reer somaliland ku qaxweeyaan oday reer Somaliland ah oo ka mid ah qurbe jooga ayaa isagoo kaftamaya yidhi adeer laba isu raacay Cabdilaahi Ciro aanadii faqashta iyo wiilashii mudaharaadka lagu layey maalintii dhawayd

Ninkale ayaa ku darsaday oo yidhi markaa sheekadu maxay tahay layligu biyaha kashiisa ku jiro ayuu kadidaa miyaanu ogayn intii faqashta laga heshiiyey.

Guul darada wasiirka daakhiligu kuma un eka magalada Birmingham ee waxa uu taas oo kale kala kulmay oo ka cararay magalada Shaffeild ee galbeedka ingiriiska hadaba waxa dadwaynihii reer Somaliland ee Magalada Birmingham iswaydiiyeen sababta loo soo diray wasiirka iyo waxa ay u iman wayeen raga isaga soo diray ee u ka-midka ka yahay madaxwaynaha Jamuuriyada Somaliland waxana soo baxaya ila sheegaya in madax waynuhu uu hada ka baqayo inuu u baxo dibada oo sarafadii dibada uu joojiyey taana ku badashay in uu soo diro wasiirada iyo xoghaya udub taasina waxa ay ka danbaysay kadib markii haayada u dooda xaquuqa aadamaha ee Human Rights Watch dacwad u gudbisay wadamada reer Yurub iyo golaha loo dhan yahay ee UN wali ma cadda sababta dhabta ah ee keenaysa soo dirida xubnaha udub ee loo soo dirayo.

Halka ila kalana sheegayaan guul darada uu la kulmayo Madaxweyne Reyaale oo tan ka dhigaysa in nimanka loo soo diray in ay la soo hadlaan reerahooda dibada ka jooga madama ay dadka dibada joogaa ku leeyihiin kaalin mahiima bulshada Somaliland ee gudaha ku nool kana dhigaysa olale reeraysan .tan ayaa ku soo beegmaysa Guuldarada Doonnida uu wadaha ka yahay MR Riyaale cadaynaysana in mucaaradku kaga adkaadeen xisbiga talada haye ee UDUB siyaasada dibada iyo bulsho waynta reer Somaliland ee ku dhaqan wadamada reer galbeedka taana waxa ka markhaatikacaysa wacdarihii uu dhigay DR Abdi AW daahir kadhigay magalada Birmingham maalintii ku xiftay ee 25 /10/2009

Dr. Cabdi Aw Daahir wuxuu wakhtiyadii ugu danbeeyey wuxuu booqasho ku joogay boqortooyada ingiriiska waxaana maalinimadii axadii ee todobaadkani ee bishu ku beegnayd 25/10/2009 uu khudbad aad u dheer u jeediyey boqolaal qof oo ka tirsan jaaliyadda Somaliland magaalada Birmingham, Dr. Cabdi Cabdi Aw Daahir wuxuu jaaliyadda gobolka Midland xoog waran buuxda ka siiyey xaaladda guud ee Somaliland khaas ahaan ta siyaasiga iyo mujtamaciga ah taasi waxa ay ku tusasaa in laba nin oo u wadhashay Somaliland mid na yahay geesi dadkiisu jecel yihiin midna ka dhigaysa nin Dadkiisa iyo Dalkisaba ka galay danbi sababay ka cararka bulshadiisa hadaba waxa aan leeyahay doonida dagaysa ee uu wada ka yahay Riyaale dalkan iyo dadkisa ilahayow yeyna nagala dagin tusayna shacabku in ay yihiin maanta seefta kala goysa xumaanta iyo wanaaga shacabkana waxa uu ku dardaarmay isku diibni iyo wada jir unity meel kasta oo ay joogaan isana ilaaliyaan waxa ay la wareegayaan guul wadayaasha ina Riyaale

guul iyo gobanimo Somaliland

By Suleiman Saeed Kabadhe(Danjiree)

Coventry City Uk

Danjiree@gmail.com

No comments:

Post a Comment