Friday 23 October 2009

GOLAHA XILDHI-BAANADU WAA IN AY SI WEYN U DERSAAN XUBNAHA KOMISHANKA !!

GOLAHA XILDHI-BAANADU WAA IN AY SI WEYN U DERSAAN XUBNAHA KOMISHANKA !!

GOLAHA XILDHI-BAANADU WAA IN AY SI WEYN U DERSAAN XUBNAHA KOMISHANKA !!
shotaly weyn
Komishanku waa kuwa haya mansuuliyada ugu weyn ee somaliland wakhyigan lagu jiro, waa iyaka kuwa ay ku xidhan tahay xasiloonida umadu, waxa garbaha ka saaran xilkii ugu cuslaa ee ku wejehan mustaqabalka, dimuqraadiyada, cadaalada, nabad iyo colaadba, haddii aanay noqon kuwo ku sifooba sida ay rabto umada reer somaliland, oo ah kuwo wax kala haga, dhex ka ah qaybaha isku haya doorashda, daacadna noqdaan, weliba ahaadaan kuwo AL-LE yaqaan oo aan nina garabka saarin, xilka ay dhabarka u riteena aanay sida uu yahay uga soo bixin, ama ay ku ab-tirsadaan kooxda soo xushay, reer, xusbi, nin jeclaysi, ama ay dhuuni raac ku shaqeeyaan, waxay noqonaysaa in ay isku dhuftaan umada, kana dhalato foodad, is qabsi, dagaal iyo rebshedo aan damayn oo la isku baaba’o, wixii aan soo wadnay 19 sano-na cirka mar qudha ku laala, abuura dagaal sokeeye, oo mar kale qax ku kelifa umada la ogaa dhabada ay soo mareen iyo waxa ka soo qabsay, wixii xoog,xoolo, naf, maal ku baxay, iyo burburkii ku dhacay ee dhinac kasta oo nolosha ah saameeyey, lagu goblamay, nafo tiro beeshay, geeridu sida ciidaas camaaray noqotay ee aanu jirin qoys ka badbaaday, sidaas awgeed waxa waajib ah in aan la dhayalsan komishanka ee loo kuur galo, si husiimo lehna loo axdho mid kasta oo ka mid ah, laga taxadiro wax yaabaha aan kor ku qoray in ay yihiin kuwo ka fog, oo nadiif ah, og xilka saaran kolba sida ay u qabtaan in ay ku xidhan tahay somaliland, waa in ay mar walba ku hayaan maskaxda wakhtiga lagu jiro oo ah mid aad iyo aad u xasaasi ah oo ay fartu taabanayso qof walba, waa in si xilkas-nimo leh iyo feejinaan dheeraad ah, miyir, wada tashi, is aaminid aanay kala shakin ku wada shaqeeyaan, waa in aan belo lagu dhex tuurin ee ay meel uga soo wada jeedaan, waa in aanay dhegaysan wax yaabaha ay isku tuurtuura-yaan xusbiyada loola-mayaa ee ay ku ekaadaan siddii ay u dayac tiri lahaayeen hawsha loo igmaday, ee aanay kolba waxaas baa la lahaa iyo iska hor keenid ay iska ilaaliyaan, waa in aanay sira-hoodu noqon kuwa suuqa yaala oo aanay ka sheekayn wax yaabaha ay ku tashadaan, dabcan waa bani’aadmi oo melo way ku kala duwanaan karaan, laakiin waa in ay isla eegaan, oo food ku kala baxaan wakhtiyada ay rogro-gayaan amuuraha dhexdooda ah, go’aana soo wada saaraan, waa in aanay dariiq-yada kaga sheekaan, hebel oo naga mid ah baa sidaas yidhi, ama diiday waxaas ee ay ahaadaan kuwo isku duuban oo aan la kala dhex geli karin, waxa dhexdooda ahna aanay debeda u soo bixin,dhaafina, waa in aan la kala leexin oo aanay u kala xaglin dhinacyada soo doortay mid kasst oo ay yihiinba ee ay ka sinaadaan daacad-nimo xalaal ah, waa in ay u sinaadaan dhamaan xusbiyada oo dhana aanay ku xad gudbin haddii ay sidas yeeli waayaan, waxa iman doonta in ay ka baaqsa-daan wixii looga soo doortay umada intaas leeg, waxana ay soo kordhin doonaan waxa wadnaha farta lagaga hayo ILAAH inaguma keeno’e.

