Saturday, 24 October 2009

WAR DEG DEG AH: GOLAHA WAKIILADDA OO ANSIXIYAY XUBNAHA DOORASHOOYINKA SOMALILAND

WAR DEG DEG AH: GOLAHA WAKIILADDA OO ANSIXIYAY XUBNAHA DOORASHOOYINKA SOMALILAND

Fadhigii maanta ee Golaha Wakiiladda JSL Shir Gudoominayay Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Mudane C/raxmaan Maxamed Cirro fadhiyeen 66 Mudane ayaa cod duuduub ah ku ansixiyay 7 Xubnood ee Komishanka Doorashooyinka Loo soo xulay dhawaan.

Gudi hoosaadka Wakiilada ayaa golaha ka hor akhriyay soo jeedinta in ay ansixiyaan goluhu Xubnahan soo jeedintaas oo uu Gudoomiyaha wakiiladu ku dhawaaqay in cod loo qaado ansixinta Xubnahan waxaana u codeeyey 65 mudane Gudoomiyuhuna muu codayn.

Magacyadda Xubnaha Cusub ee Komishanka.

Eng Cabdifataax Ibraahim Xasan.

Maxamed Axmed Xirsi Geele.

Eng: Ciise Yuusuf X.Maxamed

Faarax Abiib Aadan.

Raabi Shariif Cabdi Maxamed.

Cabdiraxmaan Maxamed Ismaaciil.

Cali-Khadar Xasan Cismaan

Warka oo faah faahsan kala soco Togaherer

No comments:

Post a Comment