Waxa ku waajib ah golaha xildhi-baanda in ay si qoto dheer oo ay ku jirto xilkas-nimo, daacad-nimo, u dersaan xubnaha la hor keenaayo, iyaka oo sharciga aan qaloocin oo aan qaarna u debcin, kuwa kalena ku giijin, ay si laba jibaaran uga fiirsadaan wax yaabaha la lee-yahay waa jiraan ee ah udub oo soo xulay laba xubnood midna ku jiro golaha dhexe ee xusbiga, midna yahay la taliyaha madax-weynaha oo aanay ku degdegin ee ay ka baaraan-degaan guntana soo xaadhaan kutiri-ku-teenka socda, waayo waa xaaraan haddii ay jirto sida ku qayaxan warbaahinta, maanta ma joono ficiltan, iyo xusbi ku xumayn, shakhsi nacayb, ee waa aayahii umada, iyo cidhibtii nolosha aynu doonayno in aan hiigsano, marka taas la xaqiijo, waa in aad iyana si cilmiyan ah u cadaysaan wax qadbad-kooda, shakhsinima-dooda, aqoon-tooda, iyo sida ay AL-LE uga cabsadaan, xilkas-nimada ay lee-yihiin, waa in uu golaha xildhi-baanadadu faro adag kuqabtaa arintan waayo waa ta ugu muhiimsan in ay soo xulaan,ansixi-yaana komishan lagu wada kalsoon-yahay, oo aan la isku sheeg-sheegin siddii hore u dhacday ee ay ku casilmeen kuwii ka horeeyey, waa in si walba u baadhaan, meel kasta ka fara geliyaan, oo banaanka soo dhigaan inta aanay ooda ka rogin oo aanay ku soo dayn umada, dabeedna aanay belo dhex dhigin, halka ay u dhimanayso weeye ama sare uga kacayso somaliland maanta, sidaas awgeed waxa inagu waajib ah in aynu la soo baxno kuwii ina gaadhsiin lahaa martabada aynu hiisanayno, ee aynaan indhaha ka lalin, haddii kale waad garan kartaan waxa iman kara iyo sida ay wax u dhici karaan ee hawsha yar, haddii ay taasi timaada-na, ma jirto meel dambe oo ay ka soo noqotaa, waa in taas laga digtoo-naadaa oo laga sii feejig-naadaa,lana baajiyaa wax alaale wixii suuro gelin kara arimahaas aan soo sheegay, dardaaran waa inta xayga la yahay, hadhoow marka ay wax yimaadaan waa wax aynu isgu wacanahay oo aan cid dafiri kartaa aanay jirin, ee ah denbi aan wada galay, waxa la yidhi balaayo daamam la qabto bay lee-dahay ee malaha ee malaha dabo la qabto, haday timaado way kula tagtay oo wiish baa kula sare kacay ee imikaba hadoow bay odhan laylama hadlin,oo layma sheegin, ama siddaas baan moodaynay, waan dhayal-sanay, ama kama aanu fekerin caynkaas, geed ay qabsato imikaba ma jiro haddii laga leexdo dariiqa saxa ah, dabeedna hoohin iyo sheeko yaan lala iman.

*N.B Talo waad ta aad garanayso marka ay joogto, ee maaha ta aad ka daba tago marka ay ku dhaafto.
ABDI-SHOTALY,

No comments:

Post a Comment